WAR-SAXAAFADEED
 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba, waxa uu tacsi u dirayaa Bahda S axaafada, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka bax ay Marxuum Suxufi Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Bay) oo ku geeriyooday maanta oo taa riikhdu tahay 25/02/2016 Magaalada Hargeysa.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa tiirarka Saxaafada dalka ee wakhtigooda ugu badan geliyey sidii ay door muhiima ugaga qaybqaadan lahaayeen, dhinaca qalinka iyo maska xda Alle (SWT) hibada u siiyey inay ku curiyaan baahinta danta ummaddooda iyo dalkoodaba.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryay inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo. Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo.

 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


C/raxmaan Sh Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL