“Aqoonsigu S/Land Oo Kaliya Faa’iidooyin uma laha,waxa uu wax ka tarayaa danaha Caalamka”

 


Hargeysa (TNN):- Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Mud ane Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay Somaliland u garbo-duuban tahay aqoonsi la’aan, waxaanu ku dooday in aqoonsiga dalkiisu aanu faa’iido u ahayn oo kaliya Somaliland, hase yeeshee uu saacidayo danaha muhiimka ah ee caalamka.

Wasiirku waxa uu sidaasi ka sheegay khudbad uu ka jeediyay shir lagaga hadlayay la-dagaa lanka budhcad badeedka oo lagu soo gabo-gabeeyay dalka Imaaraadka carabta, sida lagu bayaamiyay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Khaarajiga Somaliland Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi), waxaanu u dhignaa sidan:-

“Xidhitaankii shirweynihii Caalamiga ahaa ee ka hortaga Budhcad Baddeeda ee lagu qabtay dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta oo uu Wasiirka Arrimaha Dibbeda Somaliland Md. Maxam ed Biixi Yoonis khudbad uu ka jeediyay waxa uu yidhi:
“Somaliland waxay ku faantaa hormoodka koowaad ee ay ka tahay la dagaalanka Budhcad Baddeeda ee Gobolka, iyadoo ay yar tahay Resource-ka ay haysataa. Waxaannu abuuray ciidammadda ilaalada xeebaha oo tayo leh, kuwaas oo xeebahayaga ka dhigay meel ka caagan inay noqoto Saldhiga Budhcad Baddeedka.

Ku dhawaad 100 (Boqol) qof oo ku eedaysan falal Budhcad Baddeednimo ayaanu ku qabana y xeebaha Somaliland, iyadoo 10 (Toban) ka mid ah ay sugayaan in Maxkamadda lagu saaro magaaladda Berbera ee Somaliland.

“Waxaannu Bulshadda Caalamka (International Community) ugu mahad celinaynaa kaalmad da joogtada ah ee ay noo fidiyaan, waxaanuna halkaas ka sii wadi doonaa wada shaqaynta aannu la leenahay Quwadaha Caalamiga ah ee Badaha iyo dawladda Soomaaliya.

Hase ahaatee, aqoonsi la’aan iyo xuquuqda uu aqoonsigu siiyo dalalka xorta ah oo naga ma qan darteed ayaanaan si habboon u maamuli Karin dhaqaale ahaan, suurtogalna ma aha in ay ciidamadda Baduhu ku soo xidhaan Dekedahayaga. Waxaannu ka qatanay mucaawimoo yinka muhiimka ah ee noo suurtogelin lahaa la dagaalanka Budhcad Baddeeda.
Haddaba, waxaannu u sheegaynaa bulshadda Caalamka in aanaan awood ahaan waxba la hadhin si aannu Gobolka uga sifayno khatarta Budhcad Badeednimada, waxaanuna sii wadi doona wada shaqaynta, laakiin ilaa aannu helo aqoonsi waannu Garbo Duubanahaye.

Somaliland waxay baadi-goobaysay inay aqoonsi caalami ah hesho, loona aqoonsado Qaran madax-banaan ilaa sannadkii 1991-kii. Aqoonsigu faa’iidooyin badan oo keliya dadka reer Somaliland uma laha, waxa uu wax weyn ka tari doonaa danaha istiraajiyadeed ee muhiimka ah ee Caalamka. Oggolaanshaha aqoonsi Somaliland ka hesho Caalamku waxa uu hore-u-marin doonaa Nabadgelyada, dhaqaalaha iyo dimuqraadiyada gobolada ugu xasiloonida dar an adduunka.

Somaliland waxa u dejisan qorsheyaal sii xoojinaya la dagaalanka budhcad Baddeedka ee aa yaha dambe, oo ay ka mid tahay curinta Istiraatijiyada Badaha ee Qaran ‘National Maritime Strategy’. Istiraatijiyadan waxay hoosta ka xarriiqaysaa Duruufaha gaarka u ah Somaliland, iyadoo la xidhiidhsan qorshaha Horumarka Shanta Sanno ee Somaliland.”
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland