WAR-SAXAAFADEED

Taariikh: 03/04/2016
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed
Siilaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3945/042016,
u u magacaabis, xilka qaadis iyo isku bedel ku sameeyey qaybo ka mida
xukuumadda.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin
Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka
Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
1. In Mudane, Maxamuud Warsame Jaamac, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee
Jamhuuriyadda Somaliland. (hore
Xildhibaan Golaha Deegaanka Ceerigaabo)
2. In Mudane, Boos Mire Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Wasiir u-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda
Somaliland (hore Wasiir ku xigeenkii Gaashaandhigga)
3. In Mudane, Axmed Xaashi Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado xubin ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka ee
Jamhuuriyadda Somaliland.
Isku bedelka Gudoomiyeyaasha gobolada qaar iyo G/ku xigeenka Gobolka
Saaxil
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u
leeyihiin Dhismaha Qaranka;
Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada
Guddoomiyeyaasha Gobolada Daad-madheedh, Selel iyo Guddoomiye Ku-xigeenka
Gobolka Saaxil;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
1. In Mudane, Farxaan Xasan Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Guddo omiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda
Somaliland.
2. In Mudane, Axmed Maxamed Xaashi, laga bilaabo taariikhda maanta
uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.
3. In Mudane, Maxamed Cismaan X. Axmed (Indho-balac), laga bilaabo
taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil ee
Jamhuuriyadda Somaliland.
Magacaabida Xubinta Guddida Qandaraasyada Qaranka
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddida Qandaraasyada Qaranka u
leedahay Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo Magacaabidda Xubin ka tirsan Guddida
Qandaraasyada Qaranka;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Axmed Xaashi Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado xubin ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka ee
Jamhuuriyadda Somaliland.
Ujeeddo: Xil-ka Qaadis
Ku: Mudane, Dr. Maxamed Faarax Ducaale,
Wasiiru-dawlihii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda
Og: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
Mudane,
Waxaan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka
Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan
karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiiru-dawlaha
Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso
xilka aad ha ysay Mudane, Boos Mire Maxamed, oo aan xilka Wasiir Ku-xigeenka
Wasaaradda Maa liyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL. |