WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed
Maxamed Silaanyo Waxa Uu Maanta Digreeto Madaxweyne Ku Magacaabay
maalinta Dhallinyarada Qaranka J amhuuriya dda Somaliland.
summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4570/022017 uu ku meel mariyey in
maalinta 20-ka bisha Labaad (February) ee sannad walba loo asteeyey
in ay ahaato maalinta Dhallinyara da Qaranka Jamhuuriyadda
Somaliland.
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Codsiga Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha,
ee summaddiisu tahay WDHC/01/08/17, kuna taariikhaysan 16/02/2017,
ujeeddadiisuna tahay Codsi Magacaabid Maalinta Dhallinyarada
Somaliland;
Markuu Qiimeeyey: Ahmiyadda ay Dhallinyaradu u leeyihiin Qaranka
Jamuuriyadda Somaliland, isla markaana ay muhiim tahay in la
dhiiri-galiyo;
Wuxuu Go’aansaday
In maalinta 20-ka bisha Labaad (February) ee sannad walba loo
asteeyey in ay ahaato maalinta Dhallinyarada Qaranka Jamhuuriyadda
Somaliland.
In Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu ay hirgeliso xuska
maalintaa sannadlaha ah, iyada oo kaashanaysa Hay'addaha ku shaqada
leh Arrimaha Dhallinyarada.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxtooyada JSL
|