Baahida Geedbalaadh darteed: Baaq Ku Socda Ururka Horu ma rinta Gabiley iyo Agagaarkeed ee Magaciisu yahayn GARDO

 

 


Salaama Calaykum,

Waxan baaq xoojin u ah qaylo dhaantii uu maamulka degmada Geed-balaadh soo saaray dhawaa n halkan uga dirayaa Ururka loo aasaasay inuu ka shaqeeyo horumarinta guud ee gobolka Gabile y (GARDO) ee ka jira dalka Ingiriiska, oo runtii wax-qabad muuqda oo dhanka caafimaadka iyo w ax-barashadaba ah tiroba dhawr goor ka hirgaliyay meelo ka mid ah gobolka Gabiley (Arabsiyo iyo Gabiley). Hawlahaa uu ururku fuliyay oo aad loogu diirsaday waxay waxtar aan la qiyaasi ka rin u yeesheen dadka ku nool gobolka Gabiley oo ku badhaadhay. Dadka ka qaybqaatay inay wax u qabsoomaan ururka GARDO-na waa ay ku amaanan yihiin kuna mahadsan yihiin, ilaahayna waa uu ka abaal-marin. Waana waajib la gutay,

Baahida dalkii hooyo ee jamhuuiyada diimuqraadiga ah ee Somaliland taalaa way badan tahay w aana ay baahsan tahay oo lama wada dabooli karo, hase yeeshee sida dhamaanteenba la gudbo oni waa inaan kolba meesha ugu daran ee horumarka taabka gaaban leh ee bulshadu ka xagal daacayo uun ka nab-nabnaa ama ka kab-kabnaa.

Todobaadkan aan ku jirno Hadaba waxa dibada u soo baxay oo dhagaha dadka ku soo dhacay qa ylo-dhaantii ugu horaysay ee ay Degmada Geed-balaadh oo ka tirsan gobolka Gabiley abidkeed gargaar ku dalbato, taasi oo ah baahi ka haysa laba dhan oo kala ah wax-barashada iyo caafima adka. Labadan waaxood ee wax-barashada iyo caafimaadku waa aasaaska nolosha oo la'aanto od ma suurto gali karto nolol cuntan lehi, dal bulshadiisu aanay ka horumarin labadaa dhan-na la gama yaabo inuu tartanka aduunyadu dhan kasta ugu jirto ku guulaysto.

Sidaas darteed, in dawlada iyo dadkuba ay ku tutuunsadaan labadaa qaybood ayaa lama huraan ah, baaqan qaylo dhaanta ah ee Geed-balaadhna waa mid gar ah oo xiligiisii taagan, taas awgee ed waxan ururka horumarinta Gabiley iyo agagaarkeed ee GARDO oo loo sameeyay inuu itaalkiisa ka shaqeeyo baahiyahan oo kale ugu baaqayaa inay u dhaqaaqaan, oo ay u gurmadaan degmada da'da yar leh ee Geedbalaadh oo ay hoos yimaadaan tuulooyin badani.

Degmada Geed-balaadh waa degmo sida meelo badan oo kaleba qaranka Somaliland uu ku wacad furay oo aan ka helin haba-yaraatee waxii ay ka mudnayd, waxa taas marag kaaga ah oo aad ka qiyaas qaadan kartaa baaqan qaylo dhaanta ah ee maanta taagan, ee uu maamulka degmada Ge ed-balaadh dadkiisa qurba-jooga ah ugu cabanayo markuu dawladahii kala danbeeyay ee Somalil and ka quustay.

Qaranka Somaliland lagama rabo waxanu qaban karayn, waxa laga sugayay waxay ahayd bal ad uun haba kaa maqnaadee inuu ugu yaraan arin lagu bad-baado oo cidhib wanaagsan leh dadka iyo dalka u keeno. Cawo-daro taana waxabad moodaa si ay wax yihiinba in aan weli la helin.

Degmada Geed-balaadh waa degmo halbawle u ah qaranka Somaliland iyo jiritaankiisa oo taariikh qadhaadh oo is daba-taal oo aad u gun-dheer ku leh halgankii SNM iyo ka horba, oo waa hoygii Jabhadii magaceeda la odhan jiray Afraad. Degmadan Geed-balaadh waa meelihii ugu darnaa ee xasuuqii iyo gaba-gabayntii dawladii Siyaad Bare ku habsatay, waa meesha dagaaladii ugu adkaa ee ay iskaga hor-yimmaadeen xoogagii xaq u dirirka ahaa ee SNM iyo askartii Siyaad Bare sanad ihii 1978-1991-kii ka dhaci jireen. Sidaas darteed waxa soo gaadhay dadka khasaare baaxad way n leh oo aan mudo laga soo kaban karin, oo in gacmo badani wax ka qabtaan u baahan.

Gabagabada, baaqan qaylo dhaanta ah waxan ku leeyahay ururka GARDO ee qurba-jooga gobol ka Gabiley iyo cidii kale ee wax tari kartaba, haloo gurmado degmada Geed-balaadh oo runtii mu do dheer keligeed la soo daalaa dhacaysay wax ka qabashada baahiyahan ay hada dibada u soo saartay.

''Ha jirto Somaliland oo ha joogto''
 

 


Cali Cumar Xasan.