WAR-SAXAAFADEED

 

 

 

16/06/2016

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa afur iyo cas ho sharaf ugu sameeyey barxada qasriga madaxtooyada haldoorka culimo awdiinka dalka, kuwaas oo isaga kala yimid gobolada dalka.

Afurkan oo ah mid sanad walba uu sameeyo madaxweynuhu bisha Ramadaan ee barakaysan dhex deeda intii uu xilka hayey, ayaa kani waxa uu noqday kii shanaad, iyadoo dulucda kulamada noocan ahi madaxweynuhu uga jeedo is xog waraysi hogaamiyeyaasha diinta ee dalka layska waraysto xa alada dalka iyo diintaba, isla markaana wixii talooyin ee jira laysku waydaarsado.

Madaxweynaha oo halkaasi ka hadlay ayaa culimada uga mahadnaqay sida fiican ee ay u soo ajii been sooryadiisa afurka iyo cashada ah, isla markaana sida saraaxada iyo waddaniyadu ku jirto ee ay talooyinka ugu soo jeediyeen isaga iyo xukuumadda uu hogaamiyaba.

Isagoo madaxweynuhu ka jawaabaya talooyin badan oo culimadii halkaa ka hadashay isaga hortii ay soo jeediyeen ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waan ku dhaqmaynaa taladaa wax ku oolka ah ee aad culimo ahaan soo jeediseen, waan raacaynaa waan ku shaqaynaynaa, waayo waa sidii aynu u horumarin lahayn dalkeena ee aynu nabadgelyadiisa uga shaqayn lahayn, iyadoo ay gacmaha is haystaan culimadiisa shacabkiisa iyo dawladiisuba. Insha Allaahu tacaala wada jir ayeynu waddan keena uga wada shaqayn doonaa, waxan ilaahay ka baryeynaa inuu dedaalkeena iyo cibaadadee naba inaga aqbalo aad iyo aadna waad u mahadsan tihiin”.
Madaxweynaha ka hor waxa halkaasi ka hadlay, Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), isagoo sheegay inay caado tahay sanad walba kulankan oo kale in uu madaxweynuhu u qabto culimada dalka, ujeedaduna tahay ka wada shaqaynta iyo iskaashiga ku aaddan amniga iyo horumarka dalka.

Waxa isna halkaa ka hadlay gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbig a Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaanu tixraacay hadal culimo awdiinka ka horeeyey iyo wasiirka ar rimaha gudaha mudane Warancade ay halkaa ka jeediyeen oo ku saabsanaa akhlaaqaadka da’yar ta oo ay ka dayriyeen iyagoo tilmaamay inay nafahoodana u daran yihiin oo ay isdilaan, ta dadka na ay u daran yihiin, markuu ka hadlaayey hogaamiyaha xisbiguna waxa uu sheegay in loo baahan yahay in cilmi badhis lagu sameeyo wax ugu wacan da’yarteena dhibaatada ay geystaan, si loo he lo talo wada jir loogu maareeyo, habdhaqan wanaagsan oo ay yeeshaan dhalinyarteena lagu soo dabbaalo. Waxa ka mid ahaa talooyinka uu soo jeediyey in uu u arko in fakhriga iyo qoysaskeena oo u badan danyar uu ka mid yahay waxa caruurteena diiqada gelinaaya, isagoo tilmaamay in wa da jir inteena waa weyni u keeno fikradii wax lagaga qaban lahaa, dawlad, culimo, ganacsato iyo waalidiinta meel uga soo wada jeesto daahiradan.

Waxa isna halkaasi ka hadlay wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Ca bdi, waxaanu ku dheeraaday sida ay uga go’an tahay xukuumada uu hogaaminaayo mudane Axm ed Maxamed Silaanyo inay qaadato nasteexooyinka loo soo jeediyey isla markaana ay u soo jeedi yeen culimadii waaweynayd ee dalku, isagoo arrimaha ka hadlayana waxa uu yidhi “Martiqaadkan madaxweynuhu wuu ka gundheer yahay afurka iyo cashada aynu ku kulanay, waxaanu daaran yahay in ay isku xidhnaadaan hogaamiyeyaasha diinta oo idinka ah iyo annaga oo ah masuuliyiintii qaranka ee uu hoggaamiyaha u yahay madaxweynuhu. maruu ka hadlayay hadday kala xidhiidh fur taan culimada iyo masuuliyiinta qaranku wuxuu sheegay inay taasi culays ku tahay nayso qaranka. Waxaanu tusaale u soo qaatay waxa ka dhacaya liibiya, suuriya, Ciraaq, iyo Yemen, kuwaasoo burbur dhaxlay, ka dib markii ay kala tageen culimo awdiinkii iyo masuuliyiintoodu”. 

Waxa uu intaa raaciyey”Noo nasteexeeya oo wax noo sheega oo nala taliya, balse hana caayina oo khudbadaha aad jeedinaysaan ha nagu soo darina idinkoo na dhaleecaynaha, annagoon idin ku diidin talo aad noo soo jeediseen sida ay culimada qaar yidhaahdaan iyagoo waxba nagu caddayn Karin hadii aanu maxkamad geyno, oo xatooyo xoolo dawladeed ayey nagu sheegaane, aan si la taaban karo u sheegi karin”. Wuxuu u soo jeediyey culimada in meel looga soo wada jeesto xagjirnimada, argagaxisada iyo kuwa banaystay dhiiga la daadinayo ee sida khaladkaa u weeciyey islaanimadii naxariista ahayd.

Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Maxamed Warancade oo munaasibada ka hadlay ayaa she egay in gacan ka hadalka kuraydu meel ba’an marayo oo halis ah, haddii ay waalidiintu tahli waay aan inay wax ka qabtaana oo caruurtooda ay dhawrsanaantii ku soo celin waayaan ay iyagu xuk uumad ahaan tallaabo qaadidoonaan. Wuxuu intaa raaciyey in uu nidaam cusub oo isu socodka gaadiidka ah iyo ciidan cusub oo kuwa baabuurta kala haga ah ay keenayaan dhawaan, taasoo wax lagaga qabanayo saxmada gaadiidka ee tirada badan iyo qaab darada iyo sharci darada ay gaadiid badani ku tallaabsanayaan.

Wasiirka Warfaafinta, Mudane Caddaani oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in goboladii waa weynaa iyo Gabileyba Ilaacadaha Qur’aanka Kariimka ah laga wada furay oo afar iyo labaatanka saacadoodba dalka gudihiisa iyo dibediisaba laga dhegeysanayo, taasina ay sharaf gaara u tahay madaxweynaha.
Culimo awdiin tiro badan oo halkaa ka hadlay ayaa madaxweynaha ku hambalyeeyey soor yadan afurka ah ee uu u sameeyey iyagoo soo jeediyey talooyin ay ka mid ahaayeen in wax laga qabto akhlaaqdii suubanayd ee dadkeenu lahaayeen gaar ahaan dhalinyarada oo sii lumaya, saxmadda baabuurta oo wax laga qabto, waddooyinka oo la hagaajiyo, ku dhaqanka diinta islaamka oo la xoojiyo, barista sekeda ee dadka oo kor loo qaado, wada shaqaynta dawlad iyo culimada oo la horumaiyo, lana tayeeyo, iyagoo intaa raaciyey inay si buuxda ula shaqayn doonaan goor walba iyo wakhtigii loo baahdaba.

Gudoomiyaha diiwaanka sekada Dr Siciid Maxamed Faarax Jire oo halkaa ka hadlay ayaa dawlada ku hambalyeeyey heshiiskii ay la gashay shirkada reer Dubai ee DP world oo kaasoo uu ku sifeeyey mid faa’iio ugu jirto dalka iyo dadka.

Culimada waa weyn ee halkaasi ka hadashay waxa ka mid ahaa sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Ja whar, Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, sheikh Maxamed Cali Gadhle, Dr Xasan, Dr Axmed Jaamac Ismaaciil, Dr Sacad Suldaan oo ka mid ah culimada qurba-jooga ah, kaasoo kuna tilmaamay halga nkii dalka lagu xoreeyey mid barakaysan, oo horseeday in si xoriyada diinteena iyo dalkeenaba aan u maamulano.

 

 


ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.