Axmed-Siilaanyo oo si Kulul u Weeraray Mada xweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa

 


Hoggaamiyayaasha KULMIYE oo Darandoori isugu Dhiidhiibay Dhaliilaha xukuumadda talada haysa iyo xisbigeeda UDUB



“Maamulka maanta jiraa wuxuu caado ka dhigtay oo muujisay in aanay marnaba dalka doorasho ka qaban…waxaannu damcay inuu xukunka weligii haysto”

Guddoomiyaha KULMIYE





“Sida runta ah KULMIYE maaha kii UDUB la murmi lahaa, mana aha inaynu ka dhigo dad inala tartamaya”


Eng. Maxamed Xaashi Cilmi



Hargeysa (Timacadenews)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyaan masuuliyiin sare oo ka tirsan xisbigiisa, a yaa muddo dhawr bilood ah markii u horreysay shalay fagaare isugu dhiidhiibay eedaymo iyo dhaliilo ay si kulul ugu weerareen Madaxweyne Rayaale iyo  xukuum adda uu hoggaamiyo ee ka soo jeeda xisbiga UDUB.


Axmed-Siilaanyo oo ka hadlayey xaflad ay soo qabanqabiyeen taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee xaafado 150-ka Degmada 26-ka June ee magaalada  Hargey sa, ayaa si adag ugu eedeeyey xukuumadda talada haysa in aanay marnaba  diya ar u ahayn doorasho dalka ka qabsoonta, isla markaana Madaxweyne Rayaale goostay inuu weligii xukunka haysto oo uu carqalad geliyo qorshe kasta oo  doora sho ku dhici karto.


“Wuxuu dalkeenu iminka ku jiraa marxalad xasaasi ah, waxaad ogtihiin inaynu ka soo gudubnay waqtiyada qaarkood oo aynu dagaal ku siganay oo aynu ku  sigan ay inuu dalkeena burbur ku yimaaddo, iyada oo ay u sabab tahay  macangagni mada maamulka maanta jiraa uu damcay inuu xukunka weligii haysto, uu damcay inuu xoolaheena cuno, mustaqbalkeenana baabi’iyo, ummaddan waxay u soo  halg antay uu baabi’iyo oo uu daaqada ka tuuro. Illaahay kama dhigin, noqona mayso, dadkii dalkan xorreeyeyna way joogaan, dadweynuhuna way ogyihiin  xorrayado oda iyo madaxbannaanidooda waxay u soo mareen, maanta dalkeena dhibaato iyo xumaan midna uma quudhayno, waynu ognahay waxa dalalka deriskeena ka socda, waxaanan Illaahay Soomaaliya uga baryeynaa inuu dagaalka ka saaro, ta asina waa ta aynu iska ilaalinayno, dalkeena cidda ilaalinaysa maaha maamulka maanta jira, cidda maanta ka ilaalisaa waa dadweynaha reer Somaliland, waxa waa laga soo gudbay, waxaynu qarka u saaran nahay in doorasho inoo dhacdo,” ayuu yidhi Guddoomiye Axmed-siilaanyo, waxaannu intaa raaciyey, “Maamulka maanta jiraa wuxuu caado ka dhigtay oo muujisay in aanay marnaba dalka  door asho ka qaban, waa tii caalamka iyo dadweynaha reer Somaliland-ba muujiyeen in aanay arrintaas mid dambe oo laga yeelayo ahayn, maantana ay khasab ku  tah ay inay doorasha qabtaan, waa tii guddigii Doorashada la beddelay, waqtigii  doo rashada la qabanayeyna waqtiyar oo kooban ayaa ka hadhay, waxaynu u  diyaa rgaroobaynaa doorasho oo aynu dalkeena ka xorreyno boobka iyo tuugada ay xukuumadda Rayaale kula kacayso dalkeena.”


Sidoo kale, waxa xafladda dhoola-tuska ah ka hadlay masuuliyiin ka tirsan  KULM IYE oo ay ka mid yihiin Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Maxamed Cabdi Iskeerse, Xoghayaha Guud Kayse Xasan Cige, Guddoomiyaha Ololaha gobollada galbeed Baashe Cabdi Gaboobe iyo Guddoomiyaha gobolka Hargeysa Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamarji), kuwaas oo dhammaantood si darandoori ah isugu  dhiid hiibay dhaliilaha xukuumadda Rayaale ee dhinacyada doorashooyada,  waxq abadka, adeegyada bulshada, dhaqaalaha iyo ku tagrifalka hantida qaranka.


Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isagu sheegay in aanay la murmi karin xisbiga UDUB, maadaama aan la isbarbardhigi karin oo ay ku guuldarraysteen xilkoodii.


“Maanta sida runta ah KULMIYE maaha kii UDUB la murmi lahaa, waayo UDUB waxay waxyeelayso mooyaane waxay waxtartay ilaa hadda lama hayo, mana aha inaynu ka dhigo dad inala tartamaya.


Horta UDUB waxay xukunka haysay siddeed sannadood, intaa ay xilka haysay maxaa laga dhaxlay, ka UDUB u ololeynayaa miyuu ka hadlaa in xoolaha ummadda ee la boobayo ay joojiyaan, tii Jaabiri ayaa innoogu dambeysay ee maalintii dhoweyd ee dadkii abaaraha ka soo baxay neefafkii yaraa ee haysteen Ilaahay Sucuudiga u sikhiray isku qabteen lacagtii ka soo baxday ma baankaynu geynaa, mise lama geynmaayo, markaa dad lala murmi karo amma wax la isku qaban karo sida runta ah maaha.”


“Ninka UDUB maanta u halgamayaa ma waxa uu leeyahay waxbaa la  hagaajinay aa, haddii ay doorashadu sii raagto, waxaan ka cabsi qabaa in State House-ka la iibiyo oo dhakhtarka la iibiyo, Idaacaddii ayey maryaan, Indian Line-kii ayey ka soo hoyden, markaa maanta wax UDUB laga dugsado oo ka soo socdaa ma jirto,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.


Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, waxa uu ganacsatada Somaliland uga digay inay wax dhul ah oo dambe ay ka iibsadaan xukuumada Madaxweyne Rayaale, oo uu ku tilmaamay inaanay diyaar u ahayn in lala xisaabtamo.


Guddoomiyaha Ololaha doorashada gobollada galbeed ee KULMIYE Baashe Cabdi Gabboobe oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa naqdiyey hadal dhawaan ka soo  yee dhay Guddoomiyaha Ololaha xisbiga UDUB Cismaan Hindi oo KULMIYE ku  eedeeyey inuu xidhiidh la leeyahay Al-shabaab.


“Haddaanu KULMIYE nahay waannu ku faanaynaa inay naga mid yihiin  hoggaam iyeyaashii ugu muddada dheeraa SNM, markaa waxaan leeyahay UDUB beryahan dambe waxay soo wadataa marka doorashadu soo dhowaataba wax aad iyo aad ugu lid ah qarannimadeena ee halaga foojignaado. Waxaan ka cabsi qabnaa inay shirqoolo kan ka daran ula timaado mujaahidiinta, waxaan idin leeyahay nabadgelyadeena aynu ilaasho oo aynu UDUB ka ilaashano, waayo doorashadii ayaa soo dhow oo ay doonaysaa inay sidii u fadhido, innaga iyo caalamkuba heegan ayeynu u nahay doorasho,” ayuu yidhi Baashe Cabdi Gaboobe.


Xoghayaha Dhaqaalaha ee xisbigaasi Mr. Maxamed Cabdi Iskeerse, ayaa sheegay in dalku u baahan yahay dib-u-xorreyn dambe oo aan loo qaadan qori ee lagu fuliyo cod xilka lagaga qaado xukuumadda talada haysa oo uu ku tilmaamay  fadh iid guuldarraysatay.


Isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Beryahan dambe aflagaadooyin badan ayaa ka soo baxayey xisbiga talada haya ee TALO-XUME ee UDUB, annagu ma caytamayno, furinamayno albaabada nin doonaya albaab uu garaaco in laga furo oo la dagaallamimayno ee danta dalka ayeynu ka raaci.”


Waxaan idiin sheegayaa inaad u diyaar garowdaan dagaal aan xabbad ahayn oo dhidid badan oo rafaad badan oo haddii la doono la idin xidhxidho, kuwii maalintii hore mudaharaaday ilaa hadda waxay xidhan yihiin, ballan ayuu qaaday Ina Rayaale, markii uu Guddoomiyaha KULMIYE u tagay, haddaan soo daynayaa ayuu yidhi, ilaa haddana waxay xidhan yihiin,” ayuu intaa ku daray Md. Iskeerse.




Source: Jamhuuriya Online