Baahintii Gudaha Telefishanka HCTV Oo Joogsatay Ka Dib Markii
Ciidamada Amaanka Xoog Ku Galeen Xafiisyadii Suuq-Gaynta Iyo
Warlaliska.
Hargeysa,14 Jan,2012 (TNN) - Ka dib markii Saacado ka hor ay
Ciidamada Amaanka Somalila nd xidheen Xafiisyadii Telefishanka Horn
Cable Tv ayaa waxa wakhtigaasi sii shaqaynayey q aybta baahinta
Gudaha Magaalada Hargeysa, balse wakhti yar ka hor ayaa waxa hawada
ka baxay Baahintii hawada ee Telefishankaasi.
Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Telefishanka Horn Cable Tv oo aanu wax
ka weydiinay hawl gal ada ay Ciidanka Amaanku ku xidh xidheen
Xiifyadii Magaalada Hargeysa ee Telefishanka aya a noo sheegay in ay
Ciidamadu yimaadeen Xafiisyada Telefishanka, isla markaana amreen in
la xidho Shaqaaluhuna ka soo dareeraan, ka dibna ay markii dambe
dalbadeen Ciidan dheera ad ah, kuwaasi oo xoog kaga soo dareeriyey
Xafiisyadii Shaqaalihii ka shaqaynayey, waxaa na ay Ciidamu Xidheen
Agaasimihii Telefishanka Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig), iyaga oo
Ciidan ku amreen in la xidho baahinta Telefishankaasi.
Warar Xogogaal ah ayaa Shabakada Timacade News u sheegay in loo
tuhun san yahay in ay xadhiga Telefishanka ka dambeeyaan Wasiirka
Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan iyo Afhayee nka Madaxtooyada C/laahi
Maxamed Daahir (Cukuse).
Waxyaabaha ugu waaweyn ee ay Xukuumaddu ka xanuunsatay ee
Telefishanku baahiyey a yaa ah Khudbad uu jeediyey Madaxweynihii
hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin markii uu xilka
wareejinayey taasi oo uu kula dar daarmayey Madaxweynaha haatan
talada haya, waxaana hadaladaasi Madaxweynihii hore ee Somaliland ka
mid ahaa ““Waa maalin qiimo w ayn u leh shacbiga reer Somaliland,
waa taariikh taabogalka noqotay oo hirgashay geedigii aynu soo
wadnay muddada dheer. Waxaan halkan hambalyo uga gudbinayaa shacbiga
reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba, Waxa kale oo aan halkan
(Madaxtooyadda) ku soo dhawaynayaa walaalkay Axmed Maxamed Maxamuud
oo ku guulaystay doorashadii Madaxw eynenimo ee aanu ku tartamaynay,
waxaanan ugu wareejinayaa si niyadsami ah, farxad leh oo kalsooni
ah,”
“Siddeed sanno ayaan xilka soo hayay, sanad ku meel-gaadh ah iyo
todoba sano oo kale, w aan garan karayaa culayska xilkani uu
leeyahay iyo dhibaatada hoos taala madaxweynaha maanta hawsha igala
wareegaya, anaa xogogaal u ah, waxaan leeyahay, anigu waan isdaba
taagayaa gacana waan ku siinayaa, shacbiga reer Somaliland waxaan
leeyahay madaxweyn aha xilkiisa haddaynu la garab qabano ayuun buu
ka soo baxayaa, haddii kale wuxuu qabtaa wuu yaraanayaa, markaa aynu
u midawno inaynu isdaba taagno. Wuu dhamaaday tartankii axsaabtu,
guul buu ku dhamaaday, wax ka hadhay ma jiro, inaynu dalkeena u wada
shaqay no dhamaanteen, inaynu gacmaha is wada qabsano oo aan meel
uga soo wada jeedsano oo aynu taabogalino qaranimadeenan curdinka ee
aynu muddada soo wadnay, Illaahay mahadii na maanta anigu waxaan ku
faanayaa dimoqraadiyadii aan hirgalinteeda bilaabay, laakiin uu
lahaa madaxweynihii iga horeeyey qorshaheeda iyo barnaamijkeeda iyo
ku talogalkeeda, ani guna waan hirgaliyay markuu geeriyooday, Maanta
waxa taariikh cusub Somaliland u ah, wa xaan isleeyahay aniga iyo
Axmedba labadii madaxweyne ee xilka la kala wareegaya ayaanu nahay,
sababta oo ah aniga madaxweynihii iga horeeyey wuu geeriyooday,
isaguna markii uu la wareegaayey xil uu la wareegay muu jirin,
Axmedna waxay u tahay nasiib wanaag ma anta dal dhisan oo nabad ah
oo wada jira oo isku xidhan oo dadkiisu wada joogaan inuu maa nta la
wareegayo. Waxaynu soo marnay waxyaabo badan, maalintii uu
geeriyooday (AHN) madaxweyneheenii hore ee aan isugu yeedhay labadii
guddi joogto ee golayaasha (Baarl amaanka) iyo golihii xukuumadda,
markii aanu isu nimi waxaanu is waydiinay maxaa talo ah
madaxweyneheenii wuu geeriyoodee? Cabdiqaadir Jirde (guddoomiye
kuxigeenkii hore ee golihii hore ee Wakiillada Somaliland) ayaa
Distooska akhriyey, waxaanu yidhi ‘adaa madax weyne ah’, lagumana
murmin ee sidii ayaanu isku raacnay, isbedelka markaa dhacay ee la
isla aqbalay Somaliland wuxuu ahaa mucjiso iyo waxay ku faanto, la
inaguna majiirtay bees ha caalamka iyo dalalka aynu jaarka nahay
labaduba,”
Sacad Muse Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa/ Somaliland
|