WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed
Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay
JSL/M/XERM/249-3641/102015 ku magac abay wasiiro, wasiiru-dawlayaal,
Wasiiro ku xigeeno, Agaasimeyaal guud iyo La-taliyeyaal Madaxweyne.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka
iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasiirada,
Wasiiru-dawlayaasha, iyo Wasiir ku xigeenada,
Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
1. In Mudane, Cabdillaahi Faarax Maydhane, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo
Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somalila nd.
2. In Mudane, Cabdilaaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere) laga
bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada
iyo Tacliinta Sare
3. In Mudane, Maxamed Muuse Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta
uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee
Jamhuuriyadda Somaliland.( Bedel)
4. In Mudane, Cabdi Daahir Camuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee
Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
5. In Mudane, Rashiid Ismaaciil Kaahin, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha,
Dhalinyarada iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
6. In Mudane, Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Carab), laga bilaabo
taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Gobollada Bari ee
Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
7. In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo
Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
8. In Dr. Maxamed Faarax Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda
Somaliland. (bedel)
9. In Mudane, Kaysar Cabdillaahi Maxamed, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo
Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel)
10. In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta
uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta
Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
11. In Mudane, Cismaan Axmed Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta
uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha
Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
12. In Eng. Cabdi Maxamed Hiired, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo
Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somal iland.
13. In Mudane, Mahdi Cismaan Cabdillaahi (Buuri), laga bilaabo
taariikhda maanta uu ahaa do Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha ee
Jamhuuriyadda Somaliland.
14. In Mudane, Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee
Jamhuuriyadda Somaliland.
15. In Eng. Cabdirashiid Maxamuud Cali, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Wasiir u-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee
Jamhuuriyadda Somaliland.
16. In Mudane, Boos Mire Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda
Somaliland.
17. In Mudane, Jaamac Cabdiilahi Biin, laga bilaabo maanta uu ahaado
Wasiir Ku-xigeenka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha
Gudaha
Magacaabida Agaasimeyaasha Guud
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u
leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud
ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda
Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
18. In Mudane, Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo
taariikhda maanta uu aha ado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha
Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Bedel)
19. In Mudane, Farxaan Aadan Haybe, laga bilaabo taariikhda maanta
uu ahaado Agaasim aha Guud ee Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda
Somaliland.
Magacaabida La-taliyeyaasha Madaxweynaha
Madaxwyenuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha
Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah; iyo La-Taliyaha Arrimaha
Gobollada Bariga
Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagooyinkan;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
20. In Mudane, Cabdisamad Cumar Maal, laga bilaabo taariikhda maanta
uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga
iyo Kuwa Maxaliga ah. (bedel)
21. In Eng. Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax, laga bilaabo
taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha
Gobollada Bariga Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Dayr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|