WAR-SAXAAFADEED

 

 

Madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabil ey 7-da Xubnood ee uu ka kooban yahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Komishanku waxay Madaxweynaha warbixin faah-faahsan ka siiyeen habsami u socodka hawlihii diwaan-gelinta, kaadh-qaadashada iyo u diyaar garowga qabsoomida Doorasha da Madaxtooyada 13.11.2017. Komishsnku waxay Madaxweynaha si mug iyo miisanba leh ugaga mahad naqeen sida hagar la'aanta ee ay Xukuumadiisu hiil, hoo iyo dhaqaaleba ula garab is taagtay hawlaha baaxadda leh ee ay KDQ ummadda u hayaan. Sidoo kale waxay Madaxweynaha u sheegeen inay iyaga Kkomishan ahaan ka go'an tahay inay Idamka ALLAH Doorashada Madaxtooyada ku qabsoonto xilligii loogu tala galay 13.11.2017.


Koomishanka doorashooyinka qaranka waxay xisbiyada tartamaya ugu baaqeen inay Mur ashaxiintooda ku soo gudbiyaan muddo 45 xisho ka hor maalinta loo qoondeeyey doorash ada.

Madaxweynaha waxa kulankan ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirka Warfa afinta, Wasiir ku xigeenka Madaxtooyada, Afhayeenka Madaxtooyada iyo Xoghayaha gaa rka ah ee Madaxweynaha. Kulankaasi wuxuu ku soo gaba gaboobay Guul iyo is afgarad. Isagoo madaxweynuhuna ku dhiirigeliyey hawsha qaran ee ay hayaan Allena uga baryey inuu ku asturo una dhib yareeyo hawlaha doorashada.

 

 



ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Afhayeenka Madaxtooyada JSL.