SOO DHAWEYNTA RAMADAANTA

 

Waxan salaantaa Islaamka ee Qaaliga ah u dirayaa Haw lwadeenada  Long livesomaliland iyo Akhristayaasheeda iyo dhamaan Muslimiinta.


SHAHRU SOOM ,SHAHRUL CIBAADA, SHAHRUL BARAKAAT SHAHRUL  KHAYRA AT WARRAXMA,SHAHRUL QURAAN.

Bisha Ramadaan waa bil qaali ah oo ahmiyad weyn ku fadhida mudanna in laga faa'iidaysto oo la kasbado kheyraadka iyo barakooyinka ay wadato,taas oo ku xidhan dadaal iyo niyad wanaagsan,waa

Bisha 9aad ee bilaha Hijriga ,Illaahay wuxu Quraanka inoogu sheegay in biluha sannadku yihiin 12 bilood oo ku cad kitaabka illaahay:

Bisha Ramadaan waa bil uu illaahay subxaana watacaala u doortay inay  ahaa to bil loo soomo oo loo afxidhnaado illaahay dartii,oo laga dheeraado  cunta da,cabbida,shahwada iyo denbigoo dhan:

Illaahay subxaana watacaalaa wuxu kitaabkiisa kariinka ah ku sheegay oo yidhi:Waajib ayaa laydinkaga yeelay Soonka sidii loogaga waajib yeelay kuwii idinka horreeyey,waxa la arkaa inaad cabsataane.

Cabsida Illaahay waa mid koobsanaysa ficilka aad samaynayso iyo  dareenka aga hoose oo aad ka dhigto saafi oo niyad wanaagsan iyo rajo fiican mar  kas ta ku jirto camalkuna rumeeyo.

Soonku waa rukniga 4aad ee Arkaanta Islaamka ,wuxuna Soonku leeyahay faa'iidooyin badan oo dhinacyo badan ah oo qofku labada daarood Ifka & Aakhiroba ku helayo,waxa aan waxyar ka taabanaynaa FADLIGA,SHURUUDDA,ARKAANTA & CUDURDAARKA BISHU LEEDAHAY.

FADLIGA:

Rasuulka illaahay nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu yidhi Qofka sooma Si iimaan iyo niyad ah oo illaahay ka filaya ajar illaahay wuu dhaafaa denbi wuxu hore ula yimi,Qofka isna ooga ee u kaca Habeenka Leylatulqadriga Si iimaan iyo niyad ah oo illaahay ajar ka filaya ajar illaahay wuu dhaafaa denbi wuxu hore ula yimi:


Waxa Illaahay ku yidhi Xadiisal qudus Camal kastaa Bini aadamku sameeyo waan u labanlaabaa Xasano kasta toban la mid ah ilaa iyo Todoba Boqol oo labanlaab ayaan siiyaa Soonka mooyee isagaa Anaa iska leh oo aanaa ugu Abaalgudaya waayo dartay ayuu isaga joojiyey oo u daayey Cuntadii,Cabbidii iyo Shahwadiisiiba.


Qofka Muslinka ahi waa inuu Cusboonaysiiyaa Camalkiisa iyo Cibaadadiisa oo Toobada badiyaa,waa bil barakaad iyo kheyraadkeedu badan yahay:

Waxa Rusuulku Nabadgelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee yidhi:Waxa idiin yimi RAMADAAN bil barakaysan Alla isagaa weyn oo korreeyee idinku waajib yeelay SOON waxa la furaa bishaa Albaabada Samada waxana la xidhaa Albaabada Jaxiima,Shaydaannadana waa la dheereeyaa oo la xidhxidhaa,waxa bishaa ku jira Habeen ka fadli badan Kun bilood(Leylatul qadriga).

SHURUUDDA SOONKA

Shuruuhada Soonka waxyar bay ku kala tagsan yihiin Madaahibtu laakiin maadaama Mujtamaceennu Shaaficiyiin wada yihiin waxan soo qaadanaynaa Shuruudaha Shaaficiyada:

Shardiyada waajibka ah:

1-Qaangaadhnimo

2-Islaamnimo

3-Caqli

4-Awoodid dareen iyo sharciba


ARKAANTA

Arkaanta Soonka waxa loo badiyaa laba rukni:

1-Niyad(in qofku niyaysto inuu soomaya illaahay dartii)

2-Afxidh iyo ka dheeraansho wax kastoo jebinaya ama burinaya Soonka

CUDURDAARKA AFURIDU BANNAAN TAHAY

Qofka cudurdaarka leh wuu afuri karaa iyadoo uu qalle ula iman doono intii dhaaftay oo isagaa xor u ah inuu xidhiidhiyo maalmaha ka tegey iyo inuu kala googooyo waase inaanay Ramadaanta kale ku soo gaadhin iyadoo lagu leeyahay tii hore ama maalmo tii hore ka mid ah markaa wuxu bixinayaa fidyo oo wuxu maalin kasta cuntaysiinayaa qof Miskiin ah ama Lacag ayuu qiimihii cuntada u siin karaa.

CUDURDAARRADA WAXA KA MID AH:

1-XANUUN:Qofka xanuun hayo een awoodi Karin Soomidda ama ka cabsooda inuu xanuunku ku sii fido oo halis gelinayo waa afuri karaa

2-SAFAR:Safar qofku galo oon ka yarayn 84 km qofka safarka ku jira hadduu ku adkaado wuu afuri karaa

3-DIIGGA XAYDKA & NIFAASKA

4-UURKA IYO NAASNUUJINTA:Haddii Hooyadu ay u baqdo ilmaha uurka ku jira ama nafteeda sidoo kale ilmuhu inuu caano waayo ooy u baqdo way afuraysaa ama qalle ama fidyo ayay samaynaysaa.

-DA' WEYNIDA:Qofka da'da ah een awoodi karayn wuu afurayaa wuxuna bixinayaa Fidyo5

-HAWL AMA SHAQO DHIB BADAN Qofka meel kale oon shaqadaas ahayn aanu risiq ka soo gelayn ee dantu ku khasbayso shaqaduna aad u adag tahay wuu qallaynayaa.6

Bisha Ramadaan waa bil baraka badan waa bishii Quraanku soo degey:


Bisha Ramadaan waa tii uu soo degey Quraanku ee u ahaaday dadka hanuun iyo bayaan cad ee hanuun iyo kala sooc ah(yacni kala soocidda xaqa iyo baadilka).

Bisha Ramadaan waa bishii ugu Intisaaraad iyo Guulo badnayd Qasawaadkii iyo Dagaaladii Muslimiintu Gaalada la galeen.

Bisha Ramadaan waa bisha Toobadda iyo denbi dhaafka iyadoo mar kasta ay furan tahay haddana bishani waxay leedahay siyaado gaar ah eeg xadiiskan:

Xadiiskan kor ku xusan wuxu rasuulku Nabadgelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee yidhi Salaadaha shanta ah iyo Salaadda Jimce ilaa iyo Jimcaha kale iyo Ramadaan ilaa iyo Ramadaanta kale waxay masaxaan oo tirtiraan wixii u dhexeeyey ee denbi ahaa haddii qofku ka dheeraado denbiyada waaweeyn ee kabiirada ah.

Bisha Ramadaan waxa loo qaybiyaa saddex qaybood oo min toban ah Tobanka hore waa RAXMAD,Tobanka dhexe waa denbi dhaaf MAQFIRO,Tobanka danbe waa cadaabkoo layska xoreeyo CITQU MINA NAAR.

Bisha Ramadaan khayraadkeeda waxa ka mid ah waa bisha Samirka:

Soonka gudihiisa qofku wuxu iska mamnuucayaa wax kastoo naftiisu xiisaynayso ee jebinaya soonkiisa waana samrid uu u samrayo isagoo amarka Eebbihiis raacaya maraa Soonku Samirka badh buu ka noqday Samirkana abaalkiisu waa Janno ayaa illaahay Quraakiisa ku yidhi:



Bisha Ramadaan waa bil ducada Illaahay aqbalo Shahru ducaa,Ayaa Soonka waxa ka danbaysa Aayadda tilmaamay in Haddii Adoomadaydu ku weydiiyaan Aniga wax igu saabsan waxan ahayn mid u dhow oo aqbalaya qof kastoo wax I weydiista oo ducaysta:

Rasuulka Alle Nabadgelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee wuxu yidhi Saddex ducadooda lama celiyo(waa la aqbalaa)Qofka sooman ilaa uu afurayo,Iimaan caadil ah(Madaxweyne ama Boqor) iyo ducada qof dolman(qof la dulmay).

Soonku wuxu u wanaagsan yahay caafimaadka iyo sixada jidka waxa unugyadii aanu jidhku u baahnayn ku dhaca ka takhalusid unugyadiina dib u cusboonaan ayay sameeyaan oo si firfircoon u hawl galaan waxa sidoo kale habaysma inta guluukoos ee jidhku u baaha yahay waxana jidhku helaa dheelitir dhinacyada tamarta iyo booratiinka ama faatiska ee u baahan inuu saamigal mucayan ah lahaado,sidoo kale xanuuno badan ayuu dawo u yahay sida Macaanka ama Sonkorowga,Xanuunada bararka,Xanuunada jeldiga ama dubka jidhka ku dhaca,Xanuunada Qalbiga iyo kuwa Maskaxda iyo kuwo kale oo badan.

Sidoo kale Soonku wuxu daweeyaa Ruuxda iyo Nafta oo ka dhigaa mid saafinimo iyo suubanaan ku sifoowda,oo qofka sooman wuxu markasta ku xidhan yahay Illaahii abuurtay wuxuna ku fekerayaa Koonkan iyo Makhluuqaadka kala gedisan ee illaahay ku abuuray Maskaxdiisana wax denbi ah kuma soo dhacayaan Quraan akhris iyo duco iyo khayr buu qofku ku dhexjiraa taas oo ka dhigaysa qof Macnawiyaadkiisu sarreeyo oo iimaanku u buuxo.

Qofka sooman laba farxadood ayuu leeyahay waa markuu afurayo oo uu farxayo waayo waajib ayuu soo gutay oo ku soo guulaystay illaahay taageeradii iyo markuu Illaahay la kulmo Aakhiro oo la abaal marinayo Soonkii uu illaahay yidhi Aniga ayaa soonku ii sugnaaday oo ka abaalmarinaya:

 

 

Rabbiyow raxmaanoow
Rabadaanta doorkan ah
Roobku noo da'aayoo
Rays iyo Barwaaqiyo
Raxmaad aan helnaayoo

*******
Raynrayn iyo riyaaqiyo
Raasukh diintu noqotoo
Rasuulkii ku deyanaa
Ratiga Allow rar culus baa
Ragaadkuna u dheeryoo

*******
Rubaday jareenoo
Raadgoob wuxuu yahay
Raacdo kheyrka meeshii
Rugeheed ahaayeen
Reeruu waxay baryaayaan

*******
Rag illaah ka baqayoo
Raaca amarka Eebboo
Reeba dulmiga idiloo
Rabbigiis ku tiirsada
Raranka inuu ka baydhshoo

*******
Rayskana ku beegoo
U horseedo raaxee
Ra'iis kharyrle noo keen
Allow rajada aan qabo
Runta iiga yeeloo

*******

Raalidaadan dalabnee
Roonow na solonsii
Raadraaca diintiyo
Raxmaddaada gaarka ah
Rasuulkii na raacsii oo
Rafiiqiisa naga yeel

Aamiin Aamiin Aamiin
 

 

Saeed Hussein
saeedsix@hotmail.com