WAR-SAXAAFADEED

 



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba, waxa uu dhambaal tacsi ah u dira yaa ciidamada booliska, iyo guud ahaan ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) oo ahaa Taliyihii qaybta booliska ee Gobolka Sa axil, oo maanta gacan ka xaqdarani ay ku dishay deegaanka Biyooley ee gobolka Saaxil.

Madaxweynuhu wuxuu si gaara tacsidaa ugu dirayaa qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxa abtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuumku.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey inuu waajib qaran gudanayey, isaga iy o ciidankii la socdayba, markii lagu dhagaroobay, waxaanu madaxweynuhu amar ku bixi yey in si degdeg ah gacanta loogu soo dhigo kuwa geystay dilka, meel kasta oo ay gal aana lagaga dabatago, sida ugu degdega badana sharciga loo horkeeno.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka ba xayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL