Ardeydii Dhagaxtuur iyo Dhiiranaantii Axmed maxamed Yuusuf “Jabane” Qaybtii Labaad



Febraayo 20,2014
Mareegaha Farshaxan


Maalintii dhawayd
Dheddigii Jihaad
Dhababay galeen
Caruurtuna dha’dhaab
Dhulka tiilay bay
Dhirta ula baxeen!
Dhanna hadallo culus
Oo dhaxalgalaa
Dharka ugu qornaa
Dhayal u seexan mayno
Dharagna dooni mayno
Ninna ka dhawrsan maynee
Haddaanay bedar ka dheeraan
Waa haddaad dhalasho waydeen
Dhimashada Xaqqa ahi, Abwaan Aadan Tarabi
Febraayo 20, 1981


Mudane Axmed waxaa loo kaxeeyey dhinaca qolalka xadhiga loogu talogaley ee xaruntii na bad-sugida ee magaalada Hargeysa.Wuxuu fuliyey Xasan Maxamed Nuur (Shaati –guduud) amarkii ka soo baxey inanka adeerka uu Afweyne u ahaa ee Dhiigyacab Gaani kuna caano-maaley magaca Diiriye. Xafiiskii Shaati-Guduud waxaa lagu go’aamiyey in habeenimada jidh-dil lagu sameeyo mudane Axmed si looga hubiyo tirada magacda ay gacanta ku hayeen. Wa xaa la gudo galay in la diyaariyo kooxdii u hawlgali laheyd jidh-dilkaa.Waxaa la qoondeeyey koox ka socoto Dhiigyacab Gaani oo ka mid ahaa askartii koofiyad casta, koox nabad-sugida ah oo ku shaqo leh waydiimaha aan ka madhneyna inay jidh ahaan dhibaato u gaadhsiin ka raan mudane Axmed, iyo Koox ka timid Xamar oo Afweyne ku kalsoonaa.

Maalinimadaa waa laga warhelay xadhiga mudane Axmed.Aroornimadii danbe ayaa waxaa ugu tagey xarunta nabad-sugida koox ka tirsaneyd ururkii UFFO. W uxuu ku wargaliyey mu dane Axmed Maxamed in xalay dhibaato jidheed loo gaystay,aadna looga codsanayey inuu sheego magacyada xubnaha ay hawsha wada wadeen. Axmed jidh dilka habeenkaa ku dha cey aroornimadii waa laga dareemayey, hase yeeshee isaguna wuxuu ku adkaystay inaanu warba ka hayn waxan ay ka hadlayaan.

Isla goobtii waxaa laysla qaatey in warqad lagu qoro dhamaan xubnihii ururka oo tiradoodu badneyd. “Axmed Maxamed Jabane ayaanu aroornimadii u tagney,noona sheegay dhibta ji dh ahaan la soo gaadhsiiyey habeenimadii uu halkaa ku xidhnaa. Waxaanu nagu wargaliyey inaanu waxba sheegin nagalana hadley waxa la yeelayo.Waxaanu qornay dhamaan magac dii qof kasta oonu xasuusanay kana tirsanaa ururkaa iyo hawlaha lagu jirayba, marka laga reebo kooxdii milatariga oonu isla garaney inaan iyaga la sheegin,.Liiska aanu u gudbinay N abad-sugiduna waa kaa” ayuu yidhi mudane Axmed Muxumed Madar oonu wax ka waydiin ayey dhacdada maalintaa Febraayo 20dii,1981kii iyo liiska ay iyagu koox ahaan u gudbiyeen Nabad-Sugida.

Hase yeeshee dhinaca nabad-sugida waxaa yaaley markan ilaa 13 magac oo ay u tirinaye en inay hawshan wadaan. “Iyagu 13 qof ayey magacdooda haysteen.Waxaanuse u gudbi nay dhamaan dadkii hawlahan samo-falka nagala qayb qaadanayey si magaaladu dhama anteed iskula kacdo” ayuu kaga warceliyey Axmed Maxamed waydiinta ah siday ku dhacd ey in dad badan la soo qabqabto. Tirada magacda ee markaa taaley xafiiska nabad-sugida waxaa ka mid ahaa:

1- Axmed Maxamed Yuusuf”Jabane”
2- Maxamed Baaruud Cali
3- Maxamed Xaaji Maxamuud
4- Cabdilaahi Cali Yuusuf (Colaad)-IHUN-
5- Dr. Aadan Yuusuf Abokor
6- Dr. Maxamuud Sh. Xasan Taani
7- Dr. Maxamed Cali Sulub
 

Magacdani waxaa gacanta u galiyey xafiiska dad la aaminay. Horay u jirtay sheekada ah in geedka oo la gar-naqsanayey gudintu uu ku yidhi “Gudinyahay imaad goyseen haddaan go bolkay kugu jirin”. Waxaa dhalintan la fadhiisan jiray dad badan oo hawshana kala qayb qa adan jiray. Inkastoo ay digtooni xad dhaaf ah qabeen. Si ay ka noqotayna kooxdani waxay ku qanceen in warbixin laga gudbiyo kooxda UFFO ka dib markii ay heleen dhiirigalin iyo xog aa kharash ah oo loo dhiibay.

Hase yeeshee mudane Axmed Jabane ayaa ka dib la tashadey dadkey hawl-wadaaga iyo arin-wadaaga lahaayeen u gudbiyey liiska magacda ay hawshan ku wada jireen.Gudidii oo la faraxsan guushan ay u tirinayeen inay ku gaadheen garaacii iyo jidh-dilkii ay u geysteen mudane Axmed Jabane ayaa loola orday dhinaca dhiggyacabkii Gaani. Dhuldhacoogaba may hubsanee markii liiskii dib ay u eegeen layey arkeen inay ka kooban dhamaan reeraha (qab iilooyinka) degga dalka haatan ah Soomaaliland ayey indhuhu soo baxeen.

Dhiigyacab Gaani ayaa indhihiisa laga dareemayey in la khiyaameynayo kuwan liiska u kee nayna ku tilmaamey inay karti daran yihiin. Waxaanu dibu-habeyn lagu sameeyey liiskii si aaney dagaalkooga ku waajahan degaanka Soomaaliland u cadeysan ee ay isticmaalaan qaybi oo xukun aragtida ku salaysan. Waxaaney go’aan ku gaadheen inay liis cusub iyagu qortaan kuna bilaabaan saddex iyo tobankii ay hore u haysteen. Hase yeeshee waxaad iswaydiin kartaa maxaa ku kalifay mudane Axmed jabane iyo kooxdii kale ee UFFO-ba inay magacda tiro beelay ee kooxdaa gudbiyaan. Mudane Axmed oo ka warcelinaya waydiintaa ayaa yidhi: “Waxaan isla garaney in haddii saddex iyo tobankan magac ay arintu ku koobn aato in la dilayo, halgankeeniina uu sidaa ku dhimanayo.Sidaa darteed aynu dhamaan mag acda ku jiray ururkan wada gudbino dhulku ha dayaamee oo dadku ha kacaan”...

Wadhi wadhi hoheey cakuyeey hoh!

Habbisada dadkayga la saaray

Haan-haanta loo kala soocay

Ma-huraanka laysku lisaayo,

Hurdankiyo gabaaro-gurdayska

Halaq baa ku raad-gadanaaya.


Isagaa hubkaysugu dhiiba;

Hanadada sidaa ku shidhaysta;

Dabadeed hamuunta ku reeba.

Isagaa habeen iyo maalin

Godobtiisa reer huwinaaya;

Hadba shaadh qabiil u tolaaya.

Hindhisyaana saa qasab weeye

Dadku waa inuu hargab qaado,
Hagarlaawe 1984, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac“Gaarriye”-IHUN-

Kooxdani gudbisay warbxinta boqnogoysayna halihii samo-falka ee UUFO waxay ku dooda y een in wax lala qabsado koox ay iyagu u tirinayeen anaagdoon oo uu ka mid ahaa Dhiig ya can Gaani oo markaa loo soo badaley inuu noqdo taliyaha qaybtii 26aad ee ciidamadii Afwe yne Barre, Daahir Ciid oo ahaa taliyihii ciidamada Hangash (dhabar jabinta), iwm. Halka ay kooxda UFFO ku doodayeen wax-u-qabashada dalkayaga iyo dadkayaga cidna u daba joog san mayno,mana diidanin inaanu maamulka gobbolka wax walba ogaysiino ee odayaasha iyio kuwan aad wanaaga ku sheegaysaan idinku isbara. Ismaandhaafka sidaasi ayaa kaalin weyn ka qaatey iyo dhaqaale uu dhiigyacab Gaani la dabajoogay kooxdaa.

Xilligan waxaa gudoomiyaha Gobolkii Woqooyi-Galbeed ahaa Cabdalla X.Axmed oo jinsiyadii su aheyd Carab aadna uga warhayey hawlaha ay kooxdani dhalinyarada ahi wadeen. Waxa a kaloo aad uga warhayey hawshan dhalinyaradi wadey kuna garab taagnaa odayaashii iyo ganacsatadii Magaalada oo ay ka mid ahaayeen Xaaji Ildab,Suldaan Cabdiraxmaan, Caa qil Yuusuf Khaliif Cige-Xaruuri-,Maxamed Ibraahin Khaliif,Sh.Cabdi Madar, Cali Waraabe, Cali Saddexle, Sh.Yuusuf ,Maxamed Aw Axmed, Cumar Xasan, iyo qaar kaloo badan .(Illaahay ha u naxariisto intooda dhimatey).

Sidoo kale ayaa xilligan waxaa la mastaafuriyey hawlwadeeno sare oo ay ka mid ahaayeen Cabdilaahi Saleebaan Bidde oo ahaa agaasimihii wasaaradii dalxiiska, Cabdikariin Xaaji Ducaale, Cali Xamar oo ahaa gudoomiyihii wakaaladii Caymiska Qaranka, Yuusuf Cali Tahar oo ahaa talyihii bileyska ee gobolkii woqooyi-galbeed, Sulub Cali Amaan oo ahaa Agaasimihii wasaaradii Beeraha, Cali Xasan oo ahaa gudoomiyihii Wakaaladii Cagafcagafyada ,iyo qaar kaloo badan.Waxaanay muddo bil ah ku xidhnaayeen Xabsiga Laanta Buur.

Xilligan waxaa suuqa ku jiray inay kooxdani ay soo saaraan wargeys. Maamulkii dhiigyacab Gaani markaa waxay u baahdeen sidii loo heli lahaa dad dhexgal ku sameeyey kooxdan. Mar kuu dib-u jaleecay Dhiigyacab Gaani waayihii uu ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa xusu ustiisa uu ku soo dhacey nin ay aad aqoon badan iskugu lahaayeen kana soo jeeda degaa nka iminka ah wadanka Soomaaliland.

Waa inoo iyo qoraalada soosocda oo uu Axmed jabane inooga waramo wargeyskaa iyo sid uu gacanta ugu galay kooxdaaba:
“Anigaa u dhiibi jiray wargeyska kolba soo baxa ,in badana waanu is naqaaney oo ilaa kaalgacayo ayaanu ka soo wada shaqeynay .Aniguna macalin ayaan ka ahaa ,isna xarunta C.I.D-da ayuu haysan jiray” ayuu yidhi Axmed Jabane..


la soco qaybaha danbe ..
-Wareysi: Axmed Maxamed Yuusuf “Jabane”
Bahda Mareegaha Farshaxan
-Wareysi : Axmed Muxumed Madar
Bahda Mareegaha Farshaxan
-Wareysi Axmed kalaas Jaamac
Bahda Mareegaha Farshaxan
Fu,aad Sheekh
Bahda Mareegaha Farshaxan
www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org