Astaamaha lagu garto Hogaamiyaha keli taliyaha ah :

 



Qormadii 2aad :-

Tabaha uu Xukunka ku yimaado Kursiga :-

Qaybtii hore waxaynu isla garanay in keli taliye yahay hogaamiyaha aan xukunka ku helin hab Demuqraati ah, si qaldan u isticmaala awooda xukun, aan tixgelin Golayaasha sharci dejinta iyo Shuruuxda dalka, shaqsi xukun jecel,oo haddii aanu wax xukum aan joogi karin,noloshu ku adagtay, shaqsi yaraantii loogu geystay,dhibaato shaqsi,qoys amase qabiil,kuwaas oo raad weyn Maskaxdiisa ku reeba.Waa shaqsi doonaya in uu ka aar guto dhib iyo ciil ay bulshadu u geysatay.Waa shaqsi ay gacanta ugu jiraa dhamaan awoodaha Dowladnimo,waxaa lagu yaqaan Dowlad hal qof uu xukumo,marmarna waxaa lagu yaqaan in awooda Dowladnimo ay gacanta u gasho koox yar ,oo inta badan ka soo jeeda qoyska Madaxweynaha amase hoogamiyaha wadanka xukuma.

Qaybtana waxaan idiinku soo gudbinayaa qaar ka mid ah astaamaha ugu mihiimsan ee lagu garto in hogaamiyahaasi yahay keli taliye,waxaana ka mid ah :-

Sida uu Xukunka ku qabsado hogaamiyaha keli taliyaha ahi :-

1. Wuxuu ku yimaadaa keli taliye xukunka Doorashooyinka oo la boobo,lagu shubto,iyadoo la adeegsanayo dhaqaale,qabyaalad iyo farsamooyin Shacabka laga dhaadhicinayo in uu yahay shaqsigii ku haboonaa in xilka loo dhiibo.



2. Wuxuu ku yimaadaa xukunka Af-gembi,waxaa xukunka laga tuuraa Dowladii iyo dhamaan Golayaasha sharci dejinta ee markaa jiray,wuxuuna dhistaa Dowlad uu isagu toos u xukumo,mararna waxaa la dhisaa Golayaal Keli taliyaha si toos ah uga amar qaata.



3. Hogaamyaha keli taliyaha ahi wuxuu xukunka ku yimaadaa,dhaxal tooyo,wuxuu hogaaminta ka dhaxlaa waalidkiis iyo Qaraabadiisa.Waxaa xilka lagu wareejiyaa haddii geeriyi amase gobow yimaado.


Dhinaca Sharciga :-

Hogaamiyaha keli taliyaha ahi marka uu gacanta ku dhigo awooda Dowladnimo,amase ay si buuxda awood Dowladnimo ay xukunkiisa u wada hoos timaado,waxaa muhiim ah in uu dhinaca sharciga ka qaado talaabooyin deg deg ah oo ay ka mid yihiin :-

1. Wuxuu awoodooda daciifiyaa amase uu baabiyaa Golayaasha Sharci dejinta ee dalka amase wuxuu ka dhigaa qaar isaga u shaqeeya,isagoo adeegsanaya tabaha loo yaqaan « qaybi oo xukun » .Inta badan waxaa loo adeegsadaa dhaqaale loo qaybiyo,xilal loo balan qaado iyo iyadoo la soo kala dhoweysto.Waxaa Golayaasha laga dhex abuuraa koox loo yaqaan « taageerayaasha hogaamiyaha,kuwaas oo si toos ah ula socodsiiya keli taliyaha ,Xildhibaanada ka soo horjeeda si talaabo looga qaado.

2. Hogaamiyaha keli taliya ahi wuxuu,dhinac isaga duwaa ,oo uu dhamaantood baal maraa Xeerarka iyo Dastuurka wadanka,marmarna waxaa lagu sameeyaa isbedel,iyadoo laga dhigayo Dastuurka iyo Xeerarka qaar u adeega hogaamiyaha.



3. Waxaa awoodooda la daciifiyaa Maxkamadaha ,amase waaxda Garsoorka.Waxaa laga dhigaa qaar ka shaqeeya danaha hogaamiyaha iyo maamulkiisa,waxay xidhaan,xukumaan cid kasta oo ka hortimaada xukunka hogaamiyaha,Waxaa loo adeegsadaa waaxda Garsoor cabudhinta qaybaha Bulshada,waxaa loogu hanjebaa cid kasta oo soo hadal qaada amase ka soo horjeesata hogaanka keli taliyaha.



Waa inoo qaybta 3aad,oo aan idiinku soo gudbin doono astaamo aad u fara badan oo lagu garto hogaamiyaha keli taliyaha ah



Mahadsanid

Abdi Saleiman(Mingiste)

abdi_daleiman@hotmail.com

facebook : abdi saleiman

twitter @_saleiman

skype abdisaleiman1

linkedin. abdi s saleiman