Madaxweynaha Somalilnd Axmed  Siilaanyo oo mashaariic laga hir geliyey  Gobolka Sool Xadhiga ka Jaray kuwa Kalana Dhagax Dhigay

 


 
Laas-caanoood (TNN) :- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo hoggaaminayey wefti ballaadhan oo Xukuumadda ka tirsan, ayaa maanta  xadhig a ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hir galiyey gobolka Sool.

Madaxweynaha ayaa furay cisbitaalka guud ee gobolka Sool, oo laga hir-galiyey in ka badan 11 mashruuc, sidoo kalena waxa madaxweynuhu uu xadhiga ka jaray dugsiga sare ee boodhinka Laas-caanood oo isna dib u dhis ballaadhan lagu sameeyey.

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa oo maanta gaadhay magaalo Madaxda gobolka Sool ee L aascaanood, iyaga oo ka soo safray magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, waxa mad axweynaha iyo weftiisa soo dhawayn ballaadhan ay kala kulmeen dadweynaha Somaliland ee ku dhaqan deegaamada u dhaxeeya goboladaasi.

Weftiga ayaa waxa caleemo qoyan, calanka Somaliland iyo astaanka xisbul xaakimka Somalilan d ee KULMIYE, ku qaabilay dadweynaha degmooyinka Yagoori iyo Adhi-cadeeyey, iyaga oo Ma daxweyne Axmed Madaxweyne Siilaanyo uu dadweynahaasi fagaare kala hadlay ugana maha d-naqay soo dhawaynta diiran ee ay kala kulmeen.

Mashaariicda Madaxweynuhu maanta furay ayaa waxa loo qabtay munaasibad lagu daah-fur ayey oo ka dhacday xarunta dugsida tababarka Kalkaaliyeyaasha caafimaadka, munaasibadaa si oo ay ka qayb galeen masuuliyiin tiro badan, ayaa waxa ka hadlay Maayarka Laas-caanood Mudane Cabdicasiis Xuseen Taarwale, waxaanu yidhi “Madaxweyne waxaanu ku leenahay ku soo dhawoow degmada Laascaanood, waa nabad, waa barqaaqo, wax dhibaato ahi kama jira an, aad iyo aad ayey xaaladu u wacan tahay, Madaxweyne waxaanu kaaga mahad-naqaynaa mudadii aad xilka haysay, waxa ay xukuumadda aad gadhawadeenka ka tahay ay ka hir-galis ay, degmadan oo ah 13KM oo wado ah iyo buundo magaalada labadeeda daraf isku xidha, oo markii hore wakhtiga roobka dhibaato badan lagu qabay, wadooyinkaas mid ka mid ahna mag aca Madaxweynaha ayaanu u bixin doonaa, guud ahaan gobolka Sool iyo magaalada Laas-caa nood waxa ay xukuumaddu ka qabatay maaha wax la qarin karo.”

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo ka mid ah madax dhaqameedka gobolka soo waxaanu yidhi “Waxaan halkan ku soo dhawaynayaa ugana mahad celinayaa waxqabadkiisa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaan leeyahay Madaxwe yne waxaad ka tagaysaa dhaxal, taariikh ayaad gashay, dhammaan shacabka gobolkuna waxa ay ku gudoonsiinayaan shahaadooyin, Ingiriiskii iyo maanta gobolka caafimaadkiisa iyo waxba rashadiisa wax waxqabad ah oo u dhaxeeyey ma jiraan, waxaad aad qabatay waxa ay u cad yihiin sida cadeeda.”

Guddoomiyaha gobolka Sool Khayre Dirir ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “ Mudane madaxweyne cisbitaalka waxa la dhisay 1946-kii, maanta waxa aynu joognaa 2017-kii, mudada intaa le’eg, waxa aad tahay masuulkii ugu horeeyey ee nasiib u yeesha inuu cibitaalka Laascaanood dib u habayn iyo casriyeyn ku sameeyo, waana abaal aad gashay shacbi weynaha Somaliland gaar ahaana reer Sool. mudane Madaxweyne iskuulka boodhinka waxa la dhisay 1962-kii isna waa markiii ugu horaysay ee dib loo dhiso adiga iyo xisbigaaga KULMIYE waxaad noqoteen cidii u horaysay ee dib u dhis ku samaysa, shacabka reer Laascaanood way ka dharagsan yihiin cidii wax u qabatay, intii aad talada haysay is badal muuqda ayaa gobolkan ka hirgalay.”

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr. Salaabaan Ciise Axmed ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Waxa farxad weyn noo ah in aannu maanta ka soo qayb galno, goob-joogna ka ahaano furitaankii iyo xadhiga ka jaristii cisbitaalka guud ee magaalada Laascaanood oo ah cisbitaal gobol iyo Iskuulkii boodhinka ahaa oo ah dugsi sare, waa laba mashruuc oo waaweyn oo lacag badani ku baxday, barnaamijka la yidhaa SDF ee sanduuqa horumarinta Somaliland ayaa hirgaliyey.”

Gabagabadii munaasibadaasi ayaa waxa ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaanu yidhi “ Sharaf weyn ayey ii tahay in aan maanta halkan imaado oo aan ka soo qayb galo xafladan aynu ku furayno cisbitaalka gobolka Sool iyo dugsiga sare ee Laascaanood ee boodhinka ah, in aynu mashaariic waaweyn dalka ka hirgalinaa waa waajib ina saaran, wixii aanu ka qaban karnana waanu ka qabanaynaa, wixii aanu ka qaban karaynayna waanu ka qabanay, Insha Alaahu waxaan Ilaahay ka rajaynayaa inuu inagu guuleeyo mashaariicdaasi, meel wanaagsan inoo mariyo.” ayuu yidhi Madaxweynaha JSL.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xarunta cisbitaalka guud ee magaalada Lascaanood barxadiisa hore ka dhagax dhigay riig-biyood wax badan ka tari doona baahida biyood ee cisbitaalka iyo guud ahaan magaalada Laascaanood.