TACSI MADAXWEYNE

 



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo sha cbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ambassador Maxamu ud Cabdilaahi Jaamac (Sifir) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 05.05 . 2017, dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada New York City.

Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay d hamaan ummadda ku hadasha afka Soomaaliga, gaar ahaan Reer Somaliland, waxaanu marxuumku ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu magaca weyn dhulka Soomaalidu degto, xilkii udanbeeyey ee uu Qaranka somaliland ka soo qabtayna waxa uu ahaa Safiirka Somalil and ee Dalka Kenya u fadhiya.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka war aabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN



Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.