TACSI MADAXWEYNE

 


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isago o ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dir ayaa Saraakiisha ciidamada kala duduwan ee qaranka iyo guud ahaan Ciidamada Som aliland, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Gashaanle Sare Cismaan Cabdilaahi Siciid oo ahaa Mad axa hoggaanka saadka ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 15.05.2017, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey sarkaal kaalin muhiima kaga jiray qar anka Somaliland, ahaana saraakiishii ka qayb-qaatay xoraynta dalka, markii danbena u qalab qaatay sidii ay qarankooda u ilaashan lahaayeen, bulshadooda iyo dalkana u dif aaci lahaayeen, isagoo hawshaasi ku jirana ay tii Alle u timid Marxuumka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka wara abiyo, Saraakiisha ciidamada kala duduwan ee qaranka iyo guud ahaan Ciidamada Som aliland, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxa yna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN