Aqalka Wakiilada oo Aqlabiyad ku Meelmariyey Mooshin ay ku Dalbanayeen in Doorashadu Waqtigeedii ku Qabsoonto

 

Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa cod aqlabiyad ah ku meelmariyey mooshin ku saabsan in aanay doorashada Madaxtooyadu waqtigeedii loo qoondeeyey ee 29-ka March dib uga dhicin.


Mooshinkan oo doodiisu golaha ka socotay toddobaadkii ugu dambeeyey, isla markaana badiba xildhibaanadii ka qaybgalay ay si kulul ugu eedeeyeen xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo xisbigiisa UDUB inay doonayaan muddo-kordhin xilka ay ku sii hayaan, ayaa gebogabadiisii waxa ka soo baxay saddex qodob oo aad u xaasaasi ah, kuwaas oo kala ah.


In doorashada Madaxtooda lagu qabto waqtigeedii loo qoondeeyey ee 29-ka March, In haddii doorashadu ku qabsoomiweydo waqigeeda ay fadhi wadajir ah isugu yimaadaan labada gole Baarlamanka ee Guurtida iyo Wakiilada, si looga tashado waxa la yeelayo iyo cidii dalka gaadhsiin lahayd doorasho xor oo xalaal ah iyo Goluhu u yeedho Komishinka doorashooyinka, si ay wax uga wediiyaan halka hawshii qabanqaabada doorashadu marayso.


Fadhiga shalay oo uu guddoominayey Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxaana fadhiga oo ay ka soo xaadireen 47 mudane cod loo qaaday mooshinkaasi ogolaaday 35 mudane, 5 ka mid ahina way diideen, halka 6 kalena ay ka aamuseen, guddoomiyuhuna muu codayn.


Mooshinka Golaha Wakiilladu meelmariyeen oo ah mid xaasaasi ah, ayaa la filayaa inuu wax ka taro walaaca iyo cabsi badan oo laga qabo in doorashada Madaxtooyadu waqtigeedii ku qabsoomi waydo, masuuliyadda arrintaas oo xisbiyada mucaaradku ku eedeeyeen xukuumadda in iyadu dabada hayso.




 



Jamhuuriya Online