WAR-SAXAAFADEED

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silanyo, waxa uu Xeer Madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/ XERM/249-5038/092017 Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (FoodCoordination Agency) ee Jamhuuriyadda Somalila nd.



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3a ad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Xidhiidhinta Raashinku u leedahay Dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Hay’addaXidhiidhinta Raashinka ee FCA (Food Coordination Agency) ee Jamhuuriyadda Somaliland; 

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku Qancay: In uu hanan xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cali Diiriye Axmed (Ma alin-tacab), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (Food Coordination Agency) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

ALLAA MAHAD LEH Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSl