WAR-SAXAAFADEED

 


 

 

 


Taariikh: 20/07/2017



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4911/072017 uu ku maga caabay laba degmo.



Madaxweynuhu:



Markuu Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jam huuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

Markuu Tixgeliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in Degmooyinka Dacarta iyo Ceegaag loo magacaabo Degmooyin cusub;

Markuu Dhegeystay: Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Wuxuu go’aansaday; In uu Dacarta u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Maroodi-

In uu Ceegaag u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Caynabo.

 



ALLAA MAHAD LEH



Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL