Waxaan donaya in an wax u macneeyo gabadh magaceeda ku sheegtey Halimo Yusuuf

 



Asalamu caleykum dhamantiin.Waxaan idinka codsanaya in aad ku so dabaacdaan qoraalkan web sitekiina idinka oo mahadsan.


Waxaan donaya in an wax u macneeyo gabadh magaceeda ku sheegtey Halimo Yusuuf. Gabadhu, mey fahmin maxaa layidhado nolosha public ah.Qof haddi u siyaasii noqdo wuxuu u badheedhaya in la faleeyo, in la aflagadeeyo , in sawir kale laga bixiyo, in wax qaldan laga sheego  .....

Marka,Halimow ha u qadan Maxamad Cabdillahi Cumar in lo faleenayo iyada oo lola jeedo dhinaca qabilka.Dr.Maxamad wa wasiir marka u talabo qadaba wa la faleen oo laga hadli waayo waxaa dhigaya shaqada u dortey oo ah sidi an kor kugu sheegey waxaa afka faransiiska lagu yidhahdo (personnage publique) ama public figure . Cumar Daarood haddi u ka falodey talabooyinka u bary ahan dambe qadey wasiir Cumar, ha u qadan wax personnel ah ama qabiil ah .Waayo,Cumar Daa rood sida dad badan oo aad u canbareyey wasiirka, khaq bu u leeyahay in u ka hadlo waxa was iirkiisu qabaayo, ileyn waa wasiirkisi .


Anigu wan yaabey markan akhriyey articleka ay Halimo so qortey oo waliba Halimo ku noshahay London oo an islaha aqon bey leedahay.Takale,wasiir M.A.Cumar dad badan oo reer Somaliland ah aya canbareeyey shirarka u ka qeybqadano ee maxaa tan Cumar Daarood ku tuusey?Xanaqa qabiil waxa isticmala qof daciif ah oo fikirka iyo qancintu ay ka dhamadeen.Marka, inti aad difaci laheed wasiir Cumar oo aad dadka ku qancin laheed waxaan u waado, oo wax (constructive) ah aad meesha keeli laheed ayan wixiiba simple ka dhigtey oo aad qabiil ka dhigtey.


Gabagabadii, wasiir M.A.Cumar wax kasta wa laga sheegi ee baro waxaa layidhaado public figure ama nolasha publicka ah wey dhibaato badan tahay.

 

 

 

Moussa Djama
Canada