WAR-SAXAAFADEED

 

 


Anigoo ku hadlaya afka dawladda Somaliland, waxan halkan ku caddaynaya mowqifkay aga ku aaddan war-murtiyeed dhawaan ka soo baxay shir ay yeesheen qaybaha soom aaliya, kaasoo khuseeyey qaabka doorasho ee dalkaasi ee 2016.

War mur-tiyeedkan soomaaliya ee u dambeeyey waa tallaabo macno-darro iyo daand aansi lagu sheeganayo, laguna soo darayo Soomaaliland inay qayb ka tahay geedi soc odka qaabka doorashada ee soomaaliya.

Jamhuuriyadda Somaliland qayb kama aha Soomaaliya, weligeedna ka noqon-mayso, h adday federal tahay iyo hadday si kala tahayba.

Waxa lagama maarmaan ah in maanka lagu hayo in Somaliland oo ah dal madaxbannaa n, uu la galay soomaaliya heshiis midnimo oo sharcinimada heshiiskaa laftiisa su’aali ka taagan tahay.

Somaliland way diiday heshiiskaa midnimada Somaliland iyo soomaaliya aftidii dastuur ka ee dadka laga qaaday horrantii 1961kii, iyagoo Somaliland si buuxda uga laablaab atay 1991kii, kuna caddeysay go’aankeedii ka noqoshada midnimadaasi, isla markaana baaqi ku ahaanayso la soo noqoshada madaxbanaanideeda, sida ku cad, aftidii muwaa diniinta Somaliland ee 2001.

Somaliland ka qaybgelimayso qaabka doorasho ee Soomaaliya. Dawladda Somalilandna iyadaa leh awoodda sharci, muwaadiniinteeduna u doorteen inay ku hadasho afkooda iyo magacooda, kulana xaajoon karto cid kale, odayaal, madaxdhaqameed, iyo cid ay magacaabeentoona ma mateli karaan Jamhuuriyadda Somaliland, ciddii sidaa iskuday da, ama ku andacootaana, waxa loo arkayaa cid ku kacday khiyaamo, waana sharcida rro, waxay tarayaana maba jirto.

Somaliland cidda awoodda bixisaa ee xilka cid u doorataa, Alle Ka Sakow, waa dadwey neheeda. Waxan marar badan soo bandhignay nidaamkayaga diimuqraadiyadeed, ann agoo qabanay doorashooyin si nabad ah ku dhacay, xor iyo xalaal ahaa, oo dhawr jeer qabsoomay. Wakhti xaadirkanna, waxan isu diyaarinaynaa doorashada madaxweyna ha, madaxweyne ku xigeenka iyo ta wakiillada ee 2017-ka, kuwasoo ka gooni ah, waxs haqo ahna aan ku lahayn qaabka doorasho ee Soomaaliya 2016.

Somaliland waxay door shariif ah ka qaadanaysaa dadaal kasta oo keenaya nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda gobolka Geeska Afrika, waxanay mar labaad cadd eynaysaa siday uga go’an tahay wadahadalkii Somaliland iyo Soomaaliya ee ay kor jo ogaha ka ahayd beesha caalamku ee bishii Juun, 2012, laguna raadinayey falanqaynta danaha labada dhinac, iyadoo lagu xadaynayey sida loo gaadhayo xidhiidh nabadgelyo ku dhisan oo labada dhinac yeeshaan mustaqbalka.

Wadahadalkaasi ayaa annaga naga go’an, hase ahaatee, isku-dayga dhinaca kaliya ee ay Soomaaliya waddo, ee ay Somaliland ku soo darayso qaabkeeda doorasho, wuxuu si cad uga horimanayaa wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya ee 19 January, 2014 ee ahaa inay labada dhinac faraha kala baxaan wax kastoo dhibaato ka dhex abuuri kara labada dhinac, sida hadal iyo habdhaqan aan loo baahnayn oo fogayn kara wada hadalada labada dhinac.

Sida awgeed, waxan ugu baaqaynaa dawladda federaalka ah inay qaddariso madax banaanida Somaliland iyo awoodda dadkeedu siiyeen dawladdooda, iyo dimuqraadiya dda ay ku doorteen. waxan ku boorrinaynaa Soomaaliya inay faraha kala baxdo qaranimada Somaliland.
 

 


ALLAA MAHAD LEH

Axmed Maxamed Siilaanyo

Maaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland