WAR-SAXAAFDEED
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed
Siilaanyo, isa goo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland,
waxa uu tacsi u dirayaa qoys kii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii,
golayaasha Qaranka, waxgaradka, waayeelka, m adax dhaqameedka,
siyaasiyiinta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, ee uu ka ba xay
Marxuum Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo maanta (06/04/2016) ku
geeriyooday magaalada Burco.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey siyaasi ruug caddaaya oo
qaranka Somaliland kaga suntanaa baal dahab ah, kana soo qaybqaatay
dib u dhiskii dalka iyo nabad kuwada noolaashaha beelaha Somaliland
wada dega, isagoo xilal kala du wanna ka soo qabtay xukuumadihii kala
danbeeyey ee dalka iyo axsaabta qaranka, kana mid ahaa dhakhatiirtii
ugu horaysay ee aqoontooda dhakhtarnimo u hibeeyey, duurkana u galay
sidii ay dadkooda ugu gurman lahaayeen, kana hawlgeleyey dawa ynta
mujaahidiintii horseeday xoraynta dalka.
Marxuumku wuxu ka mid ahaa haldoorka dhakhatiirta dalka ee
wakhtigooda iyo ma skaxdooda u hibeeyey dawaynta iyo horumarinta
caafimaadka shacbigooda.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii
janno ka w araabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii,
golayaasha qaranka, waxgaradka, waayeelka, madax dhaqameedka,
siyaasiyiinta, aqoon yahanka iyo guud ahaan sha cbiga Somaliland ee
uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Cabdiraxman Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|