WAR-SAXAAFADEED

 

 

 

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhu uriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

Markuu Tixgeliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in Degmooyinka Nasiye iyo Bohol loo magacaabo Degm ooyin cusub;

Markuu Dhegeystay: Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Wuxuu go’aansaday;

1. In uu Nasiye u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.

2 In uu Bohol u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sool.

 


Ujeeddo: Diidmo Iscasilaad

Ku: Mudane, Ibraahim Xaaji Cali Xasan,

Guddoomiyaha Gobolka Hawd Balligubadle

Mudane Guddoomiye,

Anigoo tix-raacaya go'aankaaga aad warbaahinta ku baahisay oo ku saabsan istiqaaladda Xilka Guddoomiyaha Gobolka Hawd ee aad iska-casishay.

Haddaba Guddoomiye, ugu horreyn waxaan aad kuugu mahadinayaa xilkasnimada aad muujisay muddadii xilka Guddoomiyaha Gobolka Hawd aad haysay. Sidaa darteed, waxaan kula socodsiinayaa in aan kaa diiday istiqaalada aad xilka Guddoomiyaha Gobolka Hawd.

Waxaan kuu rajaynayaa in aad si hufan u gudato waajibaadka Qaran ee laguu xil saaray, isla markaana aad si laban-laabto dedaalka iyo doorka weyn ee aad ka qabatay Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 



ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL