WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka
dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilada
Jamhuuriyadda Somaliland u fad hiya Dalalka Jabuuti & Kenya;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
1. In Mudane, Maxamed Warsame Cali Cigaal, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka
Jabuuti.
2. In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka
Kenya.
Ujeeddo: Xil-ka Qaadis
1. Ku: Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir),
Wakiilkii Somaliland ee Hore ee dalka Kenya Nairobi
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
Hargeysa
Mudane,
Waxa aan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay.
Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba
cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wakiilka
Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso
xilka aad haysay Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde, oo aan xilkaa
isaga ah u magacaabay.
Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo
Iskaashiga Caalamiga ah, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la
farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Wakiilka
Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya.
2. Ku: Mudane, Maxamed Xirsi Qalinle,
Wakiilkii Somaliland ee Hore ee dalka Jabuuti Jabuuti
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
Hargeysa
Mudane
waxaan gartay in aan kaa aqbalo codsigaagii ahaa warqada shaqo ka
fadhiisinta ee xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya
Dalka Jabuuti.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso
xilka aad haysay Mudane, Maxamed Warsame Cali Cigaal, oo aan xilkaa
isaga ah u magacaabay.
Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo
Iskaashiga Caalamiga ah, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la
farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Wakiilka
Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Xoghayaha Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.
|