TACSI MADAXWEYNE

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa Bah da Fanka iyo suugaanta, hawl-wadeennada iyo shaqaale-weynaha Wasaaradda Warfaafi nta, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somalil and ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuum Rashiid Bullo Ibraahim oo ka mid ahaa fanaaniinta dalka Iyo Marxuum Axmed Baaruud Aadan oo isna ka mid ahaa weriyeyaasha Idaacada Radio Hargeysa oo ku geeriyooday Caasimadda Hargeysa xalay oo ay taariikhd u ahayd (28 April 2017), labada marxuum maanta ayaa lagu aasay xabaalaha Naaso habl ood iyo Xeedho.

Madaxweynuhu waxa uu marxuum Rashiid Balluu Ibraahim ku sifeeyey muwaadin hawl kar a Alle ha u naxariistee waxa uu ahaa tiir ka baxay qaranka Somaliland iyo guud ahaan um madda Afka Soomaaliga ku hadasha, waxaanu muddo ka badan nus-qarni ku dhex jiray ba hda fanka, suugaanta iyo warbaahinta, isagoo ahaa abwaan, mullaxan, heesaa iyo tumid da muusiga. Waxa kaloo uu ka mid ahaa halgamayaashii xaqu-dirirka ee af iyo addinba aa n waxba kala hadhin dib-u-xorayntii waddanka Somaliland, sidoo kalena waxa uu door mu uqda kaga jiray dib-u-dhiskii dawladnimada iyo nabadayntii Somaliland, waxa uu ka mid ah aa tiirarka shaqo iyo kaydka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, isagoo ka mid ahaa da dkii lagu bilaabay aas-aaskii idaacaddii Radio Hargeysa, caana ku ahaa heestii Radio Har geysa ee tani waa Hargeysoo hirarka gagaaban idin kala hadlayse, habeen wanaagsan, waan hoyanayaaye habeen wanaagsan, isagoo fanka ku biiray 1950kii.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaas ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka war aabiyo Bahda Fanka iyo suugaanta, hawl-wadeennada iyo shaqaale-weynaha Wasaara dda Warfaafinta, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN



Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL