WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa
uu dha mbaal hambalyo ah u dirayaa shacbiga iyo dawladda jabuuti,doorashada sida nabad gelyada ah uga qabsoontay dalkaasi shalay oo
Jimce ahayd, isagoo si gaara hamba lyadaasi ugu diray Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo markii
Afraad loo doortay hoggaaminta dalkiisa.
Waxanu madaxweynuhu yidhi "Anigoo ku hadlaya Magacayga, kan dawladda
iyo kan shacbiga Somaliland, waxaan madaxweyne, kugu Hambalyeynayaa
doorashadii sida nabad-gelyada leh uga dhacday dalka Jabuuti
Jimcihii (08/04/2016), waxaanan si gaar ah kaaga tahniyadaynayaa
guusha aad ka gaadhay in shacbiga dalka Jabuuti ku doorteen
madaxweynaha dalka Jabuuti mar kale.
Madaxweyne waxaan ku kalsoonahay in horumarka muuqda ee ay Jabuuti
ku talaabs atay muddadii aad hogaaminaysay uu sii socon doono, anigoo
aaminsan in xidhiidhka ka dhaxeeya labadeena dal uu noqon-doono mid
midha dhal ah oo sii xoogaysta.
Waxaan mar labaad si farxadi ku dheehantahay kugu hambalyeynayaa
guusha taarii khiga ah ee aad ka soo hooysay doorashada dalkaaga ka
qabsoontay oo ahayd mid taariikhiya.
Waxanan idiin rajaynayaa Mudane Madaxweyne, adiga, dawladda iyo
Shacabka reer Jabuuti ee aanu Walaalaha nahay in aad ku waartaan
Barwaaqo, Nabadgelyo iyo Ho rumar”.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL. |