Baanka Aduunka Oo Maalgelinaya Dhismaha Kawaanka Hilibka Xoolaha Ee Burco iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Heshiis La Saxeexday

 

Waxay Ogolaadeen Oo Aanu Kala Saxeexanay Dhismaha Kawaanka Hilibka Ee Magaalada Burco Inay Ku Sameeyaan Ilaa Bisha September Ee Sanadkan” Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dr. Idiris Ibraahim Cabdi,


Hargeysa, July 21, 2010 (TNN) - Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Idiris Ibraahim Cabdi, ay aa heshiis la saxeexday Baanka adduunka, kaas oo ku saabsan dhismaha Kawaanka Hilibka xoolaha ah oo laga hirgelinayo dhawaan Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Tog-dheer.


Wasiirka oo ay weheliyeen Wasiirul dawlaha Wasaaradaasi Eng. Aadan Daahir Maxamed (Aadan  Dhe ere), Agaasimaha guud ee xanaanada Xoolaha Dr. Maxamuud Cali Giire iyo Madaxda Hay’ada FOA oo la soo mariyo mashaariicda baanka adduunka ayaa xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha shalay shir albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay wefti ka socday Baanka Adduunka.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Idiris Ibraahim Cabdi, oo shirkaasi ka dib Saxaafada uga waramay waxyaabihii kulankaasi ku saabsanaa wuxuu yidhi "Qoladani waxay ahaayeen koox ka  soco tay Baanka Adduunka oo mashaariic badan oo laga fuliyay Wasaarada Xanaanada Xoolaha  Maalgeli say, markii isbedelkan cusubi Somaliland ku yimid ayay u yimaadeen inaanu xogihii u dambeeyay kala qaadano, waxa Weftigan Hoggaaminayay ninka haysta Mashaariicda Baanka Adduunka.mashruuca  k awaanka weyn ee Hilibka ee Magaalada Boorame ayaa ka mid ahaa mashaariicda ay maal geliyeen, w axa kale oo ku jiray mashaariic cawska xoolaha la xidhiidhay iyo biyo qabatino la sameeyay waxaana baraago laga sameeyay dalka ilaa labaataneeyo meelood arrimahaasi ayay daba socdaan imika.".

Wasiirka Xanaanada Xooluhu wuxuu sheegay in Weftigan Baanka adduunka ay shalay la saxeexdeen heshiis la xidhiidha sidii ay Kawaanka hilibka ee Magaalada Burco u dhisi lahaayeen waxaanu yidhi  isa goo arimaas ka hadlaya "Waxay imika ogolaadeen inay dhisaan oo aanu kala saxeexanay dhismaha kawaanka hilibka ee Magaalada Burco inay ku sameeyaan ilaa Bisha September ee sanadkan,  kawaa nkan Burco ee ay dhisayaan wuxuu la mid noqonayaa Ka Magaalada Boorame, waxaana aanu  weydii sanay inay lixda gobol ee waaweynba ka dhisaan kawaano waaweyn markaa kawaanka Burco waxa ku baxaysa in illaa laba Malyan oo Dollar."

"Waxa kale oo ay balan qaadeen inay sii wadaan biyo qabatinnada ay dalka ka samaynayaan, waxa kale oo ka mid ah mashaariicda ay Wasaarada la fulin doonaan iyagoo soo marinaya Haayada FAO  tu saale ahaan shan reer oo meel degan ayaa Beer caws ah laga dhexaysiinayaa” Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee xukuumada xilka wareejinaysa Dr. Idiris Ibraahim wuxuu ku dooday inaan weli Somaliland loo ogolaan mashaariicda waaweyn ee dhinaca Horumarinta waxaanu tilmaamay in mashaariicda ugu waaweyn ee baanka Adduunku bixiyo ay ka mid yihiin dhismaha Kawaanada Hilibka xoolaha, isagoo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi "Kawaanka Hilibka ee Boorame wuxuu awood u leeyahay inuu dhoofiyo Hilibka haddii uu furmo madaarka Boorame, markaa Weftigan ujeedadiisu sidaasi ayay ahayd, waxa kale oo aanu ka sii wada hadalay qiimaynta mashaariicdii hore ee aanu wada qabanay Mashaariicda dambana waxaanu ku wareejin doonaa dawlada cusub "


Wasiirka oo la weydiiyay sida ay sharci u noqonayso heshiiskan cusub ee uu la galay Baanka  adduu nka xiligan kala guurka ah ee xukuumadiisiina xilka wareejinayso waxa uu ku jawaabay "Heshiiskani  m id weyn ma aha ee waa mashaariic horumarineed dawlada cusub ayaa la wareegi doona balse waanu u sii saxeexaynaa ilayn hawshii anagaa sii wadnee."


Wasiirka oo la weydiiyay inuu dalka Ingiriiska tagayo marka xukuumadiisu xilka wareejiso 27-ka bishan wuxuu sheegay inuu dalka joogayo oo uu ummadiisa wixii uu u qaban karo u qabanayo.

Source:Haatuf