AWOODA SI QALDAN LOO ISTICMAALAA TAARIIKH
MADAW BAY KU BADAA

 


Waxaa wadan ku horuumari karaa hogaankiisuna caadil noqon karaa marka qof kastaa dha wro ilaaliyo difaaco shuruucda iyo dastuurka dalkaasi ku dhaqmo. Xeerarka iyo shuruucda dal ku waxay ka soo farcamaan waa dastuurka dalka... Dastuurku waa waxa keliya ee cidin a je bin Karin hadii aan afti loo qaadin.Madaxwaynaasha kelitashiga ahi waxay isku dayaan inay jabiyaan qodob dastuuri ah oo danahooda gaar ka ah ka hormarsadaan.( Power abus e). wax ay arintani dhalisaa digtatooriyad. Waxaan odhan karaa ummada Somaliland iyada ayaa sam aysa madaxwayne keli tashi waxay ogoladeen shacabka Somaliland in xisbi ku sal aysan beelo oo saami qaybsigiisu yahay beelo ay ku aaminto dalka Somaliland taasina waa ta manta saba btay in xukuumadu dalka u qaybiso beelo si aan doorasho u dhicin , dalkana dib loogu celiyo 1991kii. Haddii sharciga iyo dastuurku ummadan u shaqaynaayo dad badan oo xilal culus hay a ayaa maxkamad la gayn lahaa ama maanta xabsiga ku jiri lahaa.

Dastuurka dalku wuxuu xakameeyaa isticmaalka awooda ee muwaadinka iyo xukuumada lab adaba. Maamul badan oo Africa iyo dalalka soo korayaba xukuumadaha ka jiraa waxay si ga ara ugu tagri falaan awooda dastuuriga ah ee loo egmaday, marka ku tagri falka awoodu sii kordhaba waxaa sii kordha sidii awoodaa loo difaaci lahaa sida maantaba aan ka arkayno ha b dhaqanka gudoomiyaha golaha guurtida. Habkan ku tagrifalka awoodu dhibaatadiisu waa wax horay loo arkay sidii madaxwaynayaal badan ku dhacday waxaa ka mid ahaa Magiste, Siyaad Bare, Sadaam iyo qaar kale oo badan oo ka horeeyey. Waxay ku dambeeyaan inay god madaw oo cidlo ah isku qariyaan ama si xun u dhintaan.


Madawayne Mahamed Ibraahim Cigaal geeridiisii shacabka Somaliland waxay ka lugeeyeen H argaysa oo Berbera ayey lug ku tegeen iyaga oo ilmaynaya. Maanta Siilaanyo iyo Saleeb aan Gaal ma loo ooyi doonaa. Jawaabta shacabka Somaliland baan u dhaafayaa.

Waxaan leeyahay Madaxwayne siilaanyo iyo gudoomiye Saleebaan gaal bal dib u dhagaysta hadaladiinii markii kulmiye mucaaradka ahaa. Meel walba waad ka helaysaan oo you tube ka ayey ka buuxaan hadaan qaar ku xasuusiyo waxaa ka mid ahaa WAARI MAYSIDE WAR HA K AA HADHO, MAALIN XILKA KU DARSAN MAAYO iyo qaar kale oo badan. Waxaan hadalka kag a baxayaa waxaad xilka ku heshay sharci iyo dastuur ee xoog iyo xabad kumaad helin.

Maantana sifihii sharciga ahaa ayaa lagaa rabaa inaad ku dhiibto sidii aad horayba aad u ba l an qaaday. Marka la gaadho 26ka Juun ummadu waxay kaaga fadhidaa inaad xilka ka degt o waayo sharciga ayaa sidaa ku faraya adiguna balan qaad ayaad samaysay.

cid kuu hadasha ama guulwade wax laga dhagaysanayaa ma jiro. Dadwaynuhu adigay war kaaga fadhiyaan ee dhufayska ka soo bax.Hadaan nahay xisbiga waddani ma ogolaan doon o in maalin doorashu xiliga lagu heshiiyey dib uga dhacdo.Marka la gaadho 26ka june waa in la dhisaa xukuumad ku meel gaadh ah oo sedexda xisbi u dhan yihiin.
 

 


MAHDI JAMA ROBLE
GUDOOMIYE XIGEENKA 3AAD WADDANI UK