Axsabta mucaaradku waa
inay ogaadaan haddii ko mishanka labedelo in xagal daac yo dib udhac
markale iman karo
marka hore waxaan salaamayaa
dhamaanba websiteyada maxaliga ah ee somaliland iyo hawlwadeenadooda
iyo guud ahaanba shacabka reer somalilnd mee kasta oo ay joogaanba
intaas kadib
sida lawada ogsoonyahay waxa dib udhac kuyimid doorashooyinkii
madaxtooyada & golayaasha dagaanada somaliland oo ay ahayd in
laqabto doo rashada madaxweynaha iyo kuigeenka 29 march 2009 halka
aan ilaa iyo hadda lahadal ahayn wakhtiga laqaban doono , balse
sababo jira awgood waxa markale dib udhac kuyimid doorashooyinkii
lafilayay inay dalka ka qabsoomaan, waxaanay golaha guurtida
jamhuuiyada somaliland u kordhiyeen xukuumada madxweyne rayaale inay
xilka sii hayso muddo lixbilood ah oo ku eg 29 october 2009 sidoo
kale waxay komishanka dorashooyinka qaranku cayimeen wakhtiga ay
dhacayso doorashadu oo ay ku muddeeyeen 27 september 2009ka, waxa
dib udhacaas iyo muddo kordhintaas qaadacay xisbiyada mucaaradka ah
ee somaliland kulmiye iyo ucid waxana halkaas ka Aloosmay khilaaf
siyaasadeed oo mawjado xoog weyn kiciyay,waxaanu xisbiga kulmiye
kubaaqay inaanu aqoonsanayn dawladda uu madaxda kayahay madaxweyne
rayaale oo aanu sharciyad meesha kufadhiyin,
inkasta oo uu khilaafkaasi saamayn weyn kuyeeshay wakhtigaas guud
ahaanba dalka somaliland oo ay dadbadani isweydiinayeen waxa kaiman
kara haddii uu sidaas kusoo socdo, waxa guntiga u xidhay oo soo
dhexgalay dhinacayadii siyaasada isku hayay guddiga anshaxa
doorashooyinka ah runtii is xilqaamay wadaniyadna muujiyay Aakhirkii
waxa lagu guulaystay in alasoo afjaro khilaafkii taagnaa. oo lagu
dhameeyay in muddo kordhinta guurtida sideedaa loo daayo distoorkana
laxaq dhawro taas oo ay mucaaradku kuqanceen oo aan odhan karo
tanaasul ayay muujiyeen waanay kumahadsanyihiin
haddaba waxa aad moodaa in xisbiyada mucaaradku waa kulmiye iyo
ucide ay soo cusboonaysiinayaan tabashooyin hor leh waxaanay soo
jeediyeen dhawaan in labedelo guddiga doorashooyinka qaranka, maba
xuma laakiin arrinkaasi laakiin waxa uu umuuqdaa maadaamoo
doorashoyinkii ay kahadhay muddo afarbilood iyo wax yar ahi inuu
yahay mid keeni kara xagaldaac iyo dib udhac markale kuyimaada
wakhtiga lafilayo inay doorashooyinku dhacaan , haddii meesha
markale dib udhac yimaadaana waxa hubaal ah inaa lasaadaalin karin
waxa kadambayn doona maadaama umaddu sugayso oo ay diyaar utahay in
doorasho xor ah oo xalaal ahi dalka kadhacdo siloo gaadho
himilooyinka aynu hiigsanayno , bal aynu eegno waxa uu sababi karo
badalkakomishanku
1, komishanka cusub ee hadda lakeenaa waxa wakhti kuqaadanaysa inta
uu laqabsanayo xilka loo igmaday iyo waajibaadkooda ah waxaana
muuqata wakhtiga oo yar awgeed in dib udhac markale iman karo
2,komishanka hadda jira ee shaqeeyaa waa niman muddo badan hawshan
soo hayay waanay soo saxl baxeen oo khibrad badan ayay maanta
uleeyihiin hawsha ay gacanta kuhayaan mana aha komishan dhinac
kaliya kasoo jeedaa waa komishan loo dhan yahay xataa xisbiyada
mucaaradku ay qaarkood soo magacaabeen
haddaba hadii xisbiyada kulmiye iyo ucid ay rabaan in doorasho dalka
kadhacda waxa haboon inay kanoqdaan go,aanmada ay wada jirka usoo
saareen ee ku aadan bedelka komishanka , haddii kale waxay
noqonayaan niman doonaya dalka inaan doorasho kadhicin oo markasta
iyagu sababya dib uhac iyo khilaaf siyaasadeed oo aan dhamaan
waxan kusoo gunaanadayaa waxay danta dalka iyo danta xisbiyada iyo
danta guud ee shacabka somalilandba kujirtaa doorashooyin xor ah oo
dalka kadhaca silooga dhabeeya himiladeena dimuqraadiyadeed oo ah
waxa aynu dheernahay dawladaha geeska iyo kuwo badan oo aduunka ahba
,waa in laga tanaasulaa wax kasta oo keeni kara dib udhac kale,
waxaaay axsaabta mucaaradka ugu baaqayaa inay komishankan hadda
shaqeeyaa sidiisaas udaayaan oo ay kanoqdaan baaqa ay soo saareen
Allaa Mahad Leh
Waa Qalinkii. Axmed Aw Cabdilaahi khaliif
khaliiff05@hotmail.com
|