BAAQ COD DHEER AH, KUNA SOCDA XUKUUMADA JAM. S/LAND IYO TAAGEERADA CUQAASHA

 


Ku; Xukuumada Jam. S/land Hargeysa.
Ku; Dhamaan Saxaafada S/land.
Og; Labada Gole ee Barlamaanka Jam. S/land Hargeysa.

Dhamaan Qurbe-jooge Hoosku qoran kana soo Jeeda Degaanka Galbeedka iyo Waqooyiga Hargeysa iyo Degaanka Gabiley. waxa ay halkan uga dirayaan Baaqan hoos ku xusan Xukuumada S/Land.

Markaan Aragney Goaankii G/Guurtida ee 1993kii .
Markaan Aragney Goaankii G/Guutida ee 06/06/2009.
Markaan Aragney Talo bixinta Suldaanada, Culimadiinka iyo Aqoonyahaynka dalka .

Markii Ay soo baxeen Hadalo ka dhan ah Goaanka ,ahna kuwo aan u adeegeyn Nabada iyo Xasiloonida Dalka.
Markii Garabka Gabiley Fuliyaan Xukunkii lagu Ridey.
Markii aan mudo ka warsugeyney Xukuumada iyo Mowqifka fulineed ee laga sugeyey.

Waxa aan halkan ugu baaqeynaa Xukuumada S/land gaar ahaan M/weynaha iyo Wasiirkiisa Gudaha in ay ku fuliyaan goaanka Guurtida sida ku cad oo ah in la fuliyo Bil gudeheed oo ku eeg 07/07/2009.

Hadaba hadii ay Xukuumadu ka gaabiso fulinta Goaankan. Waxa aan si buuxda oo hiil iyo hooba leh la garab joognaa Baaqa Cuqaasha oo ah in aan Degaan ahaan Gacantiina ku fushano goaankaasi wixii ka yimaadaana ay yihiin mid ay masuuliyadeeda leedahay Xukuumadu.

Xukuumadu Laba ha kala deyso, oo ah in marka Guurtidu u kordhineyso Xilka ay isla maalintaa soo saaraan Dhaqangalka Goannka Kordhinta. Wixii kale ee Golaha ka soo baxana aan halkeeda laga qaadin.
Goaan Gole waa Sharci, waana Waajibka Xukuumada in ay Fulisaa. Hadii ay markaasi ka baaqato Shaqadeeda ha Ogaato in cidii lahayd Fushaneyso, wixii ka dhacaana yihiin Dumadeeda.

Waxa kale oo aan halkan Taageero ugu baaqeyna Cuqaasha Reerka oo aan leenahay Cidna ha u joojinina ee Gacanta ku qaata sharciga.
Waxanan Diyaar idiinla nahay taageero kasta oo aad nooga baahataan.
Ma hadhin wax kale oo aan sii eegano iyo Waqti dambe oo aan ku lumino Ma dhaleys nimada Arintan.

Waxaanad hureynin horaa loo yeelaa..
Waxa kale oo aan leenahay xukuumadu ha joojiso Laba wajiileynta ah , Kala xadeyntu maaha Qabiil ee waa mid Maamul iyo Qabiiil baanan Raacineynin Degaan hebel oo Reer hebel u badan yihiin.


Sida ku cad Xeer Nr 23 ee Gobolada iyo Degmooyinka oo ah mid ka soo baxay labada Gole uuna saxeexey M/weynuhu waxa uu dhigayaa sida ay tahay Xuduuda Goboladu oo ah,Xadkii ay lahaayeen Lix(6) dii Degmo ee jirey 26/06/1960. Waana mid looga fadhiyo Xukuumadu in ay iyadana Fuliso oo ayna Xeerka kaliya kaga dhaqmin Marka ay ku ilaalineyso Maayarada u dhagaha Nugul. ee Xeerka sidiisa ha u wada fuliso.

Magacyada Baaqa soo saarey.

1-C/wahaab Sh.Cumar Sh.Muxumed.
2-Ismaaciil Xasen Warsame
3-Saciid Xasen Warsame
4-Cabdi Xasen Cumar
5-Xuseen Cumar Magen
6-Maxamed Yasin Caserjoog.
7- Mukhtaar Xirsi Xasen
8-Ismaaciil C/laahi Nuur
9-Xasen Cali Amaan
10-Yusuf Cawaale Odowaa
11-C/laahi Cali Caamir
12-Maxamed Nuux Axmed
13-Maxamed Cabd Aw Aden
14- Idiris Muxumed Axmed
15-C/laahi Xuseen Muxumed.
16-Abiib Maxamed Yey
17-Axmed Ibraahim Qodax
18-Naasir Aw Daahir Dugsiye
19-Xaaji Sh. Cumar Sh. Muxumed
20-Axmed Sh. Muxumed
21- Muxuyidin Sh. Muxumed
22-C/risaaq Aden Cumar
23-Maxamed Aden Cumar
24-Cali Aden Meecaad
25-Cumar Aden Suldaan
26-Maxamed Ismaciil Xuseen
27-Maxamed Cali Faarax
28-Saciid Maxamed
29-Sadiiq Maxamed Xaaji
30-Farxaan Cabdi Cumar
31-C/qadir Maxamed Saleebaan
32-Nagib Cabdi Asker
33-Axmed Aden Suldaan
34-Ibrahim Cabdi Sh. Muxumed
35-Axmed C/samed Sh. Muxumed
36-Maxamed Nuur Ducaale
37-Axmed Maxamuud Bayle
38-Saciid Xirsi Qalinle
39-Ismaaciil Xirsi Qalinle
40-Xuseen Aden Cige
41-Yusuf Cismaan
42-Cumar Qiyaas
43-Cumar C/wahaab Cumar
44-Ibrahim Axmed Sh. Muxumed
45-Sadiiq Nuur C/laahi