Askartii shalay ku geeriyooday shilkii baabuur oo aas Qa ran loo sameeyey iyo Madaxweyne Ku Xigeenka oo ka qayb galay

 



Aaskan ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin.........


Hargeysa (TNN) - Askartii ku dhimatay shilkii baabuur ee shalay ka dhacay degmada Halaya ee ba riga magaalada Hargeysa ayaa aas qaran loogu sameeyey xabaalaha naasa Hablood ee magaalada Hargeysa.

Aaskan ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur), Taliyaha Ciidamnka Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan, Masuuliyiin badan oo ka tirsan Ciidamada Dalka iyo dadweyne kale oo tiro badan.

Masuuliyiintii aaskan ka soo qayb gashay oo xabaasha dusheeda warbaahinta kula hadlay ayaa waxa ay ILAAHEY uga baryeen marxuumiinta dhimatay inuu naxariistii jano ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeena samir iyo iimaan ka siiyo.

 

 


Timacade News Desk
Hargeysa ,Somalliland