Axmed-Siilaanyo Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Natiijadii xukuumadda

 

Labada guddoomiye xisbi Mucaarad ee KULMIYE iyo UCID ayaa ka hadlay aragtidooda la xidhiidha natiijada ay xukuumadda Somaliland ka soo saartay baadhitaanka weeraradii argagixiso ee 29 Oktoobar, ka dhacay magaalada Hargeysa.

Hargeysa(Geeska)-Labada guddoomiye xisbi Mucaarad ee KULMIYE iyo UCID ayaa ka hadlay aragtidooda la xidhiidha natiijada ay xukuumadda Somaliland ka soo saartay baadhitaanka weeraradii argagixiso ee 29 Oktoobar, ka dhacay magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo uu Geeska Afrika siyaabo kala gooni gooni ah u weydiiyay aragtidooda, ayaa kaga jawaabay dareen isku dhow. Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilanyo, oo ka jawaabaya aragtidiisa la xidhiidha natiijadaas xukuumadda ayaa yidhi, “Waxaan u arkayaa, dawladu hawsheedii iyo shaqadeedii ayay qabsanaysay oo ay ku maqnayd, markaa sida ay warka u soo sheegtay khasab baynu u qaadanaynaa oo dawlad shaqadeedii qabsanaysay oo war inoogu maqnayd baanu u arkaynaa oo intaa ina soo gaadhsiisay, markaa sidaasi ayaanu u qaadanaynaa oo waanu ogolnahay oo shaqadeediibay qabsatay.”

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa isna isaga oo Geeska Afrika uga jawaabaya aragtidiisa arrintan ayaa yidhi, “Waanu soo dhawaynaynaa Xisbi ahaan oo aad baanu u soo dhawaynaynaa, arimuhu way kala horeeyaane, mar haddii la inoo tilmaamay cadowgeenii, waxaan u arkaa inay guul tahay, waanuna ku amaanaynaa dadkii baadhista ku jiray, waxaanuna jecelahay insi deg-deg ah loo keeno Maxkamada, qodobkii dilka ahaana lagu isticmaalo, oo cid dambe oo la cafiyo ama xabsi daa’in lagu xukumaa jirine, ciqaabtay mutaysteen oo sharciga Islaamka ah la mariyaa. Waxa kale oo aanu leenahay ha soo dhamaystiraan baadhista inta hadhsan.”

Xukuumadda Somaliland ayaa khamiistii toddobaadkan kooxda Al-Shabaab oo ku jirta liiska ururada argagixisada ah ee Maraykanka ku eedaysay inay ka dambeeyeen falalkii is qarxinta ahaa ee 29 Oktoobar, lala beegsaday xarunta Madaxtooyada, Xafiiska Itoobiya ee Hargeysa iyo xarunta hay’adda UNDP ku leedahay magaalada Hargeysa.
 

 


Source: Wargeyska Geeska Afrika