WAR-SAXAAFADEED

 




Milgo iyo Maamuus weyn ayey ii tahay in aan munaasibadda Ciidal Adxaha awgeed halkan uga jeediyo hambalyo iyo bogaadin dhammaan Shacbi-weynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaan.Si gaar ah, waxaan tahniyad ugu dirayaa Ciidammada kala duwan ee Jamhuur iyadda Somaliland, Goleyaasha Qaranka, Culimo-aw-Diinka, Madax-dhaqameedka, Madax da Xisbiyada Qaranka, Bahda Waxbarashada, Bahda Garsoorka, Ururada Bulshada, Dhali nyarada iyo Haweenka laf-dhabarka u ah nabadda iyo nolosha dalkan.

Waxaan leeyahay Mudanayaal iyo Marwooyin, ku ciida ciid wanaagsan, nabad iyo caano ku ciida.( Kullu-caam wa antum bikhayr ), ciiddan ciiddeeda kale ILAAHAY ha inagu gaad hsiiyo bed-qab, bash-bash iyo barwaaqo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Duco-qabayaal,

Maalintani waa maalin qiimo weyn ku leh ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan.
Sidaa darteed, waxa habboon inaynu ummad ahaan la wadaagno farxadda iyo rayn-rayn ta ciidda barakaysan ee Eebbe inoo jideeyey.
Haddaba, si aynu u helno deeq iyo danbi-dhaaf Alle, waxa inagu waajib ah in aynu ilaalinn o midnimada iyo wada jirkeena.Waxa inagu waajib ah, inaynu dhammaanteen isu-uursa maanno, isna saamaxno.Waxa inala gudboon inaynu Allaheena wayn u noqonno, iskana cafino wixii xan iyo xumaan ina dhex-martay.

Duco-qabayaal,

Waxaan bogaadinayaa Bulsho-weynta Somaliland ee jecel horumarka, nabadda, diinta, ila alinta dhaqankeena suuban, iskaashiga iyo wax-wada qabsiga.Nasiib darro, waxa jira in kooban oo bulshada ka mid ah in ay caadaysteen in ay maalmaha ciidda barakaysan ku kacaan ficillo iyo falal ka dhan ah diinteenna wanaagsan, anshaxa iyo akhlaaqda suuban.

Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa Waalidiinta, Wax-garadka, Culimo-aw-Diinka Dalka, iyo Madaxda Hay'adaha Dawladda ee arrimahan u xilsaaran in ay si mug iyo micno leh u toosiyaan, ugana hortagaan dhaqammadaa dhexdeenna ku faafaya.
Aniga oo munaasibadan ciidda ka faa'iidaysanaya, waxaan baaq nabadeed u dirayaa beelaha walaalaha ah ee dhibtu ku dhex-martay deegaannada Dogoble iyo Darar-weyne, waxaan leeyahay;

"Walaalayaal gogosha ragu waa nabadda, nabadda idinkaa u baahan, ee iyadu idiinma baahna ee joojiya colaadda, dhiiga iyo dhagarta dhexdiinna"Waxaan hambalyo iyo bogaa din ballaadhan u dirayaa ciidammada qaranka ee ku hawlan dhex-dhexaadinta iyo nabad ilaalinta deegaannada Dharkayn-geeye, Dhummay, Daba-taag, Dogoble, Darar-weyne iyo Ceel-afweyn.

Mar labaad, waxaan ku guubaabinayaa inay dedaalka halkaa ka sii wadaan, kana daalin hawsha islaaxa ah ee ay ka shaqaynayaan. Waxaan farayaa in ay gacan adag oo aan nax ariis lahayn ku qabtaan cid kasta oo khal-khal galinaysa amniga iyo xasilloonida deeganna daa.Waxaan Bulshada Somaliland u caddaynayaa in aanay jirin cid laga baryayo deganaa nshaha iyo nabadda dalkan. Waxaan si weyn ugu digayaa cid kasta oo ku hawlan falal ka dhan ah nabadgelyada.

Duco-qabayaal,


Ugu danbayn, waxaan idinkula dardaarmayaa dhammaantiin:

• in aynu dhinac uga soo wada jeesanno ilaalinta nabadgelyada iyo difaaca qarannimadeenna.
• in aynu ilaalinno wada-jirka iyo isku-duubnida dhexdeenna.
• in aynu is-gargaarno, isla markaana caawinno kuweena taagta daran ama tabaalaysan.
• in aynu isu caqli-celinno, wanaagga is-farno, xumahana iska reebno.
• in aynu ka wada qayb-qaadanno horumarka iyo dib-u-dhiska dalkeenna hooyo.

Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu inaga aqbalo acmaashii suubanayd ee aynu samaynay maalmahan khayrka badan”.
Waxanan u ducaynayaa inta bukhta ee xaalad caafimaad u jiifta, awoodina wayday inay inala ciidaan maalintan qiimaha badan, waxanan Alle uga baryayaa inuu caafimaad sareecana siiyo kana dulqaado xanuunka, Aamiin Aamiinintii, Intii dhimatayna waxan Alle uga baryayaa inuu u dambi dhaafo una naxariisto.
 

 


Aamiin , Aamiin, Aamiin…

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.