WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silanyo:
· Isagoo gudanaya Xilka iyo Masuuliyadda Distooriga ah ee
Xukuumadiisa ka saaran ilaalinta iyo la socodka qiimaha Shilinka
Somaliland oo ah lacagta Sharciga ah ee uu Qarankani leeyahay;
· Isagoo ay ka go’antahay in si rasmi ah loola dagaalamo Qiima-dhaca
Shilinka Somaliland;
· Isagoo gudanaya masuuliyadda Xukuumadiisa ka saaran ilaalinta
ascaarta suuqyada iyo la dagaallanka Sicir-bararka;
· Isagoo ogsoon saamaynta taban (xag dhaqaale, xag bulsho, xag
siyaasadeed iyo xag naba-gelyo) ee ay Qaranka ku yeelan karaan
haddii aan si deg-deg ah wax looga qaban Xaaladahan is-barkan ee
Qiima-dhaca Shilinka iyo Sicir-bararka ba’an ee dalka ka jira;
Wuxuu magacaabay Guddi heer Qaran ah oo ka kooban Wasaaradda
Maaliyadda, Was aaradda
Ganacsiga iyo Baanka Dhexe ee JSL oo si qoto dheer u soo baadha kana
soo talo bixiya wixii lagu xallili karo Qiima-dhaca Shilinka iyo
Sicir-bararka dalka ka jira. Madaxweynuhu wuxuu Guddidaa faray inay
xog buuxda oo waafiya ka soo siiyaan si loogu go’aan qaato.
Haddaba, Shirkii aan caadi ahayn ee ay yeesheen Golaha Wasiirradu
24.01.2017, Guddidii uu Madaxweynuhu u saaray ka soo talo-bixinta
Qiima-dhaca Shilinka iyo Sicir-bararka dalka ka jira waxay Golaha ka
hor akhriyeen kuna soo bandhigeen Daraasad qoto dheer oo ay ku
sameeyeen sabaha ugu wacan Qiima-dhaca Shilinka Somaliland iyo
arrimaha uu salka ku hayo Sicir-bararka dalka ka jira. Goluhu wuxuu
dood dheer oo waqti badan qaadatay ka yeeshay talooyinkii ay Guddidu
hor keeneen, taasoo ay soo jeediyeen Wasiirro badan iyo Maamulka
sare ee Baanku oo ay dhammaantoodba ku odorosayeen fikirkooda iyo
aragtidoodu ku aaddan sida ama qaabka ugu habboon ee loo waajahayo
Qiima-dhaca Shilinka iyo Sicir-bararka dalka ka jira.
Go’aanada ay Xukuumaddu u aragto Xalka deg-degga ah ee muddada dhow
ee ay G uddidu hor keentay Golaha Wasiirrada, si aan loo kala hadhina
ay ugu codeeyeen, Mad axweynuhuna uu DIGREETO ku soo saaray waxay
ahaayeen 17 Qodob oo muhiim ah oo aan cidna loogu danaynayn ama aan
cid si gaar ah loo bar-tilmaameedsanayn, balse saamayn toos ah ku
yeelan doona nolosha shacab-weynaha JSl. Qodobadaasi waxa ka mid
ahaa:
1. Isticmaal la'aanta lacagta qaranku waa dembi. Sidaa darteed, waa
waajib Qaran in dhammaan muwaadiniinta iyo shisheeyaha ku nool
Jamhuuriyadda Somaliland, ay si rasmi ah u adeegsadaan, waxna ku
iibiyaan waxna ku iibsadaan lacagta dalka. Cid ka sta oo ka
hortimaadda dhaqan-galkeeda iyo isticmaalkeeda, waxaa laga qaadayaa
tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.
2. Waxaa reebban in shaqaale weynaha dawladda, ciidammada iyo
madaxda kala du wan ee qaranku ay ku beddelaan mushaharkooda lacagta
Dollar-ka. Sidoo kale, waxaa reebban in sarriflyaashu wax ku
beddelaan ama lacagaha qalaad ku sarrifaan Baanka Dhexe iyo Laamaha
Gobollada, ama agagaarkooda.
3. Waxaa la mamnuucay in aanu sarrifka Dollar-ku dhaafi karin
SL.SH/=7,000 (Toddoba Kun oo Somaliland Shillings).
4. In Shirkadaha waaweyn ee leh Bangiyada gaarka ah (Private Banks)
sida: Dahabshiil Group iyo Telesom Group ay si rasmi ah u joojiyaan
Isku-Beddelka Lacagaha Qalaad (Foreign Money Exchange). Sidoo kale,
Ganacsatada waaweyn ee waxna dho ofisa waxna soo dejisa, sida:Oomaar
International Company, Deero Group iwm, aanay iyaguna si toos ah iyo
si dadban toona uga ganacsan karin Isku-Beddelka Lacagaha.
5. In Shirkadaha Telesom Group iyo Dahabshiil Group ee leh adeegyada
Zaad iyo E-Da hab (Zaad and E-Dahab Services) ay joojiyaan lacagaha
US Dollarka ah ee lagu shub ayo Telefoonadooda Gacanta wixii ka yar
$100 (Two digits), isla markaana ay ka saa raan system-kooda US
Dollarka.
6. Si kor loogu qaado loona dhiirri geliyo Isticmaalka Shilinka
Somaliland, waa in Shirkad aha Telesom iyo Dahabshiil adeegyadooda
Zaad-ka iyo E-Dahab-ka ay ka dhigaan ku-shubashada iyo ku-kaydsiga
lacageed mid aan xad lahayn.
7. Sida ku cad Qodobka 32-aad ee Xeerka Baanka Dhexe ee JSL, Lacagta
Sharciga ah ee uu Dalkani leeyahay (Legal Tender) waa Shilinka
Somaliland. Sidaa dareteed, Gana csatada bixisa adeegyada kala duwan
(Service Providers) iyo kuwa ka ganacsada ala abaha (Purchasing
Goods) ay iibkooda ku saleeyaan Shilinka Somaliland. Sidoo kale,
bi xinta kharshyada ama biilasha la isticmaalo bishii sida Ajuurada
Waxbarashada (School fees), Bixinta Nalka, Biyaha, Kirada Guryaha,
ku shubashada telefoonka gacanta; waa in dhammaantoodba lagu saleeyo
Shilinka Somaliland.
8. In Bangiyada Gaarka loo leeyahay (Private Banks) ay
Macaamiishooda u furaan Xisaabaha Shilinka Somaliland, maadaama ay
tahay Lacagta Sharciga ah ee dalku leeyahay.
9. Guddidu iyadoo gar-waaqsan sida uu dhigayo Xeerka Baanka Dhexe ee
JSL, Cutubka 2-aad, Qodobkiisa 4-aad, Farqadiisa 4-aad, Xarfaha B, T
& J; waxay Guddidu lagama maarmaan u arkaan in la xoojiyo lana
tayeeyo Awooda Baanka Dhexe ee JSL uu ku fulinayo Waajibaadka uu u
aasaasan yahay, oo ah:
a) Inuu sameeyo, qaato isla markaana uu fuliyo Siyaasdda Lacagta
Somaliland (Somaliland Monetary Policy).
b) Inuu sameeyo, qaato isla markaana uu fuliyo Siyaasdda Sarrifka
Lacagaha Qalaad iyo Nidaamka Lacaga la isugu beddelo dalka JSL
(Foreign Money Exchange & Currency Trading Policy).
c) Inuu hayo oo uu maamulo Kaydka Lacagaha Qalaad ee Dalkeena.
d) In Baanka Dhexe ee JSL uu yahay Hay’adda Qaranka u xil saaran
ruqsad siinta, kor-joogidda iyo kala noqoshada ruqsadaha ka
ganacsiga lacagta, ciddii ku xad-gudubta sharciga.
Haddaba, maadaama loo baahan yahay in si deg-dega loo hirgeliyo
qorshahan, waxa an hirgelinta iyo dabagalka hawshan u magaacabay
masuuliyiintan soo socda:
1. Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL.
2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.
3. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada.
4. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
5. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah.
6. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
Ugu dambayn, Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silanyo wuxuu si
adag u faray dhammaan masuuliinta ay warqaddani sida tooska ah iyo
sida dadbanba ugu socoto, in ay meelmariyaan, fuliyaanna go'aamadan
ka soo baxay Golaha Wasiirrada JSL, isla markaana ay sharciga la
tiigsadaan cid kasta oo ka hor-timaadda dhagan-galkooda.
ALLAA MAHAD IYO MUDNAANBA LEH
Xuseen Adan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha JSL,
|