WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo,
waxa uu dhambaal mahadnaq ah u diray boqorka isu-taga Imaaraadka
Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, Xukuumada isu-taga
imaaraadka carabta iyo shacbiga dalkaasiba gu ud ahaan.
Dhambaalkan mahadnaqa ah waxa uu madaxweynuhu ku sheegayinuu si
buuxda ugu m ahadnaqayo boqorka, Xukuumada iyo Shacbiga Imaaraadka
ugu mahadnaqaas oo ku sa absan kaalmada taakulada isdaba-jooga ah ee
ay la soo gaadheen shacbiga tabaalays an ee reer Somaliland, taas oo
ay soo bilaabeen bishii Oktoobar (October) ee sanadkii hore ilaa
haddana ay wadaan oo raashin ku filan sideed kun oo qoys (8Kun) ay
ugu dan baysay caawimada isutaga imaaraadka, kuwaas oo qaybintoodu ka
socoto gobolada ba riga Somaliland, gaar ahaan Togdheer, Sool, Sanaag,
iyo degmooyinka Oodweyne iyo Saraar.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in saaxiibka wanaagsani yahay ka marka ay
baahidu ji rto ku barbartaagan (A friend in need is a friend indeed)
dalka imaaraadka carabtuna waxa uu muujiyey inuu yahay saaxiibka
reer Somaliland ee wakhtigan abaartu hayso isagoo ka danbaday
madaxweynuhu inay halkaasi ka sii wadaan taakuladooda madaama oo
abaartii baahday, dadkiina ay halis ugu jiraan macaluul iyada oo ay
dhawr isugu jira waayeel iyo carruuri ay dhinteen.
Dhinaca kale waxa uu madaxwyenuhu xusay abaarta ka sakow in isu-taga
imaaraadka carabtu uu dalka ka wado mashaariic horumarineed oo ay ka
mid yihiin, mashaariicda biyo gelinta ee caasimada hargeysa ee Xumbo
weyne, mashruuca kawaanka qalliinka xoolaha ee berbera, ismaha
wasaaradda diinta iyo Awqaafta oo xarun balaadhan oo im aaraadku
maalgelinaayo uu hadda socdo, iyadoo mashaariic kale oo lagu
hagaajinaayo ceelasha biyaha ay ka wadaan meelo badan oo dalka ka
mid ah.
Dhambaalkaa mahadnaqa ah oo madaxweynuhu u sii mariyey safiirka
Somaliland u fad hiya dalka imaaraadka carabta, Amb. Baashe Cawil
Cumar oo isagu intii uu xilkaasi hay ey muujiyey dedaal iyo karti
waxku ool ah, taas oo ay marag u tahay iskaashiga isu-ta ga
imaaraadka carabta iyo Somaliland oo xoogaystay, dalkana ay soo
gaadhayeen wuf uud kala duwan oo ay ugu danbaysay weftigii balaadhnaa
ee dalka imaaraadka ka socd ay, una socday sidii ay mashaariic ay ka
mid yihiin inay wax la qabantaan idaacada qur aanka kariinka ah,
Xarunta agoomaha ee Hargeysa, Wasaaradda Diiinta iyo Awqaafta iyo
Jaamacada Hargeysa.
Ugu danbayn madaxweynuhu waxa uu sheegay cidaan u mahadnaqin dadka
waxtara in aanay ilaahayna u mahadnaqin, sidaasi awgeedna uu u
mahadnaqayo Boqorka, Xukuumada iyo Shacbiga Imaaraadka Carabta.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|