Axmed Siilaanyo Oo Meel Adag Iska Taagay Muddo Kordhinta Cusub M/Weyne Rayaale.

 

"Waxaan U Arkaa Inuu Go’aankaasi Ku Yahay Gabal Dhac Gedi Socodkii oo Waxyeelo Aan Laga Soo Waaqsan U Geysanaya Horumarkii Iyo Dimuqraadiyadii Dalka" Axmed Siilaanyo

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ayaa si kulul u naqdiyay Go’aankii Golaha Guurtidu ay maanta muddo lix bilood ah u kordhiyeen Madaxweyne Rayaale iyo Ku Xigeenkiisa, waxaanu tallaabada golahaasi ku tilmaamay mid gabal dhac ku ah gedi socodkii hanaanka dimuqraadiyada Somaliland.

Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu sheegay in aanay jirin asbaab nabad gelyo darro oo dalka ka taagan oo sababta in muddada loo kordhiyo Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Guddoomiyuhu wuxuu sidaasi ku sheegay Waraysi uu caawa siiyay laanta Afsoomaaliga ee idaacada BBC-da, waxaanu ka hadlay aragtidiisa ku wajahan go’aankan maanta ka soo baxay aqalka Odayaasha, waxaanu yidhi "Waxaan u arkaa go’aankaas mid ayaan darro ah, waa go’aan Guurti, laakiin waxaan u arkaa inuu go’aankaasi ku yahay gabal dhac u dhacay geedi socodkii oo waxyeelo aan laga soo waaqsan u geysanaya horumarkii iyo dimuqraadiyadii dalka, kuna bilaabay jidkii kali-talisnimada iyo xoriyad la’aanta u horseeday ayaan u arkaa inuu yahay."


Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE wuxuu sheegay in Golaha Guurtidu ay u xilsaaran yihiin inay muddada u kordhiyaan xukuumada ama aanay u kordhin isagoo sabab uga dhigaya haddii ay jirto nabad gelyo darro. "Dalka Somaliland wuxuu ku faa’iiday inuu xoriyad iyo xasilooni haysto, sababta ay qodobkaas u cuskadeen waa wax aan suurto-gelayn oo aan sharciyada iyo dastuurka ku jirin,"ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo.

Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in Komishanka doorashooyinku ay iyagu wakhtiga u cayimaan doorashada, balse aanay Guurtidu raacin wakhtigii Komishanku ay shaaciyeen.


"Horta marka u horreysa Guurtidu ma aha shaqadeedana ma aha inay wakhtiga doorashooyinka u qabato, taasi cid kale ayay xilkeeda tahay sharciguna wuu qeexayaa, arrimahan kalena sharcigu si qudha ayuun buu ogol yahay in loo kordhiyo waxaana weeyaan nabad gelyo darro ka taagan maalinta doorashadu dhacayso, maanta doorasho la leeyahay nabad gelyo darro ayaa ka jirta oo ay tilmaamayaana ma jirto, wax tallo ah oo ay axsaabta weydiiyeena ma jiro. Waxaan aaminsan nahay in gedi socodkii Somaliland meel weyn lagaga dhacay, inay dhaawac ku keenayso horumarkii iyo dimuqraadiyadii dalku ku tallaabsanayay ama ummaddeedu ay hawaysanaysay,"Ayuu yidhi.


Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal ahayd in duruufaha guurtidu cuskadeen ay yihiin kuwo munaasib ah iyo in kale.


Md. Siilaanyo, oo la weydiiyay waxay Xisbi ahaan xal u arkaan haddii ay diidan yihiin muddo kordhintan cusub, waxaanu yidhi "Anagu maanta xal ka hadli mayno, jawaabtaydii u horreysay kaas weeye, xisbi ahaana weli tallo isaga-maanu iman oo maanta uun bay ahayd, tallo xisbi ahaan waanu isugu noqon doonaa, ummadda oo dhana way u taalaa."

Guddoomiyaha oo wax laga weydiiyay in komishanka doorashooyinka ay la shaqaynayaan iyo in kale wuxuu tilmaamay inay Komishanka mar walba shaqo fiicani ka dhaxayso.


Md. Siilaanyo wuxuu cambaareeyay xadhiga saddex Suxufi oo ka tirsan idaacada Radio Horyaal oo Hargeysa lagu xidhay, waxaanu tilmaamay in wadanku qaaday wadaddii keli-talisnimada.







Ramaasnews