TACSI MADAXWEYNE

 

 


TACSI MADAXWEYNE -09/06/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Dawladda iyo kan shacbiga Somalilandba waxa uu dhammaal tacsi ah u dirayaa, dadkii isugu jiray waayeelka, caruurta iyo haween ee ku naf waayey dhiilladii, ka dhacday Jaamac Dubbad ee degmada Gaashaamo ee gobolka Jarar ee Dawl ad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in uu aad uga damqaday dhibaatadaasi soo gaadhay dadkaasi shacabka ah, waxaanu ugu baaqay dadka deegaankaasi inay is dejiyaan oo aanay marnaba ku tallaabsan dhibaato dhibaato lagu saxo.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu u soo jeediyey dawladda Federaalka ee Itoobiya iyo dawlad deegaanka Soomaalida itoobiyaba, in shacbiga la ilaaliyo nabadgelyadooda, iyo hantidoodaba, isagoo dhinaca kalena ugu baaqay shacbiga deegaanadaasi inay ka danb eeyaan, lana shaqeeyaan dawladdooda, waxgaradka, iyo waayeelka deegaankaasina ay dawladdooda kala shaqeeyaan sidii xaalada loo dejin lahaa, amnigana loo sugu lahaa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janatu farda wsa ka waraabiyo Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbigii ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 



Xafiiska Af-hayeenka M JSL's photo.
Cabdiraxman Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.