Baaq: Hadaanu nahay Beesha Sayla Bari waxaanu jawaab waafiya ka bixin doonaa haddii ay dhabawdo Badalka safiirka Ethopia ufadhiya Somaliland
 


 


Hargeysa (TNN)-Sida umada reer Somaliland markhaatiga ka tahay waxaa Beesha sayla bari ku gaadhay xusulduubkii loogu jiray is badalka nabaro badan waxaanay filaysay in xukumada  maa nta jirtaa noqoto mid dhayda hadimooyinkii ka soo gaadhay wakhtigii dadaalka loogu jiray is  ba dalka balse taa dhigeed ay xukumadan uu madaxweynaha ka yahay silaanyo ay sad uga  dhig tay qadin aan hore taariikh Beesha usoo marin.


Inkast oo ay yar iyo weyn beesha sayla bari ka xumaatay qadinta uu ula badheedhay  madaxw eyne silaanyo haddana waxgaradka Beeshu wuxuu ka xishooday inuu si cad udhaleeceeyo ka been sheegista uu Madaxweynuhu ka Been sheegay xarfaha ku qaran buugii midabka fiicnaa ee dadka iyo dalka lagu beerlaxawsanayay iyo balan qaadyadii hal ku dhiga looga dhigayay  sinaan ta iyo dadaalada.


Si kastba ha ahaatee iyadoo beeshii ugu horeysay ee uu madaxweyne Silaanyo kula dulkufo  ca daalad daradu ay noqotay Beeshii hiil ugu wayn siisay, wakhtigii uu xusulduubka ugu jiray  hoga anka dalka, iyadoo aanu waliba garawshiiyo ka bixin waxaa hadana fajac iyo amakaag nagu noqotay in xilkii yaraa ee aanu ka xishoonay inaan shaluugno markii horeba uu hadana yidhaa waan la noqday.


Run ahaantii waxaan usheegaynaa madaxweynaha haddii ay arintani la fududahay inay la  cusl aan doonto, waxaanan uu sheegaynaa in arintiisani tahay Habartii tidhi dhuloowo kaama kuco.
Waxaanan leenahay haddii aad ka xishoon wayday damiirkaaguna kuu diidi waayay inaad  Bees ha Sayla bari inaad sudquudhsigii ugu darto duco qabe ana waxaanu ilaabidoonaa wixii aan xeerinaynay.



Mahadsanidiin

 



Suldaanka Guud ee Beesha Ayuub             Boqorka Beesha Ayuub

Suldaan Dahir Suldan Aamin Boqor             Ali Hussein kahin