Axmed Siilaanyo Oo Dadweynaha Ugu Baaqay Inay Komis hanka La ShaqeeyaanXil Weyna Iska Saaraan Na ba dgelyada Iyo Qaadashada Kaadhadhka Cusub

 


“Waanu Ognahay In UDUB Marmarsiiyo U Raadinayso Inay Doorashada Ka Muquurato Oo  Fas hiliso, Guurtida Waxan Ka Filayaa Wanaag”Guddoomiyaha Kulmiye, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

Hargeysa, May 13, 2010 (TNN) - Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dadweynaha reer Somaliland ugu baaqay inay la shaqeeyaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka, isla markaana xil weyn iska saaraan hawsha lagu qaadanayo  kaad hadhka cusub, isagoo dhanka kalena ku eedeeyay xisbiga UDUB inay doonayaan  carqalada ynta doorashada, taas oo uu sheegay inay tahay wax shacbiga reer Somaliland aanay aqbali Karin.

Guddoomiyaha Kulmiye Mujaahid Axmed Siilaanyo oo xalay khadka tilifoonka ugu waramayay Wargeyska Haatuf waxa uu intaas ku daray in xisbigoodu la shaqaynayo Komishanka, isla  m arkaana Muraaqibiin u joogaan goob kasta, waxaanu intaasi Axmed Siillaanyo raaciyey in  Go laha Guurtida uu ka filayo inay si wanaagsan uga qayb qaataan doorashada dalka ka  qabso omi doonta Bisha June ee Fooda Inagu soo haysa.

Su’aalihii iyo Jawaabihii Waraysigaasina Waxa uu u dhacay sidan:-

S: Maxaad Kala Socotaa Sida Ay U Socoto Hawsha Diyaar Garowga Kaadhadhka Cusub Lagu Qaadanayo?

J: Inta aan kala socdo si wanaagsan ayay hawshu u socotaa, anagu hawsha wixii na gala gudboonaa waanu qabanay, waan la shaqeynaynaa Komisanka, waa hawl muhiim ah oo inoo wada taal, muraaqibiin baa noo joogta goob kasta, markaa qayb libaax buu Kulmiye ka qaadanayaa hawsha kaadhadh bedelida.

S: Waxa jira warar ay saxaafada qaarkood qortay oo sheegayay in shirguddoonka Quurtidu qorshaynayaan inay doorashada dib u riixaan, arrintaa maxaad kala socotaa?

J: Arrimo noocaas ah inay Guurtidu ku talaabsanayso u maleyn maayo oo doorashada is hor taagayso, Guurtida waxan ka filayaa waa wanaag.

S: Madaxweyne Rayaale, shalay (doraad) wuxu sheegay in Diiwaangelintii aanay noqon siddii la filayey wixii la doonayayna aanay ka soo bixin, hadalkaa siddee baad u aragtaa?

J: Waanu ognahay in dhawaanahanba UDUB marmarsiiyo u raadinaysay inay doorashada ka muquurato oo fashiliso, taasina shacbiga reer Somaliland ka aqbali maayo, hase ahaatee waxaanu qaadanaynaa hadalkii ka soo baxay ee ahaa diiwaangelinta wixii ka soo baxa waanu ku qanacsanahay doorashadana waan ku galeynaa.

S: Waa Maxay Fariinta Aad Dadweynaha U Gudbinaysaa?

J: Waxan leeyahay dadweynaha, hawshaa xil weyn ha la iska saaro, nabadgelyada ha la ilaaliyo, Komishanka ha lala shaqeeyo, hawshaasi masuuliyadeeda sida ay tahay ha looga soo baxo, cabashooyin way jiri karaan, dadku meelo badan buu iskaga yimid, hawlaha farsamo cida xalin kartaa waa Komishanka, wakhti baa la siin doonaa dadku si ay kaadhadhka u wada qaataan, inagoo qaran isku duuban ah aan hawshaa guul ka soo wada hoyno.
 


Source:Haatuf