TACSI MADAXWEYNE

 



 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isag oo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu dhambaal tacsi ah u dir ayaa qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Xasan Cali Gaas, oo ku geeriyooday 23/05/2016, London.



Gaar ahaana waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada Mudane Khadar Xasan Cali Gaas, oo ay marxuumka Walaalo ahaa yeen.


Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno geeyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna Sam ir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 



Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.