Madaxweynaha Oo Caawa Isugu yeedhay Murashix iinta Sadde x da Xisbi
Qaran, Xubnaha Komishanka Qaranka,Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka iyo
Gudoomiyeyaasha Guurtida Iyo Maxkamada
Hargeysa (TNN) :- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,
Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu caawa kulan casho sharaf ah
isugu yeedhay Komishanka qaranka, murashaxiinta sadde xda xisbi
qaran, gudoomiyaha guurtida, gudoomiyaha maxkamada, taliyeyaasha
ciidamada, gudoo miyaha akaademiga nabada iyo horumarinta iyo xubno
ka mida golaha wasiirada, waxaanu kulanka asi daaranaa hawlaha
doorashada inagu soo foolka leh iyo sidii loogu hoggaansami lahaa
shuruuc da iyo qawaaniinta lagu hagayo doorashada dalka.
Waxaanu madaxweynuhu khudbadiisa ku yidhi , ”Bismillaahi Raxmaani
Raxiim,Musharixiinta Sadde xda Xisbi Qaran, Xubnaha Guddiga
Doorashooyinka Qaranka, Shir-guddoonka Guurtida, Guddoom iyaha
Maxkamadda Sare, Taliyayaasha Ciidammada kala duwan ee Qaranka,
dhammaan waxaan idiin soo gudbinayaa salaan xambaarsan hilow,
niyad-sami, nabad-gelyo iyo naxariis Ee be,”ASSA LAMU CALAYKUM WA
RAXMATULLAAHI WA BARAKAATU”.
Mudanayaal,
Sida aynu la wada soconno, muddo bil ka yar ayaa inaga xigta,
qabsoomidda Doorashada Madaxto oyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Sharaf wey bay ii tahay, in aynu xallinay duruufihii ku xeernaa
geedi-socodka dimuqraadiyadda, iyo doorashooyinka dalkeena.
Ugu horreyn, waxa waajib inagu ah, in aynu Allaheena weyn u
mahad-naqno.
Mar labaad waxaan jecelahay, in aan madashan ka bogaadiyo
hawl-wadeenadii, aan u igmaday xilalka kala duwan, ee gacanta iga
siiyey hogaamiye ahaan, dhammaystirka in ay dalkan ka dhacdo
doorasho xor iyo xalaal ah, taas oo ay daruurteedu ina dul joogto.
Si gaar ah, waxaan u hambalyeynayaa Guddida Doorashooyinka, iyo
Madaxda Xisbiyada Qaranka, dedaalkii ay muujiyeen, iyo doorkii ay ka
qaateen hawlaha doorashooyinka.
Mudanayaal,
Doorashada aynu dhawaan u dareerayno idam Eebbe, waxay
mustaqbalkeena ku leedahay saama yn weyn. Anigu Madaxweyne ahaan,
markaan eego Baraaruga Bulshada, iyo Bisaylka Musharixiinta
Baratamaysa, wax war-war ah ma qabo. Hase-yeeshee, waxaan jecelahay
in aan dhammaan, halkan idiinka soo jeediyo, hadallo duco iyo
dardaaran ah, taas oo ah, ujeedada aan idiin marti-qaaday caawa.
Mudanayaal,
Doorashooyinku, ma aha wax inagu cusub, ee waxaynu u leenahay
khibrad iyo waayo-aragnimo inagu filan. Sidaa darteed, waxa ummad
ahaan, inala gudboon, in aynu xakamayno xamaasadda iyo xagtimaha
loolanka dhexdeenu keeni karo.
Waxaan leeyahay, doorashooyinka laguma kala baxo, ama laguma kala
badiyo, xanaaq, xiisad la kiciyo, iyo hadallo xajiin iyo xanaf leh.
Balse, Duco-qabayaal, Doorashada waxa lagu kala helaa taageerada
bulshada, iyo sida loo kala kasbado caqliga cod-bixiyaasha. Haddaba,
waxaan lixda musharax ee u tartamaya hoggaanka dalka, u jeedinayaa
dardaarankan kooban.
1)Mudanayaal,
Waa in aad dhawrtaan, Shuruucda iyo Xeerarka Nidaamka Doorashooyinka
dalka. Sidoo kale, waxa waajib idinku ah, in aad u dhaga-nuglaataan,
talooyinka, tilmaamaha iyo amarrada Guddida Doorashooyinka Qaranka,
ee garsoorka idiin ah.
Duco-qabayaal, waxaan idin leeyahay “LAFAHA GURA, XARAGANA HAKA
TAGINA”.
2)Sidoo kale, waxa idinla gudboon, in aad taageerayaashiina ku
wacyi-gelisaan, in ay ilaaliyaan an shaxa iyo nidaamka doorashada,
isla markaana ay ka fogaadaan cunfiga, iyo wax kasta oo nabad gelyo
darro abuuri kara.
3)Waa in aynu dhinac uga soo wada jeesanno, cid kasta oo abuuraysa
xasilooni darro iyo xiisad colaadeed. Waxa waajib ku ah
muwaadiniinta Somaliland iyo musharixiinta hortayda fadhiya, in ay
gacan siiyaan ciidammada qaranka ee ku hawlan, adkaynta nabadgelyada
iyo sugidda amniga qaranka.
4)Hore ayaa loo yidhi “GUULI LABA NIN KAMA WADA QOSLISO”. Sidaa
darteed, Kursigan aan ku fadhiyo, ma qaado laba iyo saddex nin toona,
ee dalkan waxa Madaxweyne ka noqonaya Nin qudha. Sidoo kale, waxa
ku-xigeen ka noqonaya hal Nin.
Mudanayaal,
Waxaan hoggaanka dalka ku wareejin doonnaa, labada musharax ee
doorashada sifo sharci ah ugu guulaysta, insha Allah. Sidaa darteed,
saaxiibada loolamaya, waxaan leeyahay, marka ay soo baxdo natiijada
doorashadu, waa in aad aqbashaan oo ogolaataan natiijada doorashada.
Qarankani, wuxuu ku soo meel-maray, hab-dhaqan ku dhisan tudhaale,
talo-wadaag, tawfiiq iyo isu-tanaasul.
Duco-qabayaal,
Ma aha, guuldarada siyaasaddu, in doorashada lagaaga adkaado, balse
waxa guul darro iyo garaad xumo ah, in aad ku gacan-saydho go’aanka
Guddida Doorashooyinka iyo Maxkamadda Sare.
Waad xasuusan tihiin, in aan kaga tegay Kursi Madaxweynenimo bishii
April, 2003-gii Siddeetan Cod, oo muran ku jiray. Waxaan u tudhay
shacbigayga iyo sharaftayda, kuma khasaarin, ee taasi waxay ii
goysay, in aan isla Kursigii ku helo boqolkiiba konton codadkii
codbixiyaasha dalka.
Waxaan bogaadinayaa Mudane, Daahir Riyaale Kaahin, Madaxweynihii
Hore, ee aqbalay natiijadii doorashadii Madaxtooyada ee qabsoontay
2010-kii, ee hogaanka dalka la iigu doortay, isla markaana xilkii
qaranka iigu wareejiyey si sharaf iyo qadarin leh.
Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mudane,
Faysal Cali Wareebe, oo isna aqbalay natiijadii doorashada.
Guddoomiye Faysal, waa waayo-arag, waxaanan ku amaanaya inuu aqbalay
go’aamadii Guddida Doorashooyinka Qaranka ee natiijadii 2003-gii,
2005-kii iyo 2010-kii.
Mudanayaal,
Guddida Doorashooyinka Qaranka, waxaan kula dardaarmayaa; DEDAAL,
DUL-QAAD IYO DAACADNIMO.
WAXAAN UGA DIGAYAA GAR WEECSAN, IYO GUDDOON JILICSAN, OO AH GEERIDA
GUDDI DHEX-DHEXAAD AH IYO HAY’ADAHA GARSOORKA.
Waxaan idiinku ducaynayaa, in ilaahay idin garab galo, xilkana
idinku asturo.
Ugu dambayn, dhammaan ciidammada qaranka, waxaan ku bogaadinayaa,
habeen iyo maalin heeganka ay ugu jiraan, difaaca iyo adkaynta
Nabadgelyada dalkooda hooyo.
Taliyayaasha Ciidammada Qaranka, waxaan kula dardaarmayaa, in ay
dedaalkooda laban laabaan xilligan, iyo in ay si buuxda ula
shaqeeyaan Guddida Doorashooyinka Qaranka. Dhinaca kale, waxaan
farayaa in ay gacan bir ah ku qabtaan, cid kasta oo isku dayda, in
ay fawdo iyo fad-qalallo ka abuurto dalka. Ciidammada Qaranka, waxa
ka reebban, in ay ku dhex milmaan ololaha doorashada, iyo Xisbiyada
intaba.
Waxaan shacbiga Somaliland leeyahay, musharixiintu xaq idiin kuma
laha, in ay idin dhex-dhigaan colaad iyo ciil-qab. Balse waxay xaq
idiinku leeyihiin oo keliya, in ay idin weydiistaan caawimo iyo cod.
Sidaa darteed, waxaan idiinku baaqayaa, in aad xil weyn iska
saartaan, ilaalinta midnimada, wada-jirka, nabadgelyada iyo
qaranimada dalka.
Guntii iyo gabe-gebadii, anigoo munaasibaddan ka faa’iidaysanaya,
waxaan cambaareynayaa, falka argagixisada foosha xun, ee ka dhacay
caasimadda dalka aynu deriska nahay ee Soomaaliya. Waxaan tacsi
tiiraanyo leh u dirayaa, Qoysaskii iyo Qaraabadii, ay ka baxeen
dadkii rayidka ahaa, ee halkaa ku geeriyooday.
Galad Eebaa Leh, Guulna Somaliland baa Leh
Allaheen Tubta Toosan ha inagu hanuuniyo,
Allaheen bash-bash iyo barwaaqo, baradeena haka yeelo,
Allaheen boggeena iyo beerkeena, burcad ha isu-mariyo,
Naasir Yuusuf Daahir
Director Presidentialof Media
Hargeisa – Republic of Somaliland
|