BAAQ DEGDEG AH OO KU SOCDA CULUMADA IYO MADAX DHAQAMEEDKA DALKA

 

 

Asalaamu Calaykum,

Baaqani wuxuu ku saabsan yahay arrin la xidhiidha nabad gelyada dalkan. Waxaan ognahay in hadda ay jiraan arrimo ay ka mid tahay abaar baahsan oo dad iyo iyo duunyaba saamaysay, waxa kaloo jira colaado u dhaxeeya qabaail reer Somaliland ah oo aan weli loo helin xal waara sida ta ka jirta deegaanka ceelafweyn iyo meelo ka mida Sool, ciidamaduna ay ku kala dhex jiraan, waxaa intaa sii dheer siyaasaddii dalka oo aad iyana mooddo inay sabaynayso.

Baaqaygani wuxuu daarran yahay waxaa beryahanba isa soo tarayay oo ka imanayay dhanka Ceerigaabo dhawaaq dheer oo ay soo jeedinayeen beeshii uu ka soojeeday marxuum Taliye Casayr(AHN) oo lagu dilay magaalada Berbera sanadkii hore, dhawaaqaas oo ah midka imanayay waxgaradka beesha, haweeen waynaha iyo xataa qaarkamida caruurtii marxuumka.
Hadaba waxay beeshu ka cabanasaa oo cod dheer ku sheegayaan inay saluug aad u weyn ay ka qabaan xukuumadda hadda talada haysa. Sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa culumada iyo madax dhaqameedka waaweyn ee dalka inay arrintan soo fara geliyaan oo dhexgalaan xukuumadda iyo beeshan, runtana u kala sheegaan. Soomaalidu waxay tidhaahdaa BELAAYO DAAMAN LAQABTAY LEEDAHAY EE DABO LA QABTO MA LEH.

Hadda haday wax dhacaan,Illaahay kama dhigee, waxaan arki lahayn iyadoo boqolaal culumo iyo waxgarad ahi is daba guurayaan oo hadlayaan markaa waxaa taa igala fiican in hadda arrimaha murugsan wax laga qabto oo dadka runta loo kala sheego.


Wa billaahi tawfiiq


C/razaaq Xiis, Hargaysa, Somaliland
Email: abdurazaqhiis@gmail.com
23 Feb 2017