WAR-SAXAAFADEED
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed
Siilaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley ku Xigeenka ergeyga gaarka
ah qaramada midoobay Mr. Peter De Clercq, ahna Isuduwaha Gargaarka
Bani aadanimo iyo Wakiilka Barnaamijka Qaramada Midoobay ee
Horumarinta u qaabilsan (UNDP) iyo wefti uu hogaaminayo oo isugu
jira hay’adaha qaramada midoobay iyo hay’addaha Samafalka ee dalalka
caalamka.
Madaxweynaha oo ka hadlay, ayaa ugu horaynba soo dhaweeyey weftiga
martida ah, isa goo warbixin guudna siiyey oo ku saabsan dhinaca
abaaraha iyo siyaasadaba, waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka ka
dhexeeya qaramada midoobay iyo Somaliland.
Ugu horaybn madaxweynaha ayaa ereyo soo dhawayn ah halkaa ka
jeediyey iyo mahadn aq ku saabsan booqashada shaqo ee ay dalka ku
yimaadeen.
Madaxweynuhu waxa uu intaa uga gudbay inuu ka hadlo xaalada abaarta
ee dalka ka taa gan waxaanu yidhi abaarta dalka ka taagani waxay
saamaysay in ka badan laba boqol oo kun oo qoys (200,000). Waxay
noqotay abaartii ugu xumayd ee mandaqada ka dhacda inta la xasuusan
yahay. Annagoo taa ku xisaabtamayna waxa aanu dirnay qaylo dhaan ku
saabsan sidii beesha caalamku ugu soo gurman lahayd wax ka qabashada
masiibooyin ka abaaraha ee dalka ka jira. Dadkayaga ay abaaruhu ku
habsadeen waxay u baahan yi hiin quudin la quudiyo, cunto, hoy
hagaagsan oo ay galaan iyo wax kasta oo nolosha lag ama maarmaan u ah
in wax lagala qabto oo ay abaartu keentay”.
Madaxweynuhu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “waxaanu u
baahnahay qorshe wax lagaga qabanaayo xaaladaha abaarta ee imika
jira iyo sida ay dadku uga soo kaban lahaayeen waxyeeladeeda iyo
qorshe wakhtiga fog ah oo lanagu kaalmeeyo”
Dhinaca siyaasada ayuu madaxweynuhu u gudbay, sida caadada ah marka
ay weftiyada shisheeye u yimaadaan ee uu la hadlaayo, waxaanu yidhi
“farqi weyn ayaa u dhexeeya Somaliland iyo soomaaliya, marka ay
joogto arrintu dhinaca caawimada beesha caalamku u geysanayso
Somaliland iyo Soomaaliya, mana ogolaan doono in aanu noqono kuwo ku
tiirsan dawladda federaalka ee soomaaliya oo caawimada loo soo
mariyo, waxanu doonayna oo aanu idin sheegaynaa in wixii caawimo ah
ee aadna taraysaan uu gaar noo ahaado”.
Isagoo weli ka sii hadlaya madaxweynuhu dhinaca siyaasada iyo
xidhiidhka u dhexeeya S omaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi “waxa
naga go’an in aanu sii wadno wada hadala dii beesha caalamku ay
korjoogaha ka ahayd ee noo dhexeeyey annaga iyo soomaaliya, hase
ahaatee wada hadaladaasi waxay ka socon la’a yihiin, dhinaca
soomaaliya oo marna ka cago jiidaysa, marna tabcaynaysa, taas oo
cadayn u ah in aanay daacad ka ahayn hab sami u socodka wada hadalada
go’aanka laga gaadhayo sida uu xidhiidhkayagu noqonayo mustaqbalka,
Dawlada federaalka ah waxay dhawaan ku talaabsadeen daandaansi ay
Somaliland ku soo darayaan qorshohooda doorasho ee 2016, taas oo
muujinaysa in aa nay diyaar u ahayn in wada hadaladii labada dhinac u
dhexeeyey ee beesha caalamkuna ay dhex dhexaadinaysay ay sidii loogu
talogalay u socdaan, taasina wax aanu aqbalayno maaha”.
Mdaxweynuhu waxa uu ka hadlay oo kale “dhinaca dimuquraadiyada iyo
geedi socodkee da Somaliland, waxaanu yidhi “waxaanu muddo aad u
gaaban hakinay diwaangelintii cod bixiyeyaasha, annagoo ku
hagaajinay xeerkayaga arrintaa khuseeya, annagoo uga jeed na in aanay
marnaba doorashadu wakhtigeedii dib uga dhicin horaanta 2017,
waxaana naga go’an mar haddii roobabkiina da’aeen in aanu
wakhtigeedii qabano doorasahda, diwaangelinta codbixiyeyaashuna
sideedii u socoto”.
Dhinaca weftiga waxaa halkaa ka hadlay Peter De Clercq oo ah ku
xigeenka ergeyga gaar ka ah qaramada midoobay ee Somaliland iyo
Soomaaliya, waxanu sheegay inuu u bogay sida ay dawladu ula
tacaashay ilaa hadda wax ka qabashada abaaraha.
Isagoo arrimaha ka hadlayana waxa uu yidhi “waa markii saddexaad een
dalka imaado waxanan iman doona mar kale dhawaan iyadoo uu dhacayo
shir balaadhan oo wax lagaga qabanayo abaaraha Somaliland iyo
Soomaaliya ka dhacay”.
Wuu sii hadlay ku xigeenka Ergeyga qaramada midoobay waxanu yidhi
“waxaa naga dhab ah in aanu idin kala qaybgalno hawlaha gurmadka,
hadda taagan iyo tan ku saabsan abaaraha soo noqnoqonayaba”.
Waxanu inta ku daray in ay qaylo dhaanta horeba u gaadhsiyeen kana
dalbadeen beesha caalamka in la helo hanti wax lagaga qabto abaarhaa
Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana ay hordhicii hantidaasi ay
heleen.
Waxa isna halkaa ka hadlay wakiilka Somaliland iyo Soomaaliya Mr
Richard Trenchard ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada
midoobay (FAO), waaanu amaanay sida ay dawlada Somaliland isugu
xidhan tahay min degmo, gobol, wasaarad, ilaa madaxtooyo, ta asina uu
indhihiisa ku soo arkay, ka dib markuu laba cisho oo booqasho ah ku
tegay me laha ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen ee dhinaca galbeed
ee dalka, sidaa awgeedna uu madaxweynaha ku bogaadinayo
hogaamintiisa wanaagsan.
Shirkan waxa ka horeeyey in weftigu la qaatay kulan madaxweyne ku
xigeenka dalka, Mu dane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),
ahna gudoomiyaha guddida heer qaran ee abaaraha iyo xubno ka tirsan
guddida abaaraha, kaas oo dhamaantiiba ku saabsanaa abaaraha iyo wax
ka qabashadooda, sidii laysaga kaashan lahaa.
Kulanka weftiga iyo mdaxweynaha ka dib, waxa warbaahinta oo debed
joog ka ahayd sh irka warbixin siiyey wasiirka wasaaradda qorshaynta
iyo hrumarinta qaranka Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali
Shoombe), iyo labadaa masuul ee weftiga hor kacayey.
Masuuliyiintii shirka ku wehelinaysay Madaxweynaha waxa ka mid
ahaa:-
Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirada Qorshaynta Qaranka, Xanaanada
xoolaha, warfaafi nta, ganacsiga, wasiiru-dawlaha madaxtooyada,
wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda, Xo ghayaha gaarka ah ee
madaxweynaha iyo Afhayeenka Madaxtooyada.
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|