WAR-SAXAAFADEED

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed
Siilaanyo isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba
waxa uu tacsi u dirayaa labada go le qaran ee baarlamaanka iyo
guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, qoys ii, eheladii,
asxaabtii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayMarxuun
Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal oo15/04/2016ku geeriyooday
Magaalada Hargeysa, kana mid ahaa xildhibaanada qiimaha iyo faca
weyn ee ka tirsanaa shuyuukhda golaha guur tida.
Marxuumku waxa uu ka mid ahaa xildhibaannada golaha guurtida
Somaliland ee ugu mud dada dheeraa, isagoo ku suntanaa, miisaanweyna
ku dhexlahaa bulshada reer Somalila nd oo uu ka mid ahaa, odayaashii,
waxgaradkii salka udhigay nabadda iyo dawladnimada dalka ka jirta,
waxaanu hawl-fuliye ka ahaa dhammaan shirarkii nabadaynta beelaha
So maliland kuwada nool,waxa kaloo uu kaalin muuqata oo lama
illaawaan ah ka soo qaatay halgankiidib-u-xoraynta dalka, waxaanu
ahaa sheekh caalima oo ku xeel dheer diinta isl aamka, dadkna ugu
adeega samaha iyo wada jirka.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu janooyinkiisa
balaadhan dejiyo, guurtida, qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo
shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna samir iyo iimaan Saadiqa ka
siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
C/raxmaan Sh Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
|