Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Hadlay Tabashada Reer Awdal,
Madaxweynahana Ugu Baaqay Inuu Deg Deg Wax Uga Qabto
Hargeysa (TNN) :-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Muddane Axmed
Yuusuf Yaasiin ayaa ka hadlay tabashada Odayaasha Gobolka Awdal,
waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay in sida ugu dhakhasha badan uu wax
uga qabto una xaliyo tabashadaas, waxaanu kale oo uu ka ha dlay
arinta Suldaan Wabar, oo ku baaqay in loo xilsaaro Salaadiinta kala
duwan ee Gobolada Dalk a oo aanay ku jirin salaadiitna Awdal, si ay
toos ugu tagaan ulana soo hadlaan, oo aan lagu deg degin si aan
dhibaato u dhicin.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa
isaga oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo
kale waxa uu sheegay in UDUB ay godob u hayso golaha guurtida iyo
guddoomiyahooda oo aan u gurman waagii uu khilaafkii UDUB burburiyay
taag naa.
Ugu horayn Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, isagoo ka hadlaya sida uu u
arko tabashada reer Awdal wuxuu yidhi “Arinta Awdal haddii aan ka
hadlo Madaxweynaha talo ayaan u soo jeedinayaa,oo waxa aan leeyahay
Madaxweyne tabasho tan ka horeeysay ayaa meesha taalay, tabashadaas
oo ay isku raacsan yihiin reer Awdal, Guddi ayaad tirtay, waxa ayaa
laguu keenay, oo waxa aan ku leeyahay tabashadaas waxa ka qabo, oo
iyaga oo qudha maaha ee labada darafba wax ka qa bo tabashadooda, oo
Beelaha dhexe iyadii ayaad wax doonayse hadalkeeda meel ku tiiri,oo
waad Iloowday Beelihii darafyada baahiyahooda ha la fuliyo”.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin mar
uu ka hadlaayey Suldaan Wabar waxa uu yidhi “Anigu waxa aan soo
jeedin lahaa oo aan ku baaqi lahaa in 21-Suldaan oo ka kala socda
Salaadiinta Somaliland oo dhan oo aanay ku jirin Sadaaliinta reer
Awdal, ha loo diro Suldaan Wabar oo halkiisa ugu taga, oo Madax
dhaqameed ayaa Madax dhaqameed loo diraa, oo Madax dhaqameedka iyo
Salaadiinta reer Awdal markii aynu is haysanay waa kuwii inoo soo
gur maday, markaas Salaadiintaas loo dirayaana waa inay ka soo
qaadaan kalmada iyo hadalka ugu dambeeya, si aanu dhiig u daadan, ha
loo diro Madax-dhaqameedkaas si aan hadhaw la isku cana anan, si aan
Somaliland-ta kale aanay u odhan iyada oo aan taladii waxba lanaga
weydiin ayaa daf wax la yidhi,oo waa in Salaadiintaas loo dirayaana
ku dadaasha sidii ay u soo kaxayn lahaaye en, maxa yeelay Somaliland
Maanta waxa ay u baahan tahay inay wada guurto, maxaa yeelay w axa
dhinaca dibada inagaga socda dagaal weyn,markaas in tabashadaas meel
la saaro waa muhi im, waxaan leeyahay Madaxweyne arinkaasi wakhti
ayuu qaatay ee si deg deg ah wax uga qabo, in Nabadgeliyada la
ilaaliyana waa muhiim, Nabadgeliyadana Ninka aan haysan ayaa
garanaya, waxa hareeraheena ka dhacayana waa aynu arkaynaa, marka
aynu meel u wada guurno ayeynu cadawgeena iska dhicin karnaa, ”.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland oo la weydiiyay sida uu u
arko loolankii u dhexeeyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Wasiiradda
Maaliyadda iyo Arriimaha Dibada ayaa yidhi “Arinta u dhexeeysa
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, Wasiirka Maaliyadda
Cabdicasiis Samaale, Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi, waa
arin Xisbi, waxaana odhan karaa Xisbiga Kulmiye wuu ka nasiib badan
yahay Xisbigii UDUB maxa yeelay UDUB, markii ay liicday looma gurman,
laakiin XIsbiga Kulmiye waxa u gurmatay Golaha Guurtida, anagu
haddii aanu nahay UDUB-tii horena waxaanu godob u haynaa Saleebaan
iyo Guurtida, oo anigu walibana wakhtigaas waan u tagay Saleebaan
waxaana ku idhi arintaas la wareeg, balse waxba kamuu qaban, Godobna
waan u tirinaynaa. Laakiin haddii uu Maanta Madaxweynuhu taagan
yahay ee uu yidhi aniga ayaa Doorashada u taagan Sharciyan inagu
waxa aynu qaadanay nidaamka Mareykanka, waxaana Xisbigu markaas
taageera hadba Musharxa markaas Doorashada u taagan, ee walibana
markii hore soo dhiciyey Doorashada.”
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland oo ka hadlaya
doorashooyinka soo socda ayaa yidhi “Doorashada waxa ka hadhay shan
ilaa lix bilood, mana qabo inay ku dhacayso, taasina waa wax aan
caqliga gelin, balse marka aynu ka hadlayno Doorashada Golaha
Wakiilada, ayaa Golihii ugu dambeeyey ee ku yimid habka Beelaha, waa
kuwii korodhsaday Shano Sanno waa anagii Maxka mada geeynay,
Maxkamada ayaana jabisay korodhsiimihii ay korodhsadeen, waxaana la
sameey ey Sharci ku meel-gaadh ah, markaas Maanta ma yaalo Sharci
doorasho oo Golaha Wakiilada ah, markaas iyada oo aan marka hore
laga hadal Doorasho waa in la dhameeya Sharcigii lagu doora naayey
Golaha Wakiilada, qodobka ugu horeeyana waxa uu ahaa in iyada oo aan
Diiwaangelin la gelin in aan Doorasho la gelin, Maxkamada ayaana
xukuntay in Doorashada Diiwaangelin lagu gal o,Diiwaangelintana ha la
bilaabo, Golaha Wakiiladu wixii shuruuc ah ee ka dhiman Doorashada
oo koogu u horeeya ha dhameeyaan, wakhtiga Doorashada la qabanayana
waxa xaq u leh oo jadw alka sameeynaya Guddida Komishanka
Doorashooyinka, oo wakhtiga rasmiya ah ee la qabanayo Doorashadana
iyaga ayaa sheegaya, wixii korodhsiimaha ahna halkaas ayaa laga
duulaya.”
Source: Geeska
|