Ardayda Dugsiga Sare ee Timacadde oo saaka Mudaharaad Balaadhan ka Sameeyay Magaalada Gabiley, kuna Burburiyey Dawlada Hoose ee Gabiley.

 



Hargeysa (TNN)- Ardayda Dugsiga Sare ee Timacadde, ayaa  mudaharaad aad u balaadhan ka Sameey ay magaalada Gabiley , guud ahaanna kala xidhay isku socodka Gaadiidka iyo Bulsha da, jaha wareer iyo khal khalna ka dhigay faras magaalihii.

Mudaharaadkan oo ahaa mid rabshado wata ayaa ardaydu shiid iyo gacan ka hadal ula tage en Maamulka Dawlada hoose ee Gabiley oo ay saluugeen hab dhaqankooda maamul iyo arda ydii Sanadka ka soo baxday dugsiyada Dhexe oo aan loo hayn fasallo iyo kuraas ay ku fadhiist aan  .


Mudaraadkan oo saaka ka soo bilaabmay Dugsiga Sare ee Timacadde ayaa ardaydu ay lug ku soo galeen gudaha magaalada iyago ku dhawaaqayay ereyo ay ku dhaliilayaan Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo iyo Maamulka Dawlada hoose ee Gabiley , oo aan waxba ka qaban dhib aatooyinka ardayda ka haysta Dhinaca Fasallada iyo Kuraasta.

Mudaharaadkan oo muddo Saacado ah ka socday inta u dhaxaysa Dawlada hoose ilaa Saldhig a Bilayska ,ayaa Ciidamada Booliska gaar ahaan ku SPU-du u isticmaaleen Rasaas aad u fara badan iyada oo la xidh xidhay arday aad u tiro badan isla markaana awood lagu kala dareeriy ay.

Maayarka Magaalada Gabiley Axmed Muxumed Qaalib, oo aanu isku daynay inaanu wax ka wa ydiino Khasaaraha uu keenay mudaharaadkaasi ,ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo sababta ardayda fasallo iyo kuraas ay ku fadhiisataan loogu waayey,cidinna aanay xil iska saarin baahidooda mudadad dhawr soo jiimtamaysay ,ee ay ardayadu mudada dheer u samrayeen.
 



Timacade News Desk
Gabiley,Somaliland