Arday Reer Somaliland Ah Da’diisuna Tahay 12 Jir Oo Afrika Oo Dhan Kaalinta 1-aad U Galay Tartan Qu’aan Ah

 


Sinigal (TNN)- Cabdibaasid Dayib Maxamed oo ah arday da’diisu tahay 12 jir una dashay Jamhuuriyad da Somaliland, ayaa kaalinta 1-aad u galay 27 dal oo qaaradda afrika isaga kala yimi oo ka wada qayb gal ay tartan qur’aanka kariimka ah, oo ka qabsoomay dalka Senigal.

Tartankaas oo ay soo qabanqaabisay hay’adda Raabidatul Islaam ee fadhigeedu yahay dalka  Sucuud iga, oo inta badan hawlaheedu u jinjeedhaan qabashada tartannada qur’aanka ee caalamka ka dhac a, ayaa sannadkan waxa ay ku qabatay dalka Senigal, isla markaana waxa ka qayb-galay arday bada n oo ka kala socotay 27 waddan oo qaarada afrika ka tirsan, kuwaas oo ay Somaliland nasiib u hesh ay inay ka mid noqoto

Waxaana Somaliland metelayay Cabdibaasid Dayib Maxamed oo ah arday da’diisu tahay 12 kana  tirs an markiz Mucalim Shukri oo ku yaala degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa, kana mid ah ardayda ilaahay u fududeeyey xifdiga qur’aanka.

Tartaankaas oo soconayay intii u dhexeysay 11—13-kii bishan April, ayaa waxa kaalinta 1-aad ku  gu ulaystay Cabdibaasid Dayib Maxamed, isaga oo abaal-marin ahaan loo siiyey $3,000, kitaab quraana iyo qalin is akhriyaya iyo jaa’isado kale.

Xafladii ardayga reer Somaliland ee qaaradda afrika kaalinta koobaad u galay tartanka qur’aanka  ab aal-marin lagu guddoonsiinayay, ayaa waxa ka soo qayb-lay madaxweynaha dalka Senigal Cabdalle W ade oo halkaa ku muujiyey sida uu ugu faraxasan yahay tartanka qur’aanka ee dalkiisa lagu qabtay.

Cabdibaasid Dayib Maxamed, ayaa hore kaalinta 2-aad ugu soo guulaystay tartan kan ka horeeyey oo lagu qabtay dalka Sucuudiga, isaga oo haddana lagu wado inuu ka qayb-galo tartano kale oo ka kala dhici doona dalalka Kuweyd iyo Dubai.

 

Source:Waaheen