Naxwaha Afka Soomaaliyeed

 

 


Naxwaha afka Soomaaliga


Casharka Koowaad:



Akhristayaal sharafta lehow,


Marka aad salaanta Islaamka ee qaaliga ah guddoonta kaddib; waxaynu haddii Ilaah ay idmo si joogta ah u qaadan doonnaa caharro ku saabsan naxwaha afkeenna hoo yo.


Caharradani waxay haddii Eebbe idmo ku soo bixi doonaan mareegaheenna- si dadwe ynuhu oga faa'iideysto.

Haddaba waxa isweydiin leh ayaa loogu talogalay casharradani?

Waxa loogu talogalay:

Qof kasta oo Soomaaliyeed oo diyaar u ah barashada naxwaha afkiisa hooyo
Qof kasta oo doonaya barashada labada naxwe ee Soomaaliga iyo Ingiriisiga- gaar ahaanna ardayda iskuulada iyo jaamicadaha
Qof kasta oo diyaar u ah, in uu afka hooyo qalad (khalad) wax ku qoro
Iyo dad ajaanibka ah ee doonaya, in ay bartaan xeerarka saldhigga u ah afsoomaaliyeed iwm.



Haddaba, casharkeennan kowaad oo gogoldhig u ah casharrada soo socda; aynnu ku bilowno, waa maxay naxwuhu? ( What is grammar?)



Qeexid:



Inkasta oo aan si dhab ah la iskugu raacsanayan, haddana waxa naxwaha afka loo sh arrixi karaa ( qeexi karaa) sidatan:

Naxwaha afku waa habka iyo hannaanka loo habeeyo ee loo hilo ( hagaajiyo) ereyada afka- si loo helo weedh (sentence) macno leh oo habboon.
Qeex kale oo uu naxwuhu leeyahay ayaa waxay leedahay: Naxwuhu waa urur xeerar ah( set of rules) oo loo dejiyey afka ummadi leedahay si uu afkaasi macno u yeesho- marka la qorayo iyo marka lagu hadlayaba.

Waxase is xaasuusin mudan, in aanay qeexaha culimada afafku siiyeen naxwuhu intaasi ku koobnayn ee ay jiraan culimo siyaabo kale u sharraxday naxwaha afka ama afafka.

Waxaynnu haddii Ilaahay idmo cashar cashar kooban u soo qaadan doonnaa, qaybaha hadalka ama waxa afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo ( Parts of speech).



Halhays Soomaaliyeed baa yidhaahda:



‘ Cashar iyo cadba waa la yaryaraystaa’.

Maanta halkaasi ha innoo joogo.



Mahadsanidin,



Macallin: C/llaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com

 

 

 


 

Naxwaha Afka Soomaaliyeed

 

 



Casharka Labaad:
Qaybaha Hadalka (Parts of Speech)


Xubnuu hadalku kala leeyahoo

Lagu xasuustaa

Xididada haddaan loo qotomin

oon xeerar lagu jiidin

Xajiintiyo haddaan laga idlayn

xananka hoos yaalla

Xumbadiyo sideeduu gudhaa

xoor la fuuqsadaye

Waa xadhig Ilaahay dejoo

lagu xidhiidhaaye

Xoolaha sidoodaan ciyi lahayn

xaraf la'aantiiye

Xasuusnaada Soomaaliyey

Xeerarkaa hadalka!


Haddaba, qaybaha hadalka ee guud ahaan la isku raacsan yahay waa siddeedan sal dhig (bases) iyo faracooda (branches).


Magaca ( The Noun) oo u kala baxa qaybo badan oo aynu mid mid u soo qaadan doon no- idam Allah
Magac-u-yaallo (Pronouns)
Fal ( verb) oo iyana ka kooban qaybo badan oo kala baxbaxsan
Tilmaame ( adjective) iyo qaybihiisa kala duduwan
Falkaab ( Adverb) oo aynu wax ka taataaban doonno- haddii Eebbe idmo
Meeleeyayaal (Prepositions) oo ah qayb muhiim oo aan laga maarmin Karin
Xidhiidhiyayaal ( conjunctions or connectives) oo aanu hadalku la'aantood qiimo iyo qaayo midna aanu lahayn
Yaabka (the interjection) oo aynu isagana wax ka taataaban doonno- waa haddii ayn u nafta haynno e!

Waxa kale oo aynu isaga cutub (chapter) gaar ah kaga hadli doonnaa- haddii Eebbe idmo- qoqobayaasha hadalka (Punctuation marks) oo ah qayb muhiim ah oo aan loo ga maar Karin qurxinta iyo kala qoqobidda hadalka- gaar ahaanna wixii qoraal ah.



' Sadar iyo Subax, Subax baa badan'!



Maanta halkaasi ha innoogu joogo casharkii labaad.

Macallin: C/llaahi Maxamed Cumar



Email: timacadde56@hotmail.com

 

 

 

 


 

Naxwaha Afka Soomaaliyeed

 

 


Casharka Saddexaad


Cutubka Koowaad ( Chapter One): Magaca ( noun) iyo qaybihiisa

Haddaba inta aynaan cutubkan sii dhexgalin, aynu isweydiinno oo qeexno magaca (no un) iyo waxa uu yahay.
Sharraxaadda magacu ma aha wax si hawl yar loo odhan karo waa sidaasi ama qeexd aasi buu leeyahay oo sax ah. Waayo, culimada ku tashasustay afafku waxay magaca u sharraxeen siyaabo kala duduwan.

Waxaynu soo qaadan doonnaa qeexda guud ahaaneed ee la isku raacsan yahay oo a h sidan soo socota:

Magacu (noun) waa erey tilmaameed loo adeegsado magacaabidda : shay (thing), go ob (place), qof (person), xayawaan ama wax kale oo aan la taaban Karin oo jira- sid a: run, been, jacayl iyo wixii la mid ah.

Haddaba inkasta oo aynaan halkan ku soo koobi karayn dhammaan qaybaha magaca ( noun), waxaynu isku dayi doonnaa; in aynu sheegno oo sharraxno qaybaha ugu mu hiimsan ee ma huraanka ah.

Cutubka Kowaad B: Magacyada Guud ( Common Nouns)

Sida halkanba innoogu cad, mar haddii la yidhi magac guud; waxaynu halkaasi ka gara n karnaa; in aanay magaca guud cidina gaar u lahayn ee uu yahay, mid ka dhaxeeya koox isku jinsi ah oo dad ah, meelo ama walxo guud.

Tusaale ahaan:

haddii aad tidhaahdo: magaca guud ee nin, ma jirto cid gaar u lihi ee wuxu ka dhaxee yaa dhammaanba labood ama labka (male) Bani'adamka.
Taasi waxa la mid ah, magacyadan guud ee soo socda: naag, gaadhi, geed, magaalo, bir, biyo iyo wixii la mid ah.
Fiiro gaar ah: Magacyada guud marka keliya ee aad xaraf weyn ku bilaabi kartaa, waa marka ay weedhi (sentence) ka bilaabanto.

U fiirso tusaalayaashan:
1) Gaadhi baan shalay raacay. Waa sax haatan in sidaasi loo qoraa oo xaraf weyn la ga bilaabaa, waayo waxa magaca guud ee gaadhi ku bilaabantay weedha.

Haddiisa aad tidhaahdid: Shalay waxan raacay gaadhi. Kuma bilaabi kartid ereyga ga adhi xaraf weyn- waayo haatan weedhu isaga kuma bilaabmin ee way ku dhammaatay!



Illaa casharka kale oo xiiso leh inta aynu ku kulmayno, waa macallin C/llaahi oo idin leh; ammaano Allah iyo kulanti wacan.



C/llaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com

 

 

 


 

Naxwaha Afka Soomaaliyeed

 




Casharka Afraad


Wadaraynta Magacyada Guud: ( Plural form of the common Nouns)

Sida caadiga ah magacyada guud ee kelida ahi (singular) waxay leeyihiin wadar ama habwadarayn (plural form). Waxadse maskaxda ku haysaa, in xeer ( qaynuun) kasta oo naxweba leeyahay; wax khilaafsan - ' To every rule there an exception'.
Haddaba, haddii aad u fiirsato; wadaraynta magacyada guud ee afka Soomaaliyeed, waxad ku arki waxyaabo la yaab leh!

Wadaraynta magacyada guud ee dheddigga:

Magacyadan guud ee dheddiggu marka la wadareeyo, waxay intooda badani xagga dambe ka qaataan: oyin, ood, o ama xuruuf kale- waxase jira kuwa aan xeerarkaasi u hoggaansamin!

Bal u fiirso tusaalayaasha soo socda:

Keli (singular) Koox ( plural)-wadar

Hooyo Hooyooyin
Gabadh Gabdho u fiirso magacan isbedelka kale ee ku dhacay!
Naag Naago
Haween Haween -haddii aad u fiirsato, magacani keli & koox ma kala laha. wuxuna ka mid yahay kuwa xeerkaa kore jabiyey!



Yaab, bal aad u dhugo magacyadaa aynu haatan soo sheegnay qaarkood marka aynu tiro xagga hore ka raacinno isbedelka ku dhaca.

2(laba) gabdhood
3 ( saddex) naagood iyo wixii la mid ah.

Waxa kale oo yaabka yaabkii ah, in magacyo soomaali ah oo aynu dheddigga noolaha u bixinnaa; leeyihiin dabciga magacyada laboodka ama labka ( male characteristics).
U fiirso magacyadan, si aad u fahantid ujeeddada:
* Magaca guud ee sac oo aynu dheddigga lo'da u bixinnaa, wuxu leeyahay dabciga magacyada lab!!
Arrintaasi waxaynu uga jeednaa, haddii aad magaca laboodka xagga hore ka raacisid tiro ah 2 (laba) iyo wixii ka badan; ma qaato wadaraynta!

Haddaba si aad si fiican u fahamtid ujeeddada, u fiirso tusaalayaashan.

Keli lab (singular) Koox ( wadar labood ah)- plural form

1) Nin Niman

2)Geed Geedo (Geedad)



Bal haatan aynu magacyadan xagga hore ka raacinno tiro ah laba iyo wixii ka badan.

saddex nin
Toban geed


Waxad arkaysaa, in ay magacyadaasi ku nagaadeen sawirkii ay lahaayeen markii ay kelida ahaayeen. Waana dabci aynu ku garan karno, magacyada lab ee afkeenna.


Bal haddaba soo qaado magacii aynu hore uga soo hadalnay ee sac - oo xagga hore tiro ka raaci. Maxaa dhacay? Wax isbedel ahi kuma dhicin ee waa sidiisii! Miyaynaa haddaba odhan Karin isagoo dheddig ayuu leeyahay dabcigii magacyada lab!

Halka waxaynu kala soo bixi karnaa, jid (formula) aynu ku kala garanno magacyada Soomaaliga ah ee iskood u dheddig iyo kuwa lab ee af soomaaliga - jidka ama qaacidadaasi oo ah:

* Magac kasta oo marka tiro xagga hore laga raaciyo, qaadan waaya wadarayntu wuu lab yahay - xataa haddii dheddiga (female)ka loo bixiyo!!!

Waxa kale oo iyana mudan in la isku baarujiyo, in ay jiraan magacyo guud oo laboodka noolaha - gaar ahaanna xoolaha- loo bixiyo oo aan qaadan wadarayntu. Waxase lagu kala gartaa magacyadaa kelidooda iyo kooxdooda, habka loogu dhawaaqo ama dhawaqooda!

Tusaale ahaan:

Keli ( singular) Koox (plural)


Dibi Dibi
Awr Awr


Magacyada ama ereyada noocaasi waxa loo yaqaannaa afka Soomaaliga: is-ku-dhigid, kala dhihid, kala macne!



*In English, these words are called; homonyms!



Cashar khayrliyo

cuwaaf kuu noqooy!


Macallin: Cabdullaahi Maxamed Cumar


Email:timacadde56@hotmail.c
 

 

 

 


 

Naxwaha Afka Soomaaliyeed

 



 


Casharka Shanaad


Cutubka Kowaad T: Magac Gaar ah ( Proper Noun):

Magacyada noocan ahi waa kuwo gaar loo leeyahay oo aan la wadaagin. Waxaynu odhan karnaa, magaca gaarka ahi waa lidka (opposite) ka magaca guud.


Tusaale ahaan: Hargeysa, Muqdisho, Jabuuti iyo Jigjiga.

Fiiro gaar ah: Waxad xasuusnaataa, in had iyo jeer laga bilaabayo magaca gaarka ah xaraf weyn.
Bal U fiirso tusaalayaashan:
1) Magaalo madaxda Ingiriiska waxa la yidhaahdaa Landhan. Haddii aad weedhan gaaban dhugatid oo aad si dhab ah ugu fiirsatay, waxa ku jira laba magac oo gaar ah oo aynu labadaba xaraf weyn ka bilownay! Waa kuwee labadaasi magac? Waa : Ingiriiska iyo Landhan!


Cutubka Kowaad J: Magac wadareed ( Collective Nouns)


Noocani magacyada ahi, waa kuwo loo bixiyo wax isku duuban - oo aan la kala diiri Karin- oo dad ah( people) ama walxo ah ( things) ama xayawaanba.
Tusaale ahaan: koox, guurti, gole ( dhinaca dawladda), xayn, raxan, alaab(o) iyo wixii la mid ah.

* Magaca wadareedku wuxu dhibaato keenaa marka uu galayo weedh qoran! Waayo, mararka qaarkood wuxu u dhaqmaa sida kelida halka laga yaabo; in uu marmar uu yeesho dabciga wadarta.

Tusaale:
- Golaha wasiirrada ayaa soo saaray go'aanno.
- Golaha wasiiradu waxay soo saareen go'aanno.



U fiirso isbedeka ku dhacay falwadareedka!



Halkaasi maanta casharkaasi ha innoogu joogo.



Ka durduuro

dararkaa naxwaha

doqoni waa mooge!



C/llaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com

 

 

 


 

Naxwaha Afka Soomaaliyeed

 



 

Casharka Lixaad


Cutubka kowaad X: Magacyada Muuqda (Concrete Names):


Guud ahaan magacyada jira oo idil, waxaynu u kala qaybin karnaa laba qaybood oo ka la ah: magac muuqda(concrete) iyo kuwa maldahan ( abstract).Kala garashada labad an jaad ee magacyada ahina, waxay ku salaysan tahay dhinaca dareenka.



Haddaba, magac kasta oo shayga ama qofka loo bixiyey aad ku dareemi kartid daree n wadayaashaada (sense organs)- waxa loo yaqaannaa naxwe ahaan; magacyada muuqda (concrete nouns). Magacyada jiraana waxay u badan yihiin magacyada noo can ah.

Tusaalayn



Bisad, hal, baabuur, kab, koob ... iyo wixii la mid ah.



Cutubka Kowaad Kh: Magacyada Maldahan(shaqlan)- Abstract nouns



Magacyadan maldahan ama qarsooni waa magacyo aan la taaban waxa loo bixiyey ee dareen gudeed ahaan u jira! Waxayna magacyadani inta badan la xidhiidhaan dhinacy ada: fikradda (an idea) ama caadifadda noolaha.



Tusaale ahaan:

Run, been, jacayl, geesinimo, doqonniimo, raganimo iyo wixii la halmaala...


*Fiiro gaar ah:

Waxa kale oo guud ahaan magacyada loo kala qaybiyaa laba qaybood oo la xidhiidh dhanka tirinta.

Sida aynu tusaalayaasha soo socda ku arki doonno, waxyaabaha qaarkood waa la tirin karaa oo kow, laba... ayaa la odhan karaa. Haddaba kuwa sidaasi ah waxa la yidhaa, magac tirsiimo ( countable).

Sida: wiil, gabdho, laamo, qallimo, buugaag iyo wixii la mid ah.Waayo magacyadan walxaha ama noolayaashaasi loo bixiyey waa la tirin karaa!



Nooca kale ee aan tirsamin, waxa loo yaqaannaa; tirolaawe ama ma tirsame (uncountable or non-countable).

Tusaalayaal: sonkor, biyo, dambas, daqiiq, miyuusik... iyo inta aad ku dari kartid!



Inta aynu cashar kale oo xiisa leh ku kulmayno- Idam Allah- sidaa iyo nabadgelyo.



Ka durduuro

Darartaa Naxwaha

Doqoni waa mooge



Mahadsanidin,



Macallin: Cabdullaahi Maxamed Cumar



Email: timacadde56@hotmail.com

 

 


 

Naxwaha Afka Soomaaliyeed

 




Casharka Toddobaad


Cutubka Kowaad D: Magac Lakabeedyo ( Compound nouns)



Magac lakabeedyadu waxay ka kooban yihiin, laba erey ( two words) iyo wax ka sii badan.



Bal u fiirso kuwan soo socda:

Madaxweyne, Cirsan-ka-yeedh (waa shibir), maamule-ku-xigeen, dabdamis iyo inta la halmaasha ama la midka ah.



Xasuusnow: In magac lakabeedka marmar loo dhaxaysiiyo ereydiisa jiitin-xarriijin- (hyphen). Bal eeg mar kale kuwa aynu xagga sare ku soo sheegnay!

* Inta badan, haddii magaclakabeedku ka kooban yahay laba erey; looma dhaxaysiiyo jiitinta. Haddiise uu magaclakabeedku ka kooban yahay saddex erey iyo wixii ka badan, waxa shardi ah; in loo dhaxaysiiyo laba jiitimood iyo wax ka badan!



Cutubka Kowaad R: Magac Jinsiyeed ( Gender or specific nouns)

Magacyada noocan ahi, waa kuwa loo adeegsado tilmaamidda labnimada ama dheddignimada qofka ama shayga aad ka hadlaysid.

Tusaalayn: Macallin, macallimad, fannaan/ad, marwo, mudane... iyo wixii la mid ah.



** Waxa kale oo is xasuusin mudan, in ay jiraan qaybo kale oo magacyo ahi.

Sida kuwa loo yaqaanno: magac faleedyo ( verbal nouns) oo ah magacyo laga soo dheegto, falkii (verb) ay ka yimaadeen markii hore.

Tusaale ahaan: Magaca dhisme wuxu ka yimid falka, dhisid. Sidaasi oo kale, magaca Weerar; waxa laga soo dheegtey, falka weerarid.



*** Waxa kale oo jira qayb kale oo magacyo ah, oo aynu ula baxnay; magac Saleedyo ama magac asaleed (Gerunds). Magacyadani afka Ingiriisiga waxay ku dhammaadaan (ing).Waana kuwa afka Carabiga loo yaqaanno; Masder.

Dhandhanso oo dhuux tusaalayaashan:

Dabaalasho, cunid, cabbid, liqid, seexasho ... iwm.

Fiiro gaar ah: Markii aan rogrogey, waxad mooddaa; in ay inta badan magacyada noocani ahi ku dhammaadaan -marka lagu qorayo afka Soomaaliga- labada dhammaad ee ( id iyo sho)! Waxase jira kuwa diidan xeerkaasi.!!

Casharkani wuxu ahaa gebagebadii iyo gunaanadkii casharradii dulxaadiska ahaa ee aynu kaga hadlayney qaybaha magacyada.



Ilaahay idamkii, inta aynaan cutubka kale bilaabin; waxaynu qaadan doonnaa imtixaan ku saabsan cutubkaa dhammaaday. Sidaa awgeed, ardaydii casharradan naxwaha afka Soomaaliyeed websaydada ka baraneysey; ha u diyaar garoobaan imtixaankaasi!

Mahadsanidin,
 


Macallin: C/llaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com

 

 

 


 

Naxwaha Afka Soomaaliyeed

 




Imtixaanka Cutubka Koowaad

Bartayaal, waa tii aynu ku ballansanayn; in aynu qaadanno imtixaan tijaabo ah oo ay nu ku eegeyno; sida aynu illaa haatan ula soconno una fahamney casharradii aynu soo qaadanay.

Haddaba, haddii aad fahamtey oo aad diyaar u tahay ka soo shaqaynta su'aalahan; ku soo dir jawaabaha (Email)ka macallin ama adiguba isku sax!

Su'aalo:


Waa maxay Naxwuhu?
Sheeg shan qaybood oo ka mid ah qaybaha hadalka ( parts of Speech).
Waa maxay magaca guud ( common noun)?
Maxay ku kala duwan yihiin magaca guud (Common noun) iyo ka gaar (proper noun)?
Sheeg laba magac guud iyo laba ka mid ah kuwa gaarka ah?
Imisa qaybood ayaa magacyada loo kala qabin karaa, marka xagga tirsiimada laga eego?
U kala saar magacyadan, qaar muuqda (concrete) iyo kuwo maldahan(abstract):-

Baar, cir, cod, run, beer, caashaq, ciil, ciid, candhuuf, sharaf, shaadh...iwm?

8.Maxaa lagu gartaa magaca lab ee Soomaaliga ah?
9. Waa maxay magac Lakabeedku ( Compound noun)?
10. Ma qeexi kartaa magac Jinsiyeedka ( gender nouns)?

Sidaa iyo shaqo wanaagsan iyo innaga oo bilaabi doonna Cutubkii labaad oo ku saabs an, magac-u-yaallada ( Pronouns)- waa haddii Eebbe idmo e.

Mahadsanidin,
 


Macallin: Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@Hotmail.com

 

 

 

 


 

Naxwaha Afka Soomaaliyeed

 


 

Casharka Sagaalaad
 

Cutubka Labaad B: Magac-u-yaalada ( Personal Pronouns)


Sida uu magacooduba tilmaamayo,
magac-u-yaalladu waxa ay beddelaan oo ay wakiil ka noqdaan ama ay meeshiisii galaan; magaca qofka, meesha ama shayga.

 Magac-u-yaallada oo ah waxa af Carabiga loo yaqaanno (damaa'ir), ayaa siyaabo badan uga duwan
kuwa Carabiga iyo afafka kalaba marka loo adeegsanayo af Soomaaliga!

 

 Inta magac-u -yaal qofeed ( Personal Pronouns) ee aan helay ee aan doodi ka taagnayni waa toddoba. Waxase jira kuwo doodi ka taagan tahay oo aynu dib u dhiganay!!

 Kuwa la isku raacsan yahay waa kuwan hoosta ku qoran:-

 M-u-yaal

 

1) Aniga (keli) hadlaysa oo joogta

 

 Kaalin Yeele(subjective case)

 

 Kayga/waxayga

Lahaansho ( possessive)

 

 6) Idinka ( wadar) joogta oo lala hadlayo

 

 Kaalin Yeele(subjective case)

 

Kiinna/wixiinna 

( Your/Yours)

Lahaansho ( possessive)

 
 

 2) Adiga (keli) lala hadlayo oo joogta

 

 Kaalin Yeele(subjective case)

 

 Kaaga/waxaaga

(your/yours)

 

 7) Iyaga (wadar) maqan

 

 Kaalin Yeele(subjective case)

 

 Kooga/waxooda

( their/theirs)

 
 

 3) Isaga (keli) lab oo maqan

 

 Kaalin Yeele(subjective case)

 

 Kiisa/wixiisa

(his)

 

 

 

 

 

 

 
 

 4) iyada (Keli) dheddig ah oo maqan

 

 Kaalin Yeele(subjective case)

 

 keega/waxeeda

(her)

 

 

 

 

 

 

 
 

 5) Annaga (wadar) hadlaysa oo joogta

 

  Kaalin Yeele(subjective case)

 

 Kaayaga/waxayaga

(our/ours)

 

 

 

 

 

 

 
 

 

Fiiro gaar ah:

Magac-u-yaalka (it) ee afka Ingiriisiga loo isticmaalo, wixii aan caqli lahayn ama aan jinsigiisa la garaneyn ( neuter); afka Soomaaliga wuu ka maqan yahay- haddii aynaan u adeegsanayn kaalintiisa ereyada: Bahalkii/bahashii, waxa, geedda iyo wixii la mid ah! Bal ka soo taliya!

* Baraarujin: Afkeenna waan ka waayey, kaalinta la yeelaha (objective case) ee magac-u-yaallada!!

 Iftiimin: Afka Ingiriisigu wuxu kala leeyahay: I (aniga) oo gasha kaalinta Yeelaha ( subjective form) iyo (me) which lies in the objective form) oo gasha kaalinta la yeelaha.

 Markase aad u dhabo gashid afsoomaaliga, waxa aad arkaysaa; in aanu lahayn habka noocaasi ah oo ay magac-u-yaalladeennu leeyihiin kaalinta yeelaha oo keliya ( subjective form)!

 Bal u fiirso tusaalayaashani oo kuu sharraxaya waxa aynu arrintaa ula jeedno.

 Weedh Afsoomaali ah                                 English sentence              

 1) Isagu wuu faraxsan yahay.                        1) He is happy.

2) Cabdi wuu yaqaannaa isaga.                     2) Abdi knows him.

 Ma fahantay kala duwanaansha magac-u-yaallada afka Ingiriisiga iyo sida aanu keennu isku bedelin?

  Inta aynu ku kulmayno cashar kale oo xiiso leh- idam Allah- halkaa maanta ha innoo joogo.

 

Macallin: C/llaahi Maxamed Cumar

 

Email: timacadde56@Hotmail.com

 

 

 

 


 

Naxwaha Afka Soomaaliyeed

 





Casharka tobnaad:


Cutub Labaad T: Magac-u-yaallada Lahaanshaha ( Possessive Pronouns)


Magac-u-yaalladani waxay tilmaamaan lahaansho ( Possession). Waxana ka mid ah: Kayga,kaaga, kiisa, keeda, kaayaga, kiinna, kooga iwm.


Cutubka Labaad J: Magac-u-yaallo Tilmaameed ( Demonstrative Pronouns)


Sida magacooduba tilmaamayo, magac-u-yaaladani waxay ku shaqo leeyihiin tilmaamidda inta u kuu jiro/jiraan waxa la tilmaamayaa.


Waxana ka mid ah magac-u-yaallada tilmaameed:


Kan, tan, kaa/kaasi, taa/taasi, keer/ teer, koo, kuwan, kuwaasi, kuweer iwm.


Cutubka Labaad X: Magac-u-yaallo Weydiineed ( Interrogative Pronouns)


Magac-u-yaalladani waa kuwa loo adeegsado weydiimaha ama su'aalaha, sida:


Kuma (who), Kee ( which), Halkee ( where), Maxaa/maxay ( what), Sidee ( how) iwm.


Tusaale: Kee/ayaa kuu sheegay arrintaa ama warkaa?


Cutubka Labaad Kh: Magac-u-yaallo Xidhiidheed (Relative Pronouns)


Magac-u-yaalladani waxay ku tusaan xidhiidhka ka dhexeeya laba liid ama dhudood ( two clauses) oo weedhi ka kooban tahay.

Haddii aynu xagga Carabiga ka eegno, waa magac-u-yaalladii la odhan jirey; asmaa'ulmawsuul.

Waxana ka mid ah kuwan:

Kee/kii, tee/tii, kee, sidee/sidii, kuwii iyo wixii la mid ah.


Tusaale ahaan:

Bare sare (professor) Sulaymaan, waa Kii ahaan jirey hormoodka (dean)ka Lafoole!


Cutubka Labaad D: Magac-u-yaallada aan qeexnayn ama xadaysnayn ( Indefinite Pronouns)


Magac-u-yaalladan aynu ula baxnay ma qeexnayaashu waa kuwo af waliba leeyahay, waxana ka mid ah kuwan:

Dhammaan (all), wax/qaar (some), dhawr (few/several), kurtood ( all of them)... iwm.



Tusaale: Dhammaantayo waxannu fadhiney masaajidka, laakiin qaar baa tegey maqaaxida.


' Cashar iyo cad(hilib) ba waa la yaryaraystaa' ee manta halkaasi ha innoogu joogo.

 



Macallin: C/llaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com

 

 

 


 

Naxwaha Afka Soomaaliyeed

 




Cutubka Saddexaad: Falka ( the Verb)

Casharka Kow iyo tobnaad

Waxaynu bilowgii casharradan ku saabsan naxwaha ka soo hadallay qaybaha hadalka ( Parts of Speech) oo aynu soo sheegnay, in ay ka kooban yihiin Siddeed qaybood - waa sida loo badan yahay! Waxase jira qolyo kale oo siyaabo kale u qaybiya naxwaha afafka iyaga oo eegaya habdhismeedka iyo qaabka hadalka ee afafka qaarkood.

Labadii cutub ee hore, waxaynu wax kaga soo taataabanay; magacyada (nouns) iyo magac-u-yaallada (Pronouns).

Cutubkan saddexaad, waxaynu diiradda saari doonnaa- haddii Eebbe idmo- falalka ( the verbs).
Haddaba intaynaan sii guda gelin cutubka, waxaynu isku dayi doonnaa qeexidda falka.

Qeexid:

Waa maxay falku? Falku waa erey loo adeegsado, in uu wax-ka-sheego: dhacdo ( action), xaalad ahaansho tilmaamideed ( state of being) ama sida falku u dhacay (occurrence)!

Isku soo wada duuboo, falku wuxu ku tusaa: sida ay wax u dhaceen ama hawl loo qabtay iyo xaalad ahaansho!

Falku waa ubacda ama xuddunta weedha ( the main part of the sentence). Waanay adag tahay, in aad dhisto weedh macno leh -haddii aanad adeegsan fal.

Sidaa awgeed, waxaynu si kalsooni leh u odhan karnaa; falku waa qaybta ugu muhiimsan dhammaan qaybaha hadalku ka kooban yahay!

Haddii Ilaahay idmo, waxaynu casharrada soo socda ku soo qaadan doonnaa falka iyo qaybihiisa kala duduwan.

' subax iyo sadar subax baa badan!'

Waa innoo casharro kale oo xiiso leh- haddii aynnu nafta haynno.
 

 


Macallin: C/llaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com

 

 

 


 

Naxwaha Afka Soomaaliyeed

 



 


Cutubka Saddexaad B: Falalka (verbs)



Casharka Laba iyo Tobnaad


Sidii aynu ku soo tilmaanay casharkeennii hore, falalku (verbs) waa xuddunta hadalka ama waa udubdhexaadka dhismaha weedhaha afku ka kooban yahay.



Falalku waxay u kala baxaan dhawr qaybood oo aynu qayb walba wax ka soo qaadan doonno- haddii Ilaahay idmo.



Falal dhacdo ( Action verbs):



Falalka noocan ahi, waa kuwa ku tusa waxa uu qabanayo/qabtay yeelaha (the subject) weedha ku jiraa.



Tusaale ahaan:

1) Caashaa cuntada karisay.

2) Nin baa sariirta hurda.

3) Inan baa kubbadda ku ciyaaray.



Falgudbe (transitive verb)



Falalkani, waa kuwa uu falka yeeluhu toos ugu dhaco layeelaha (an object).



Tusaalayn:



1) Cali baa Xasan dhirbaaxay!

2) Ridaa dooggii cuntay.



Sida aynu tusaalayaashaa koraba ku soo muujinnay,falalkan aynu u bixinay falgudbayaashu; waxay si toos ah oo aan dadbanayn u qaataan layeele (an object).



Fal-ma-gudbe (Intransitive verb):-



Falalkan ma gudbayaasha ahi, waxay kuwaa hore kaga duwan yihiin; iyaga oo aan qaadanin layeele muuqda oo aad taaban kartid ama dareen ahaanba sugan!



1. Cali wuu qufacay.

2. Cadar way shaqaysaa.

3. Waan hindhisay.



Idam Allah, casharrada soo socda ayaynu ku qaadan doonnaa qaybo kale oo falalka ku saabsan.



Inta aynu ku kulmayno cashar kale oo xiiso leh, amaano Allah.

 



Macallin: C/llaahi Maxamed Cumar

Email:timacadde56@hotmail.com

 

 

 


 

Naxwaha Afka Soomaaliyeed

 




Casharka Saddex iyo tobnaad:
Meeleeyayaasha ( Prepositons)

Inta aynaan casharkan bilaabin, waxa wacan; in aynu qeexno macnaha meeleeyaha.

Qeexid: Meeleeyuhu waa erey ka mid ah qaybaha afka oo tilmaama goobta (location) ay wax ku sugan yihiin ee jiho ama meeleed.
Meeleeyayaashu waa qayb hadalka ka mid ah oo af waliba leeyahay. Waxayse afafku ku kala duduwan yihiin, halka uu dhacayo ama la dhigayo meeleeyaha.

Tusaale ahaan:

Haddii aynu soo qaadanno weedh (sentence) af Ingiriisi ah oo aynu barbardhigno tu Soomaali ah, waxaynu si cad u arki karnaa kala duwanaansha goobeed ee labada meeleeye- ka Ingiriisiga ah iyo ka Soomaaliga ah

Soomaali English

1) Jaamac wuxu ag fadhiistay Cabdi. 1) Jama sat near Abdi.

Bal u fiirso labadaa weedhood iyo farqiga u dhaxeeya iyo mid walba halka uu falkeedu galay!

Halkaasi ayaynu ka wadi doonnaa casharradan-haddii Eebbe idmo- ee maantase halkaa ha innoo joogo.

Waxanse idin la wadaagayaa oo aan maanta idinku dhaafayaa, weedhan soo socota oo dhawr xigmadood xambaarsan!!

Weedh: Bal u fiirso waa tane.

Meeleeyayaashii hore huruud mari oo hoosta ka xarriiq.

Macnayaasha weedhan ku duugani waa:


Waxay leedahay macno kooban oo buuxa oo weliba jaan leh.
Waxa loo adeegsan karaa farbarashada carruurta.
Waxa ku dhan dhammaanba tobanka shaqal ee afkeenno leeyahay -shanta gaagaaban iyo shanta dhaadheer ee aynu u adeegsanno qoraalka joogtada ah!


Sidii caadada innoo ahayd, waa cashar kooban oo cudud leh.



Macallin: C/llaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com
 

 

 


 

Naxwaha Afka Soomaaliyeed

 


Casharka Afar iyo tobnaad: Meeleeyayaasha (prepositions) iyo Kaalintooda Afka

Sidii aynu casharkeennii horaba ku soo sheegnay, meeleeyayaashu waa qayb afka ka mid ah oo aad u muhiim ah- weedhuna qurux ma yeelato inta badan- haddii aanu meeleeye ku jirin!

Culimada ku takhasustay naxwaha afafku, waxay yidhaahdaan; meeleeyuhu wuxu weedha ka geli karaa meel kasta oo uu jiirku geli karo (anywhere a mouse could go). Taasi oo macnaheedu yahay, in meeleeyuhu afafka ku leeyahay godad badan oo uu buuxin karo.

Afafka qaarkood- sida afka Ingiriisiga- meeleeyuhu wuxu galaa magaca hortiisa.
Tusaale:

The ball is behind the wall.

Haddii aynu soomaaliyaynu weedhaa sare, waxaay u qormaysaa sidan:

Kubbaddu waxay taallaa gidaarka dabadiisa/gadaashiisa.

Waxa kale oo aad odhan kartaa:

Kubbaddu waxay daba taallaa gidaarka.


Bal u fiirso meesha uu meeleeyuhu gelayo weedhaha afkeenna, soona sheeg sida kula habboon ee loo qori karo weedhaheenna.

Haddii aynu tilmaanno qaar ka mid ah meeleeyayaasha afkeenna, waxa ka mid ah:-

Xagga sare, kor/dul, hoos, agtiisa, dhinaca, hareerta, hortiisa, gadaal/ dambe, hore, dhexdiisa/gudaha, ka timid, ku socota, illaa imika, laga soo reebo iyo wixii la mid ah.

Illaa inta aynu ku kulmaynnu casharka kale oo xiiso leh- idam Allah, nabadgelyo.

Macallin: C/llaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com
.

 

 

 

 


 

Naxwaha Afka Soomaaliyeed

 

 

Cutubka Afraad: Tilmaamayaasha (Adjectives)

Casharka shan iyo tobnaad

Tilmaamayaashu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah qaybaha hadalka.

Tilmaamayaashu waxay wax-ka- sheegaan oo ay xaaladdiisa ( sifadiisa) tilmaamaan: magac, magac-u-yaalka ama shay kale oo weedha ku jira!

Inta badan, tilmaamayaashu waxay wax-ka-sheegaan: meel, qof, walax ama figrad ( an idea).

Afafku way ku kala duduwan yihiin goobta uu tilmaamuhu weedha ka gelayo.

Bal u fiirso oo isbarbardhig labadan weedhood ee Soomaaliga iyo Ingiriisiga kala ah:

Soomaali Ingiriisi

1) Isagu waa nin wanaagsan. 1) He is a nice man.

Sida aynu tusaalahaa sare ku aragno, tilmaamuhu wuxu weedha Soomaaliga ah ee caadiga ah ka galaa; halka u dambaysa. Halka uu weedha afka Ingiriisiga ah uu inta badan tilmaamuhu uu galo, magaca hortiisa.

Tusaalayn ahaan, bal aynu u fiirsanno weedhahan Soomaaliga ah iyo halka uu tilaamuhu ku dhacay.

1) Cirku waa buluug.
2) Caashi waa gaari.
3) Cabdi waa geesi.

Tusaalayaashii haddii aad dhugatey, waxa innoogu caddaaday oo aanu caad saarnayn; in uu tilmaamuhu weedha Soomaaliga ku dhacayo halka u dambaysa.

Waxadse xasuusnaataa, in uu xeer waliba leeyahay xubno jabiya oo aan u hoggaansamin!

Caadadeennu waa tii ahayd, ' Cashar iyo cadba waa la yaryaraystaa'!

Maanta casharkeennu halkaa ha innoogu joogo.
 


Macallin: C/llaahi Maxamed Cumar

email: timacadde56@hotmail.com