WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo,
waxa uu xeer madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-5026/092017
uu isku bedel iyo magac aabid ku sameeyey qaar ka mida
gudoomiyeyaasha gobolada dalka iyo maareeyahaasha ha y’adaha madaxa
banaan ee dalka.
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u
leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo
jagooyinkan hoos ku xusan;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan
In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), uu ahaado
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.
(bedel hore Awdal)
In Mudane, Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), uu ahaado
Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore
Maroodi-jeex)
Magacaabida iyo Isku bedelka Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka
Dabiiciga ahi (NERAD)
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa (3)aad, Xarafka (kh) ee
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka
Dabiiciga ahi (NERAD) u leedahay dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Maareeyaha, iyo
la taliyaha madaxweynaha ee Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka
Dabiiciga ah ee (NERAD);
Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Axmed Yuusuf Dirir, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Maareeyaha Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee
(NERAD) ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore maareeyihii
hay’adda dekeda)
In Mudane, Maxamed Muuse Cawaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado La Taliyaha Hay’adda Ka Hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee
NERAD ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore maareeyihii Hay’adda
Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD)
Magacaabida Maareeyaha Hay’adda Dekedaha
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Dekeduhu u leeyihiin dhismaha
Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Hay’adda
Dekedaha Somaliland;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Siciid Xasan Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta
uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland. (hore
maareeyihiin Hay’ada mucaawimooyinka WFP)
Allaa Mahad Leh,
Axmed Maxamed Silanyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
|